Sign in to follow this  
General Duke

Mogadishu: Hours of Heavy Fighting between Al Shabaab AMISOM [12 dead 30 inj]

Recommended Posts

Muqdisho:-Dagaal saaka ka biloowaday Magaalada Muqdisho & Shabaab oo u hanqaltaagaya qabsashada Madaxtooyada Villa Soomaaliya.

19. februar 2011

 

APL

 

Muqdisho(Allpuntland)-Dagaal u dhaxeeya Ciidamada Dowladda KMG Soomaaliya oo gacan ka helaya ciidamada Midoowga Afrika ee Amisom ayaa saaka waxa uu ka biloowday xaafado ka mid ah Degmooyinka Wardhiigleey, Hodan iyo Howl-Wadaag ee Gobolka Banadir.

 

Dagalkaan ayaa la sheegayaa in uu yahay mid xoog leh islmarkaana labada dhinac ay isu ridayaan hub culculus, waxa uuna dagaalka ka dambeeyey ka dib markii Al Shabasb weerar ay ku qadeen fariisimaha ciidanka Amisom iyo kuwa Dowladda KMG ee degmooyinka dagaalka uu ka biloowday.

 

Wararka ayaa sheegaya in ciidanka Al Shabaab gaar ahana kuwa weerarka ka qaaday dhanka degmada Wardhiigleey ay qalqal ku hayaan xarunta Madxtooyada oo iyadu ku dhow goobaha dagaalka uu ka socdo , waxaana sidoo kale wararku tibaaxayaan in dagaalka uu saameeyey xarunta Madaxtooyada ka dib madaafiic iyo rasaas liif ah oo ku dhaceeysa qeybo ka mid ah Madaxtooyada , waxaana qalqal ku shaqeeyanaya shaqaalaha xafiisyada madaxtooyada oo isu gudbi la,.

 

Ciidamada Al Shabaab ayaa u muuqda kuwa haatan xoog saaray xarunta Madaxtooyada hasa ahaatee waxa ay awdood xoog leh kala kulmayaan ciidanka Amisom oo aagaga uga jir hareeraha xarunta Madaxtooyada Villa Soomaaliya ee magaaada Muqdisho.

 

Dagaalkaan ayaa la shegayaa in uu saameeyn kale ku yeesha goobo kale oo ka baxsan meelaha uu dagaalka ka socdo, waxaana ka mid ah Suuqa Bakaaraha oo haatan madaafiic si daran doori ah ciidanka Amisom ay ugu garaacayaan , waxaana ilaa iyo iminka la xaqiijiyey in ay ku geeriyoodeen Labo qof oo rayid ah.

 

Dagaalada ayaa imaanaya xili maalmahii ugu dambeeyey dhaq-dhaqaaqyo ciidamada Dowladda iyo kuwa Amisom ay ka wadeen magaalada Muqdisho taasi oo shaki ku abuurtay Al Shabaab oo iyana xoojiyey weerarada ka dhanka ah Amisom iyo Dowladda KMG.

 

Xafiiska Wararka Allpuntland Muqdisho.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Faahfaahin dheeraad ah oo ku saabsan dagaallo maanta ka dhacay degmooyin ka tirsan Gobolka Banaadir

 

Sabti, 19 Feberaayo, 2011 (HOL) – Inta la oghayay 12-qof oo shacab iyo ciidankii dagaalamay isugu jira ayaa ku dhintay dagaal maanta ku dhexmaray Muqdisho DKMG ah, AMISOM iyo Xarrakatul Shabaab, waxaana ku dhaawacmay 30-qof oo kale.

 

Isbitaalada Muqdisho ayaa la gaarsiiyay dhaawacyadii dagaalka ka dhashay, kuwaasoo ay ku jiraan caruur iyo haween, waxaana dagaalladii maanta ay saameyn ku yeesheen howlaha suuqa Bakaaraha oo ah midka ugu weyn Muqdisho.

