General Duke

Garowe: Puntland Galmudug agreement: Common sense prevails: PICS + Report

Recommended Posts

Puntland iyo Galmudug oo Heshiis Ballaaran Wadagaarey

7 mins ago | 0 comments Share 00

 

Garowe 17.02.2011

 

Wafdi ka socda maamulka Galmudug ayaa 15kii Febraayo 2011 waxa ay soo gaareen caasimadda Dawladda Puntland (Garoowe). Ujeedada kulanka oo ahayd in ay ka wada hadlaan sidii labada maamul ay u yeelan lahaayeen iskaashi darisnimo iyo sidii ay wadajir uga hortagi lahaayeen wixii khatar ku ah guud ahaan Soomaaliya gaar ahaana deegaanada ay maamulaan.

 

- Xal u hellidda arrimaha Soomaaliya

 

Sidee mowqif cad oo isku mid ah looga istaagi karaa xaaladda Soomaaliya?

Arrinta waqti kororsiga Baarlamaanka iyo Xukuumadda kumeelgaarka ah.

Sidee shir dib u heshiisiineed loo qaban karaa, xaggeese lagu qaban karaa?

 

2. Arrimaha Nabadgalyada

 

Ka wadashaqaynta dhinaca berriga iyo badda

Xoojinta ka wadashaqaynta nabadgalyada

Iskuxirka maamullada.

 

3. Iskaashi dhinac walba ah

 

Iskaashiga dhaqaalaha iyo Ganacsiga

Iskaashiga arrimaha bulshada (waxbarashada, isboortiga iyo caafimaadka)

Iskaashiga wax ka qabashada barakacayaasha iyo abaaraha.

Madaxda labada dhinac markii ay lafa gureen qodobada kor ku xusan ayna uga doodeen qodob qodob waxaa lagu heshiiyey:

Share this post


Link to post
Share on other sites

Xal u hellidda arrimaha Soomaaliya

 

Iyadoo arrimaha Soomaaliya marayaan marxalad khatar ah waxay Puntland iyo Galmudug Isla garteen:

 

In midnimadda Soomaaliyeed tahay lagama maarmaan, iyadoo loo marayo nidaamka Dawladnimo ee Federaaliga ah.

In kororsiimada xilligan ee Baarlamaanka iyo Xukuumadda Federaalka ah aysan munaasib u ahayn ummadda Soomaaliyeed waqtigan, taasoo niyad jab ku riday shacbiga Soomaaliyeed iyo beesha Caalamka.

Waxaan u aragnaa in xalka Soomaaliya ku jiro in la qabto shirwayne Qaran oo u gogolxaaraya sidii loo dhisi lahaa dawlad Soomaaliyeed oo loo dhan yahay, laguna qabto dalka gudihiisa meeshii ku haboon.

 

Shirwaynaha qaran waa in uu ku qabsoomaa kuna dhamaadaa mudada u harsan DFKM, oo ah 20 Agosto,2011.

In la sameeyo gudi qabanqaabo oo uu yeesho Shirwaynaha qaran,kana kala yimaada DFKM, Puntland, Galmudug, Somaliland, Ahlu Sunna Wal jamaaca, maamulada kale iyo wakiillo ka socda deegaanadda aanmaamuladu u dhisnayn.

Si uu habsami ugu qabsoomo shirwayne qaran waxay Dawlad Goboleedka Galmudug xil iska saareysaa in ay dhexdhexaadiso DFKM iyo Dawlada Puntland.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Qodobka Labaad

 

Amniga guud

 

In ay si wadajir ah ula dagaallamaan koox ama shaqsi kasta oo ku sifooba argagixisanimo ku soo wajahan xuduudaha ay maamulaan.

Wixii falal argagixiso ah oo ka dhaca maamul gudihiis waxay labada maamul ka wada yeelanayaan iskaashi dhaqaale, siyaaso iyo sirdoon.

In ay isu celiyaan dambiilayaasha gala falalka dilalka iyo dhaca hantiyeed ee u kala gudba labada maamul.

In burcadbadeedda si wadajir ah loogala dagaallamo lagana suuliyo degaannada Puntland iyo Galmudug ay maamulaan.

In la sameeyo labo guddi oo kala ah:

 

b) Guddiga Sare ee Nabadgalyada iyo Iskaashiga, oo ka kooban 10(toban) xubnood oo madaxda labada maamul soo kala magacaabanayaan, isla markaana kulmaya saddexdii biloodba mar, haddii aanay u baahan kulan degdeg ah.

