General Duke Posted February 17, 2011 Agreement between two Somali groups.. Quote Share this post Link to post Share on other sites
General Duke Posted February 17, 2011 Puntland iyo Galmudug oo Heshiis Ballaaran Wadagaarey 7 mins ago | 0 comments Share 00 Garowe 17.02.2011 Wafdi ka socda maamulka Galmudug ayaa 15kii Febraayo 2011 waxa ay soo gaareen caasimadda Dawladda Puntland (Garoowe). Ujeedada kulanka oo ahayd in ay ka wada hadlaan sidii labada maamul ay u yeelan lahaayeen iskaashi darisnimo iyo sidii ay wadajir uga hortagi lahaayeen wixii khatar ku ah guud ahaan Soomaaliya gaar ahaana deegaanada ay maamulaan. - Xal u hellidda arrimaha Soomaaliya Sidee mowqif cad oo isku mid ah looga istaagi karaa xaaladda Soomaaliya? Arrinta waqti kororsiga Baarlamaanka iyo Xukuumadda kumeelgaarka ah. Sidee shir dib u heshiisiineed loo qaban karaa, xaggeese lagu qaban karaa? 2. Arrimaha Nabadgalyada Ka wadashaqaynta dhinaca berriga iyo badda Xoojinta ka wadashaqaynta nabadgalyada Iskuxirka maamullada. 3. Iskaashi dhinac walba ah Iskaashiga dhaqaalaha iyo Ganacsiga Iskaashiga arrimaha bulshada (waxbarashada, isboortiga iyo caafimaadka) Iskaashiga wax ka qabashada barakacayaasha iyo abaaraha. Madaxda labada dhinac markii ay lafa gureen qodobada kor ku xusan ayna uga doodeen qodob qodob waxaa lagu heshiiyey: Quote Share this post Link to post Share on other sites
Somalina Posted February 17, 2011 Good on them! Quote Share this post Link to post Share on other sites
General Duke Posted February 17, 2011 Xal u hellidda arrimaha Soomaaliya Iyadoo arrimaha Soomaaliya marayaan marxalad khatar ah waxay Puntland iyo Galmudug Isla garteen: In midnimadda Soomaaliyeed tahay lagama maarmaan, iyadoo loo marayo nidaamka Dawladnimo ee Federaaliga ah. In kororsiimada xilligan ee Baarlamaanka iyo Xukuumadda Federaalka ah aysan munaasib u ahayn ummadda Soomaaliyeed waqtigan, taasoo niyad jab ku riday shacbiga Soomaaliyeed iyo beesha Caalamka. Waxaan u aragnaa in xalka Soomaaliya ku jiro in la qabto shirwayne Qaran oo u gogolxaaraya sidii loo dhisi lahaa dawlad Soomaaliyeed oo loo dhan yahay, laguna qabto dalka gudihiisa meeshii ku haboon. Shirwaynaha qaran waa in uu ku qabsoomaa kuna dhamaadaa mudada u harsan DFKM, oo ah 20 Agosto,2011. In la sameeyo gudi qabanqaabo oo uu yeesho Shirwaynaha qaran,kana kala yimaada DFKM, Puntland, Galmudug, Somaliland, Ahlu Sunna Wal jamaaca, maamulada kale iyo wakiillo ka socda deegaanadda aanmaamuladu u dhisnayn. Si uu habsami ugu qabsoomo shirwayne qaran waxay Dawlad Goboleedka Galmudug xil iska saareysaa in ay dhexdhexaadiso DFKM iyo Dawlada Puntland. Quote Share this post Link to post Share on other sites
General Duke Posted February 17, 2011 Qodobka Labaad Amniga guud In ay si wadajir ah ula dagaallamaan koox ama shaqsi kasta oo ku sifooba argagixisanimo ku soo wajahan xuduudaha ay maamulaan. Wixii falal argagixiso ah oo ka dhaca maamul gudihiis waxay labada maamul ka wada yeelanayaan iskaashi dhaqaale, siyaaso iyo sirdoon. In ay isu celiyaan dambiilayaasha gala falalka dilalka iyo dhaca hantiyeed ee u kala gudba labada maamul. In burcadbadeedda si wadajir ah loogala dagaallamo lagana suuliyo degaannada Puntland iyo Galmudug ay maamulaan. In la sameeyo labo guddi oo kala ah: b) Guddiga Sare ee Nabadgalyada iyo Iskaashiga, oo ka kooban 10(toban) xubnood oo madaxda labada maamul soo kala magacaabanayaan, isla markaana kulmaya saddexdii biloodba mar, haddii aanay u baahan kulan degdeg ah. t) Guddiga Fulinta heer Gobol, oo ka kooban 14 (afar iyo toban) xubnood oo madaxda labada maamul soo kala magacaabanayaan, waxayna magacaaban karaan guddi-hoosaadyo hawsha la fududeeya. j) Xubnaha labada guddi waxaa lagu soo magacaabayaa labo todobaad gudahood oo ka bilaabata marka heshiiskan la saxiixo. Goobta shirka guddiyadu ku qabsanayaan waxaa ay meerto u noqonaysaa labada maamul. Waajibaadka Guddiga Sare ee Nabadgalyada iyo Iskaashiga: Kormeeridda iyo la socodka hawlaha guddiga heer gobol Xal u helidda khilaafaadka soo jireenka ah ee curyaamiyey xasilloonida iyo horumarka bulshada gobolka Mudug Quote Share this post Link to post Share on other sites