 

"Dhaawacyadii aan illaa saakay qaadnay waxay gaarayaan 30-qof oo shacab ah, waxaan ka kala qaaday degmooyinka lagu dagaalamay iyo kuwo ay madaafiicdu ku dhacday, isbitaalada Muqdisho ayaana kala gaarsiinay," ayuu yiri mid ka mid ah howlwadeenada gaadiidka gurmadka deg-dega ah ee Muqdisho, isagoo sheegay inay weli soo yeerayso qaylo-dhaamada dad dhaawacmay oo gargaar u baahan.

 

Howlwadeenada isbitaalka Banaadir oo dhaawacyada qaarkood la gaarsiiyay ayaa sheegay in afar ka mid ah dadkii dhaawac ahaanta loogu keenay ay u geeriyoodeen dhaawacyadii soo-gaaray oo aad u kuwo culus awgood.

 

Maydadka ciidamadii dagaalamay ayaa la sheegay inay yaalaan degmooyinkii ay iska horimaadyadu ka dhaceen, kuwaasoo dhinacyada aanay u suurogelin inay qaataan, iyadoo dagaalkan uu noqonayo kii ugu khasaaraha ee bishan ka dhaca Muqdisho.

 

Degmooyinka Yaaqshiid iyo Huriwaa oo ka fog kuwa lagu dagaalamayay ayaa waxaa ku dhacay madaafiic culus oo ay tuureen ciidamada AMISOM kuwaasoo geystay khasaarooyin isugu jira dhimasho iyo dhaawac soo gaartay dad rayid ah.

 

Inkastoo dagaalku uu qaboobay haddana waxaa weli laga maqlayaa magaalada Muqdisho ee madaafiic culus iyo rasaas goos-goos ah, kuwaasoo badankood ku dhacaya goobaha ay labada ciidan isku hor-fadhiyaan

 

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online

maxuseen@hiiraan.com

Muqdisho, Soomaaliya

Share this post


Link to post
Share on other sites

Ciidamada Dowlada KMG ah ee Soomaaliya ayaa maanta horumar ka sammeeyay dagaal saaka ka dhacay xaafado ka mid ah degmada Howlwadaag ee magaalada Muqdisho, iyadoo ciidamaduna la wareegeen fariisimo ay ku sugnaayeen maleeshiyaadka Shabaab.

 

Taliyaha Guutada Madaxtooyada G/sare C/llaahi Cali Caanood oo dagaalkaasi hogaaminayay ayaa Radio Muqdisho u sheegay in ciidamada Dowladu aya saaka weerar ku qaadeen, fariisimo ay ku sugnaayeen Maleeshiyaadka Shabaab, wuxuuna intaa ku daray in Maleeshiyaadkaasi ay kala wareegeen sadex fariisimo oo ay hore ugu sugnaayeen.

 

“ Ciidamada Dowladu waxa ay ku suganyihiin xarunta degmada Howlwadaag, iyagoo isku fidiyay xaafadaha ka agdhow degmada, dagaalkana anagaa saaka qaadnay, waxaanna shabaab ka dilnay Labo Maleeshiyo, hubna wan ka furanay anagana dhowr Askari ayaa dhaawacyo fudud soo gaareen, dagaalkana waanu sii wadi doonnaa” ayuu yiri Taliyaha Guutada Madaxtooyada G/sare C/llaahi Cali Caanood.

 

Dagaalkan oo la isu adeegsanayay hubka calculus ayaa bilowday saaka kadib markii ciidamada Dowlada KMG ah ee Soomaaliya ay weerar ku qaadeen fariisimo ay ku sugnaayeen Maleeshiyaadka Shabaab, iyadoo ciiidamada Dowladda sida la xaqiijiyay ay horumar muuqda ka gaareen dagaalkaasi.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Si kastey ahaataba dhaqdhaqaaqan ciidan ee ay sida wadajir ka ah u wadaan ciidamada dawlada & Amisom ayaa u muuqda dagaalkii dawlada kmg ahi iclaamin jirtey ee ay ku hanjabi jirtey inay magaalada Muqdisho kaga sifeynayan kooxaha islaamiiyiinta ah,taasi oo keentey inay islaamiyiintuna si adkeystaan gacan ku haynta farisiimahooda ciidan.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Meelaha uu dagaalka culus ka socdo ayaa waxaa ka mid ah Godka Cagadhiig, Xaafada Sayidka, Isgoyska Dabka, Shaqaalaha iyo xaafadaha degmada Hodan, waxaana la isu adeegsanayaa madaafiicda culus.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Shabaab iyo AMISOM oo saakay dagaal iskula kalahay

 

Ciidamada AMISOM oo kaashanaya kuwa dowlada ayaa saakay dagaal ba,an kula jiro xoogaga Shabaaka oo weerar dib u riixis ah ku qaaday.

