Sign in to follow this  
General Duke

Mohamed Dheere[TFG Militia] kill civilians today in Dharkeenlay AMISOM to take action

Recommended Posts

Askar ka tirsan DKMG oo dilay dad rayid ah oo ku sugnaa Dharkeenlay

 

Muqdisho: (Sh. M. Network) Askari ka tirsan dowladda KMG Soomaaliya ayaa waxaa ay rasaas ku fureen dad rayid ah oo ku sugnaa deegaanka Suuq Boocle degmada Dharkeenlay ee gobolka Banaadir.

 

2-qof ayaa ku dhimatay 2-kalana way ku dhaawacmeen, rasaas maanta barqadii askar ka tirsan ciidamada dowladda KMG Soomaaliya ay ku fureen dad rayid ah oo ku suganaa deegaanka Suuq Boocle ee degmada Dharkeenlay ee gobolka Baanadir halkasi oo la sheegay in raashiin gar gaar ah laga bixinayay.

 

Rasaasta ayaa timid sida la sheegay kadib markii baqaaro ku yaalo Suuqaasi oo guddiga qaranka ee dowladda KMG Soomaaliya ay Xukuumada u xilsaartay arimaha gar gaarka uu rashiin gar gaar ah ka qeybinayay halkaasi ay ku xoomeen dad u farabadan taasi oo keentay in askar ka tisan ciidamada dowladda rasaas qasaaro gaysatay ay ku fureen dadkaasi rayidka ah.

 

Mas’uuliyiin ka tirsan Maamulka dowladda KMG Soomaaliya ee degmada Dharkeenlay oo aan la xiriirnay ayaa beeniyay in rasaastaasi ay fureen ciidamada dowladda, iyagoo warkaasi ku tilmaamay mid been abuur ah.

 

Rasaasta maanta ciidamada dowladda KMG Soomaaliya ay ku fureen dadka rayidka ah ee ku suganaa degaanka Suuq Boocle ee degmada Dharkeenlay ee gobolka Banaadir ayaa imanaysa iyadoo mudo ka yar 30-maalin askarta ciidamada dowladad siyaabo kala duwan afar meelood ay ugu rasaaseeyeen dad rayid ah taasi oo gaysatay qasaarooyin isugu jira dhimasho iyo dhaawac.

 

 

Aqriso oo la soco Shabelle.net Saacad Walba si aad u hesho wararkii ugu dambeeyay ee Soomaaliya.

Share this post


Link to post
Share on other sites

3395-full-so.jpg

 

Bahuuku oo sheegay inay ka xunyihiin dhibaatoyink ay gaystaan DKMG

 

Muqdisho: (Sh. M. Network) Ciidamada Midowga Afrika ee AMISOM ayaa sheegay inay ka xunyihiin dhibaatooyinka ay ciidamada dowladda u gaysanayaan dadka rayidka ah.

 

Afhayeenka Ciidamada AMISOM Barigye Bahuuku oo waraysi gaar ah siiyay Idaacadda Shabelle ayaa waxaa uu sheegay in AMISOM ay raali ka’ahayn islamarkaana ay ka xunyihiin dhibaatooyinka ciidamada dowladda KMG ay ku hayaan dadka degan goobaha ay gacanta ku hayso dowladda KMG Soomaaliya.

 

Barigye Bahuuku ayaa sheegay inay jiraan dhibaatooyin dadka shacabka ah loogu gaysto degmooyinka ay gacanta ku hayso dowladda, wuxuuna tilmamay in AMISOM aysan dulqaadanayn dhibatooyinka dadka rayidka ah loogugaysanayo goobaha ay Maamusho dowladda KMG.

 

Mr. Bahuuku ayaa waxaa sidoo kale sheegay goobaha ay ka taliyaan Xarakada Al Shabaab ay dhibaatooyin loogu gaysto dadka maatada ah si ka daran sida dadka rayidka ah dhibtaaooyinka loogu gaysto goobaha ay Maamusho dowladda, isagoo sheegay in Al Shabaab ay joojiyeen Hay’adihii gar gaarka ee caawin lahaa dadka ay saamaynta ku yeesheen abaaraha ee ku sugan goobaha ay ka taliyaan Shabaab.

 

Dhinaca kale Afhayeenka Al Shabaab Sheekh Cali Max’uud Raage (Sheekh Cali) oo Saxaafadda la hadlay ayaa waxaa uu wax kama jiraan hadalka kasoo yeeray AMISOM ee ku aadan in dhibaatooyin dadka rayidka ah loogu gaysto goobaha ay Maamulaan Al Shabaab.

 

Wuxuuna tilmaamay in 10-ka gobolka oo ay Al Shabaab gacanta ku hayaan aan ka jirin cid dhibaato loogu gaystay, isagoo carabka ku dhuftay in bishaan gudaheeda dad faraban oo rayid ah lagu laayay degmooyinka kooban oo ay gacanta kuhayso dowladda KMG sida uu hadalka u dhigay.

 

Hadalkaan kasoo baxay AMISOM ee ku aadan dhibaatooyinka dadka rayidka loogu gaysanayo goobaha ay gacanta ku hayso dowladda ayaa waxaa uu imaanaya xili maalmo ka hor ay aheeyd markii AMSIOM iyo dowladda KMG talaabo si wada jir ah ay u qaadeen ay kusoo qab qabteen dad lagu eedeeynayo inay ku lugleeyihiin falkii ka dhacay aga gaarka guriga Hooyooyinka oo dad shacab ah lagu laayay.

 

 

 

Aqriso oo la soco Shabelle.net Saacad Walba si aad u hesho wararkii ugu dambeeyay ee Soomaaliya.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this