General Duke Posted February 17, 2011 Ali Xashi Dhoore & ina Qaybdeed in Garowe, what a moment.. Quote Share this post Link to post Share on other sites
General Duke Posted February 17, 2011 In la sameeyo labo guddi oo kala ah: b) Guddiga Sare ee Nabadgalyada iyo Iskaashiga, oo ka kooban 10(toban) xubnood oo madaxda labada maamul soo kala magacaabanayaan, isla markaana kulmaya saddexdii biloodba mar, haddii aanay u baahan kulan degdeg ah. t) Guddiga Fulinta heer Gobol, oo ka kooban 14 (afar iyo toban) xubnood oo madaxda labada maamul soo kala magacaabanayaan, waxayna magacaaban karaan guddi-hoosaadyo hawsha la fududeeya. j) Xubnaha labada guddi waxaa lagu soo magacaabayaa labo todobaad gudahood oo ka bilaabata marka heshiiskan la saxiixo. Goobta shirka guddiyadu ku qabsanayaan waxaa ay meerto u noqonaysaa labada maamul. Waajibaadka Guddiga Sare ee Nabadgalyada iyo Iskaashiga: Kormeeridda iyo la socodka hawlaha guddiga heer gobol Xal u helidda khilaafaadka soo jireenka ah ee curyaamiyey xasilloonida iyo horumarka bulshada gobolka Mudug Waajibaadka Guddiga Fulinta ee heer Gobol Iskuxirka arrimaha nabadgalyada gobolka Joogtaynta xiriirka iyo wadashaqaynta gobolka Qorshe u dajinta hawlaha nabadgalyadda gobolka Meelmarinta intifaacsiga biyaha iyo daaqa si nabadgalyo ah Joogteynta xiriir wadashaqayneed ee labada ciidan. Abuuriida ciidan wadajir ah oo ka hawgala ka hortagga falalka argagixisada iyo shaqaaqooyinka markii loo baahdo Joogtaynta latashiga iyo wargalinta Guddiga Sare ee Nabadgalyada iyo Iskaashiga Quote Share this post Link to post Share on other sites
General Duke Posted February 17, 2011 Qodobka Saddexaad Iskaashi Dhinac walba ah In iskaashi dhinac walba ah ay ka yeeshaan arrimaha nabadgalyada, dhaqaalaha, siyaasadda iyo bulshada. Waxa ay baaq caalami ah ka soo jeediyeen abaaraha, waxayna Qarammada Midoobay iyo beesha caalamka ka codsadeen in ay kaalmo bini’aadannimo la soo gaaraan gobolada ay abaaruhu sida ba’an u wax yeelleeyeen xoolihiina dhaafeen. Waxaa la isku raacay in la soo dhaweeyo barakacayaasha ka soo cararey gobollada ay dagaaladu aafeeyeen. Quote Share this post Link to post Share on other sites
General Duke Posted February 17, 2011 Dhaqangalka Heshiiska Heshiiskaani waxaa uu dhaqangalayaa marka labada maamul ay saxiixaan Magacyadda Xubnaha Puntland iyo Galmudug Dawladda Puntland Gen. Cabdisamad Cali Shire Madaxwayne kuxigeenka Puntland Gen Yusuf Axmed Khayr Wasiirka Aminiga iyo DDR Caasha Gelle Diriye Wasiirka Wasaaradda Horumarinta Haweenka iyo Arrimaha Qoyska Cabdiwali Xirsi Cabdulle Wasiirka Shaqada, Shaqaalaha, Dhallinyarada iyo Ciyaaraha Dr. Cabdi Xasan Jimcaale Wasiiru-Dawlaha Dastuurka iyo Arrimaha Federaalka Cali Yuusuf Cali-Xoosh Wasiir kuxigeenka Wasaaradda Arrimaha Gudaha Burhaan Cilmi Hirsi Wasiir kuxigeenka Wasaaradda Deegaanka, Duurjoogta iyo Dalxiiska Magacyadda Xubnaha Galmudug Abdisamad Nuur Guuleed Madaxwayne kuxigeenka Galmudug Xasan Faarax Barre Wasiirka Dib U Heshiisiinta iyo Arrimaha Federaalka Cabdullahi Jaamac Dhoore Wasiirka Maaliyadda S/Gaas Cabdi Xasan Cawaale (Qaybdiid) Cali Xaashi Dhoore Saxiixa Rasmiga ah ee Heshiiska Puntland iyo Galmudug Gen. Cabdisamad Cali Shire Madaxwayne Kuxigeenka Puntland Abdisamad Nuur Guuleed Madaxwayne kuxigeenka Galmudug Quote Share this post Link to post Share on other sites
Somalina Posted February 17, 2011 No fake flags in the pics. Nice! Quote Share this post Link to post Share on other sites
General Duke Posted February 17, 2011 ^^^lol you must be feeling blue. At the historic agreement. You need to read it. An agreement by Somali's in Somalia, unlike the Addis Ababa Ahlu Sunna TFg nonsense. The Somali national conference should be hosted by Galkacyu. That would be a coup for the community of Mudug and for both admins.. Quote Share this post Link to post Share on other sites