 

Dagaalada ayaa ka danbeeyey marki ay ciidamada AMISOM horay ugu siqeen dhinanaca aagaga Al Shabaab, waxa ay doonayeen in ay fariisimo cusub ka sameystaan deegaanada Hodan iyo Wadaag.

 

Meelaha uu dagaalka culus ka socdo ayaa waxaa ka mid ah Godka Cagadhiig, Xaafada Sayidka, Isgoyska Dabka, Shaqaalaha iyo xaafadaha degmada Hodan, waxaana la isu adeegsanayaa madaafiicda culus.

 

Inta la hubo dagaaladan ka socdo saakay magaalada Muqdisho ayaa waxaa ku geeriyooday laba ruux shan kalana dhaawacyo ayaa kasoo gaaray kuwaasi oo ay guryahooda ugu tageen madaafiicda culus ee AMISOM.

 

Ma jirto wali wax war ah oo kasoo baxay dhinacyada ku dagaalamayo saakay magaalada Muqdisho, waxaana laga yaabaa in dagaalka saakay uu ka qasaaro badnaado kuwi hore maadaama uu si saf ah uga socdo dhowr meel oo ay isku horfadhiyaan labada dhinac.

 

midnimo.com[pro Sharif Hotel site]

Share this post


Link to post
Share on other sites

Dagaalo culus oo saaka ka bilawday qeybo ka mid ah Hawlwadaag oo weli socda

By SomaliMirror on 19 Feb, 2011 12:09 PM in Main, Wararka

 

Dagaal iyo duqeyn isbarbar socota oo u dhexeysa ciidamada xarakada Shabaab iyo ciidanka Amisom oo ayaa saaka mar qura ka wada qarxay degmooyinka Hodan, H/wadaag iyo Wardhiigley, halkaas oo dagaalada ay si saf ballaaran uga soconayaan iyadoo dagaalka uu sii sii kululaanayo.

 

 

Dagaalkan ayaa ka dhashay dhaqdhaqaaqyo saaka ay sameeyeen ciidanka Amisom oo dancay inayhore ugu dhaqaaqaabn qeybo ka mid ah degmada Wardhiigley iyo isgoyska dabka oo markii hore la isku horfadhiyay. waxaana ha;lkaasi saaka waaberigii ka qarxay dagaal iska caabin ah oo lagala hor yimid Amisom.

 

Wararka goobta dagaalka laga helyo ayaa sheegaya in ilaa shaley halkaasi laga dareemayey dhaqdhaqaaqyo ciidan iyadoo Amisom ay halkaasi geeyeen ciidamo fara badan iyo taangiyo halka dhinaca xarakada Shabaabna ay adkeysatay difaaca kuna soo biirisay askar cusub.

 

Waqtigan la joogo ayaa dagaalka waxaa uu sii socdaa Isgoyska Dabka, iyadoo dhawaqa rasaasta ay tahay mid aan kala joogsi lahayn. Waxaa sidoo kale qeybo ka mid ah magaalada lagu garaacayaa madaafiic laga tuurayo fariisimaha ciidamada Amisom.

 

 

Dagaalka yaa weli soconaya saacado xiriir ah, taasoo ah mid muujineysa sida uu uga duwan yahay dagaalada caadiga ee ka dhici jiray Muqdisho kaasoo looga bartay in muddo daqiiqado kaliya inay socdaan kadibna joogsadaan.

 

Dhanka kale Isgoyska Sayidka iyo degaan-dega ayaa iyana dagaalka kale uu ka qarxy kaasoo qeyb ka ah dagaalka saaka ka soconaya magaalada Muqdisho, wuxuuna dagaalkan u muuqdaa mid labada dhinacba ay ku soo talagaleen oo u soo diyaar garoobeen xoogiisa marka loo eego.

