Sign in to follow this  
General Duke

AMISOM we have plans in place to take over city Museveni the Bakara is inhabited by Al Shabaab

Recommended Posts

Afhayeenka AMISOM oo sheegay inay qorsheynayaan inay isku ballaariyaan degmooyinka Muqdisho

 

Jimco, 18 Feberaayo, 2011 (HOL) – Afhayeenka AMSOM Maj. Barigye Bahuko ayaa sheegay maanta oo Jimco inay wadaan qorshe ay isugu ballaarinayaan degmooyinka Muqdisho, balse wuxuu ka gaabsaday inuu sheego xilliga uu howlgalkaas billaabayo.

 

“Qorshaha ayay noogu jirtaa inaan ballaarino fariisimaheenna millateri ee Muqdisho, horay ayaan ula wareegnay goobo badan, haddana waxaan doonaynaa inaan goobo kale oo cusub la wareegno,” ayuu yiri Maj. Barigye oo wareysi siiyay idaacadda Shabeelle ee Muqdisho.

 

Afhayeenku wuxuu sheegay in ciidamadooda ay diyaar u yihiin inay dagaal la galaan Xarrakatul Shabaab oo diidan jirtaanka dowladda Soomaaliya iyo joogitaanka ciidamada AMISOM ee garabka siiya dowladda.

 

Ciidamada AMISOM oo tiradoodu tahay 8,000-askari ayaa ka socda dalalka Uganda iyo Burundi, waxayna Muqdisho kaga sugan yihiin saldhigyo ku yaalla degmooyinka ay gacanta ku hayso dowladda Soomaaliya.

 

Maj. Bahuko wuxuu sheegay inay socdaan wadatashiyo siyaasadeed oo xal loogu raadinayo dalka Soomaaliya, kaasoo uu xusay inay u leeyihiin ururka Midowga Afrika, dowladda KMG ah, dalka daneeya Soomaaliya iyo beesha calaamka.

 

“Hadafka wadatashiyadan waa mid looga gol-leeyahay in xal looga gaarayo arrimaha dalka Soomaaliya iyo muranka siyaasadeed,” ayuu yiri afhayeenka AMISOM, isagoo aan sheegin halka ay kulammadaas ka socdaan.

 

Dhanka kale, afhayeenka AMISOM wuxuu ku eedeeyay ciidamada dowladda inay dhibaatooyin iyo falal ammaan xumo ka wadaan degmooyinka ay dowladdu ka taliso, isagoo madaxda DKMG ah ka codsaday inay falalkaas ammaandarro wax ka qabtaan.

 

 

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online

maxuseen@hiiraan.com

Muqdisho, Soomaaliya

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this