 

Khasaaraha uu dagaalka geysanayo ayaan ilaa hdada tirakoob rasmi ah lagu sameyn inkastoo saacado badan uu dagaalku socdo balse waxaa shabakada Somalimirror.com loo xaqiijiyey in dhaawacyo rayid ah la geeyey isbitaalada kala duwan ee magaalada ku yalla waxaana sidoo kale jira tirooyin dhimasho.

 

Dhinacyada hogaaminaya dagaalka ayaan weli wax war ah siin saxaafada walow laga war dhowrayo inay saacadaha dhow ay ka hadlaan dagaalka.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Abaanduulaha Ciidamada "Qorshaheena waa inaan caawa ku hoyano Jidka Wadnaha

 

Abaanduulaha Ciidamada Xooga dalka Gen. C/kariin Yuusuf Aadan (Dhega-Badan ayaa sheegay in qorshahooda uu yahay sidii ay caawa Ciidamada ugu hoyan lahaayeen Jidka Wadnaha oo aad kaabiga ugu haaya Suuqa weyn ee Bakaaraha, kadib markii Ciidamada Dowladda iyo kuwa AMISOM oo is kaashanaya ay maanta galeen xaafadaha u dhow dhow ee degmooyinka Howlwadaag iyo Wardhiigley.

 

Gen. Dhaga-Badan oo hadaladiisa laga dareemayay kalsooni ayaa sheegay in maanta Ciidamada Dowladda ay horumar ka sameeyeen dagaalada, ayna goobo dhowr ah ka saareen oo dhufeys ah oo ay ku sugnaayeen Shabaabka.

 

"Maanta kooxaha nabad diidka waxaan kala wareegnay goobo badan, howl galka Ciidamada xooga dalka, wuxuu ahaa mid guul ku soo dhamaaday, waa waajib waan sii soconeynaa, waxaan u sheegayaa dhalinyarada la qalday inay waalidiintooda u soo laabtaan.

 

Genanka ayaa sheegay in caawa qorshahooda yahay inay ku hoydaan Wadada Wadnaha, isla markaana Ciidankooda uu diyaarsan yahay, waxaana uu carabka ku dhajiyay in qorshahooda uu wax badan kaga duwan yahay kuwii hore.

 

Mar wax laga weydiiyay in dagaalka maanta ay qaadeen Dowladda inuu qeyb ka yahay qorshihii Boqolka maalmood ayuu tilmaamay in qorshahaas uu sidii loogu tala galay uu ku soo dhamaan doono iyo guul, isagoo ka gaabsaday inuu ka hadlo arrimo kale oo uu ku qeexay inay yihiin Sir milateri.

 

Sidoo kale Gen. Dhega-Badan ayaa tilmaamay in dagaalka maanta ay ka gacan siiyeen Ciidamada AMISOM, isagoo beeniyay in dagaalka wararka sheegaya in dagaalka aanay maanta qeyb ka aheyn Ciidamada Xooga dalka, hase ahaatee waxaa uu muujiyay in Ciidamada Dowladda how galka ugu badan ay qabteen.Dowladda KMG ayaa horay u waday qorshayaal milateri oo dhowr jeer fashilmay, hase ahaatee Xukuumada cusub ee uu hogaaminayo Maxamed C/llaahi Farmaajo ayaa horay u qabsatay in muddo boqol cisho kula wareegi doono Caasimada, kana saareyso qolyaha ka soo horjeeda.

 

Dhanka kale Xaalada Magaalada Muqdisho ayaa caawa ah mid degan, inkastoo mararka qaar la maqlayo madaafiic goos goos ah, laakiin dhinacyada iska soo horjeeda ayaa dhinac walba waxaa uu ku jiraa diyaar garow dagaal oo aad u ballaaran,

Share this post


Link to post
Share on other sites

Ciidamadda Xarakada Al Shabaab oo dib u soo gurtay iyo ciidamada dowladda oo dib ula wareegay goobo hor leh

 

Xarakada Al Shabaab oo xoog kula wareegtay goobo ay maanta ka qabsadeen ciidamadda dowladda Soomaaliya iyo kuwa Amisom ayaa waxay iminka dib uga guratay goobihii ay la-wareegtay.

 

Ciidamadda Xarakada Al Shabaab ayaa soo faarujiyay deegaano ay caawa fiidkii xoog ula wareegeen ciidamadda dowladda Soomaaliya iyo ciidamadda Midowga Afrika ee Amisom, iyadoo aan la’ogeyn sababaha rasmiga ay taasi ka dambeysay.

 

Ciidamadda dowladda Soomaaliya ayaa waxaa lagu arkayaa goobo ay caawa xoog kula wareegeen Xarakada Al Shabaab, kadib markii ay galabta dagaalo qorsheysan oo xoogan ay kusoo ekeysay Xarakada Al Shabaab.

 

Saraakiisha ciidamadda dowladda Soomaaliya ayaa waxay sheegeen in’ay horey u sii socon doonaan, isla-markaana aysan dib u soo laaban doonin wax kasta oo dhaca, iyadoo intaasi ku dartay in dowladda Soomaaliya ay weeraro xoogan ku tahay goobaha uu Shabaabka kaga sugan yahay magaaladda Muqdisho.

 

Dagaalada maanta ka dhacay magaaladda Muqdisho ayay kooxaha ku dagaalaamaya caasimadda ay kala qabsadeen dhawr goobood, waxaana jira goobo ay gacan ku heyntoodu ay isu bad badaleen sida xaafadda Tookiyo, qeybta kore ee wadada Dabka iyo dhinaca galbeed ee wadada Shaqaalaha.

 

 

Ma-cadda waxa ay kusoo idlaan doonto xaaladda guud ahaan ee magaaladda Muqdisho, balse rasaas culus ayaa waxaa weli laga maqlayaa degmooyinka Hodan, Hawl-wadaag iyo Wardhiigley oo ay maanta ka dhaceen dagaalo aad u qaraar.

 

Wixii dagaalada magaaladda Muqdisho kusoo kordha kala soco wararkayna dambe haddii uu RABI idmo.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Mogadishu Fighting Kills Six as Government Battles Islamists

 

Bloomberg

Saturday, February 19, 2011

 

 

At least six people were killed and two dozen others wounded in the Somali capital Mogadishu as government forces backed by African Union troops battled Islamist insurgents.

 

The battle began early today when the government forces with the African Union Mission in Somalia attacked Al-shabaab entrenchments in the Wardigley and Howlwadag districts and the Sayid junction near the presidential palace.

 

“Our troops are advancing towards their strong positions” Abdullahi Ali Anod, a commander for presidential forces, told journalists today. “We have lost one soldier, and six others have sustained injuries. We have launched a planned attack towards their positions this morning.”

 

Both sides exchanged fire from artillery, mortar and rocket-propelled grenades. Residents and witnesses said the fighting is continuing.

 

“The causalities are not confirmed exactly because the stray bullets and mortars have hit several people in different locations,” Ali Muse Sheikh, director of Mogadishu ambulances services, said in an interview today. “Until now, six civilian corpses have been collected and 16 others wounded.”

 

Witnesses and residents said that heavily armed Al-shabaab troops have joined the battle.

 

The fighting has resumed again this afternoon as civilians were wounded or killed by stray mortars from areas that are far from the battle including Bakara market, HamarJajab and Hamarweyne district.

 

“Five Christians from Ugandan troops and seven apostate soldiers (a reference to government soldiers) have been killed in the battle, and their corpses are still in the street,” Sheikh Abdul Aziz Abu Musab, an army spokesman for Al-shabaab, said on a conference call with reporters today. “They have failed in their attack.”

 

Source: Bloomberg

Share this post


Link to post
Share on other sites

Dagaalo culus oo ka dhacey Muqdisho

19 Feb 19, 2011 - 12:02:46 PM

 

Ugu yaraan 21-qof oo shacab iyo askartii dagaalamay ah ayaa ku dhintay dagaalo culus oo maanta ka dhacay Muqdisho, waxaana ku dhaawacmay in ka badan 40-qof oo dhamaantood ahaa shacab ay madaafiicda iyo rasaastu ugu tagtay deegaano ku dhow iyo kuwo ka fog kuwa lagu dagaalamayay.

 

Sarkaal u hadlay DF ayaa sheegay in dagaalka ay iyagu qaadeen, ayna qabsadeen fariisimo ay kooxda Al-shabaab kaga sugnaayeen degmada Hodan oo kulaasha Villa Somalia, waxaana dagaalka oo soo gaaray galinkii dambe ee maanta qayb ka ahaa ciidamada AMISOM.

 

Isbitaalada Muqdisho ayaa waxaa la geeyay dhaawac fara badan, iyadoo qaarkood ay ku dhinteen isbitaalada ka hor intii aan loo sameyn gargaar caafimaad, iyadoo dhaqaatiirta isbitaaladu ay dhimashadooda ku sheegeen inay ku timid dhaawacyada ay qabeen oo ahaa kuwo culus.

 

Taliyaha ilaalada Villa Somalia Col. C/llaahi Cali Caanood oo saxaafada la hadlay ayaa sheegay in dagaalka looga dilay sarkaal iyo askari ka tirsan ciidankooda ayna kaga dhaawcmeen 6-askari oo kale.

 

"Ciidamadeenu waxay ku sugan yihiin meel ku dhow degmada Howlwadaag, sababta aan dagaalka u qaadnayna waxay ahayd inaan iska fogeyno ciidamada Al-shabaab oo rasaas kusoo rida Madaxtooyada" ayuu yiri Col. Caanood.

 

Sarkaalkan ayaa sheegay inay arkeen maydadka laba ka mid ah dagaalayahanada kooxda Shabaab ayna filayaan inay jiraan kuwo kale oo ay jiiteen intii uu dagaalku socday.

 

Afhayeenka Al-shabaab Sh. C/casiis Abu-Muscab oo isaguna ka hadlay dagaalka ayaa sheegay inay guulo ka gaareen, ayna ku dileen 5-askari oo kasoo jeeda dalka Uganda iyo 7-askari oo ciidamada DF ka mid ah, isagoo sheegay inay kaga furteen hub.

 

Sh. Abu-Muscab ma uusan sheegin khasaaraha kasoo gaartay dagaalka, wuxuuse xusay in dagaalku uu ahaa mid lagu soo qaaday ciidankooda ayna iska difaaceen, isagoo sheegay in ciidamadoodu ay ku sugan yihiin dhufeysyadii ay horay u joogeen.

 

Dagaalada ayaa waxay saameyn ku yeesheen degmooyinka Hodan iyo Wardhiigley oo daris la ah degmada Howlwadaag, waxaana ilo wareedyo madaxbanaan ay u sheegeen Garowe Online in ciidamada DF iyo kuwa AMISOM ay ku durkeen goobaha ay Al-shabaab ku sugan tahay.

 

Madaafiicda ka dhacayay saldhiyada AMISOM iyo kuwa DF ee Muqdisho ayaa ku dhacayay degmooyin Yaaqshiid iyo Huriwaa, halkaasoo ay ka geysteen khasaare isugu jirta dhimasho iyo dhaawac.

 

Maj. Barigye Behuko oo ah afhayeenka AMISOM ayaa shalay sheegay inay weeraro qaadayaan, waxaana isagoo maanta ka hadlayay dagaalka dhacay uu sheegay in qorshahoodu uusan ahayn inay deegaan qabsadaan balse ay tahay inay nabada gaarsiiyaan Muqdisho.

 

Afhayeenka AMISOM wuxuu ka gaabsaday inuu ka hadlo khasaaraha dagaalka kasoo gaaray, isagoo diiday inuu beeniyo iyo inuu rumeeyo hadalka Al-shabaab ay ku sheegtay inay ku dileen dagaalkii maanta 5-askari oo u dhashay dalka Uganda.

 

GAROWEONLINE

Share this post


Link to post
Share on other sites

Dagaalada Muqdisho oo galay maalinti labaad

 

Dagaalada Magaalada Muqdisho shalay ka bilowday ayaa galay maalinti labaad, kadib marki saakay uu dib uga bilwday deegaanadi shalay shalay lagu diririay.

 

Dagaalada ayaa waxa xoogooda ay ka socdaan degmada Hodan halkaasi oo labada dhinac mudo isku hor fadhiyeen, waxaana si xoog ah ay isu weeydaarsanayaan madaafiic.

 

Madaafiic ayaa waxaa xoogooda ay ku socoyaa xaafada KPP sidoo kale Suuqa Bakaaraha ayaa isaguna si aad ah loo duqeynayaa iyadoo wararku ay sheegayaan in ganacsiga uu saakay ku bilowday si gaabis ah.

 

Inkastoo dagaalka saakay bilowday ka yaryahay kii shalay ayaa hadana waxa dhici karto inuu xoogeysto.

 

Dagaaladi shalay ayaa waxaa ku dhintay 13 ruux oo u badnaa dhinacyadi dagaalamay, sidoo kale waxaa ku dhaawacmay in ka badan 30 ruux oo rayid ah kuwaasi oo la dhigay cisbitaalada Magaalada Muqdisho.

*

Share this post


Link to post
Share on other sites

AMISOM oo qiratay in dagaallada Muqdisho looga dilay askar, iyaguna ay dileen dagaalayahanno shisheeye ah

 

Axad, 20 Feberaayo, 2011 (HOL) – Warsaxaafadeed maanta kasoo baxay xarunta AMISOM ee Muqdisho ayay ku sheegtay in dagaalladii shalay looga dilay laba askari, tiro kalena looga dhaawacay, ayna dhankooda dileen lix dagaalyahan oo shisheeye ah, kuwaasoo ka barbar dagaallamayay xoogagga Xarrakatul Shabaab.

 

“AMISOM waxay dagaalladii Muqdisho ku wayday laba skari, dhowr kalena waa nalooga dhaawacay,” ayaa lagu yiri warsaxaafadeedka.

 

Saraakiisha AMISOM waxay sheegeen in labada askari looga dilay weerarro gaadmo ah oo lagu soo qaaday mid ka mid ah saldhigyadooda, sidoo kalena saldhiggaas laga qaatay hub. Waxayna sidoo kale sheegeen in xoogagga Xarrakatul Shabaab ay isticmaaleen farsamooyin casri ah oo ay ka dhaxleen dagaalyahannada shisheeyaha ah ee ka barbar dagaalama.

 

Dhanka kale, AMISOM waxay waraxaafadeedkeeda ku sheegtay inay dagaaladii ka dhacay Muqdisho ku dileen lix dagaalyahan oo u dagaalamayay Xarrakatul Shabaab, kuwaasoo ay sheegeen in badankood ay kasoo jeedaan dalalka Aasiya.

 

Magacyada dagaallmayahanada ay sheegtay AMISOM inay dileen ayaa waxay kala yihiin: Majid Al-Yaxya Abu-Yaman (Xuuti, Yemen), Sahan Cabdow Barqish (lama yaqaan dalka uu kasoo jeedo), C/rabbi Mansuur (Pakistani), Amol Joorkay (Hindi), Saman Bito (Kenyan) iyo Cadbi Magid Asad (Syria).

 

Dagaallada ay ku dileen dagaalyahanadan ayay sheegeen inay shalay ka dhaceen xaafada Siigaale ee degmada Hodan iyo xaafada Ceel-Hindi ee degmada Howlwadaag, kuwaasoo 500 mitir koonfur kaga beegan suuqa weyn ee Bakaaraha. Waxayna sidoo kale AMISOM sheegtay in Xarrakatul Shabaab ay dhowr jeer isku dayday inay maydadkaas si xoog ah ku qaadato balse ay u suurogeli wayday.

 

Xarrakatul Shabaab oo iyaguna maanta soo bandhigay maydadka laba askari oo ka tirsan ciidamada AMISOM oo lagu dilay dagaalada ka socda Muqdisho ayaan ka jawaabin hadalka ku saabsan in dagaaladii shalay looga dilay dagaalyahano shisheeye ah oo u dagaallamayay.

 

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online

maxuseen@hiiraan.com

Muqdisho, Soomaaliya

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this