 

t) Guddiga Fulinta heer Gobol, oo ka kooban 14 (afar iyo toban) xubnood oo madaxda labada maamul soo kala magacaabanayaan, waxayna magacaaban karaan guddi-hoosaadyo hawsha la fududeeya.

 

j) Xubnaha labada guddi waxaa lagu soo magacaabayaa labo todobaad gudahood oo ka bilaabata marka heshiiskan la saxiixo.

 

Goobta shirka guddiyadu ku qabsanayaan waxaa ay meerto u noqonaysaa labada maamul.

 

Waajibaadka Guddiga Sare ee Nabadgalyada iyo Iskaashiga:

 

Kormeeridda iyo la socodka hawlaha guddiga heer gobol

Xal u helidda khilaafaadka soo jireenka ah ee curyaamiyey xasilloonida iyo horumarka bulshada gobolka Mudug

Share this post


Link to post
Share on other sites

In la sameeyo labo guddi oo kala ah:

 

b) Guddiga Sare ee Nabadgalyada iyo Iskaashiga, oo ka kooban 10(toban) xubnood oo madaxda labada maamul soo kala magacaabanayaan, isla markaana kulmaya saddexdii biloodba mar, haddii aanay u baahan kulan degdeg ah.

 

t) Guddiga Fulinta heer Gobol, oo ka kooban 14 (afar iyo toban) xubnood oo madaxda labada maamul soo kala magacaabanayaan, waxayna magacaaban karaan guddi-hoosaadyo hawsha la fududeeya.

 

j) Xubnaha labada guddi waxaa lagu soo magacaabayaa labo todobaad gudahood oo ka bilaabata marka heshiiskan la saxiixo.

 

Goobta shirka guddiyadu ku qabsanayaan waxaa ay meerto u noqonaysaa labada maamul.

 

Waajibaadka Guddiga Sare ee Nabadgalyada iyo Iskaashiga:

 

Kormeeridda iyo la socodka hawlaha guddiga heer gobol

Xal u helidda khilaafaadka soo jireenka ah ee curyaamiyey xasilloonida iyo horumarka bulshada gobolka Mudug

 

Waajibaadka Guddiga Fulinta ee heer Gobol

 

Iskuxirka arrimaha nabadgalyada gobolka

Joogtaynta xiriirka iyo wadashaqaynta gobolka

Qorshe u dajinta hawlaha nabadgalyadda gobolka

Meelmarinta intifaacsiga biyaha iyo daaqa si nabadgalyo ah

Joogteynta xiriir wadashaqayneed ee labada ciidan.

Abuuriida ciidan wadajir ah oo ka hawgala ka hortagga falalka argagixisada iyo shaqaaqooyinka markii loo baahdo

Joogtaynta latashiga iyo wargalinta Guddiga Sare ee Nabadgalyada iyo Iskaashiga

Share this post


Link to post
Share on other sites

Qodobka Saddexaad

 

Iskaashi Dhinac walba ah

 

In iskaashi dhinac walba ah ay ka yeeshaan arrimaha nabadgalyada, dhaqaalaha, siyaasadda iyo bulshada.

Waxa ay baaq caalami ah ka soo jeediyeen abaaraha, waxayna Qarammada Midoobay iyo beesha caalamka ka codsadeen in ay kaalmo bini’aadannimo la soo gaaraan gobolada ay abaaruhu sida ba’an u wax yeelleeyeen xoolihiina dhaafeen.

Waxaa la isku raacay in la soo dhaweeyo barakacayaasha ka soo cararey gobollada ay dagaaladu aafeeyeen.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Dhaqangalka Heshiiska

 

Heshiiskaani waxaa uu dhaqangalayaa marka labada maamul ay saxiixaan

 

Magacyadda Xubnaha Puntland iyo Galmudug

 

Dawladda Puntland

 

Gen. Cabdisamad Cali Shire Madaxwayne kuxigeenka Puntland

Gen Yusuf Axmed Khayr Wasiirka Aminiga iyo DDR

Caasha Gelle Diriye Wasiirka Wasaaradda Horumarinta Haweenka iyo Arrimaha Qoyska

Cabdiwali Xirsi Cabdulle Wasiirka Shaqada, Shaqaalaha, Dhallinyarada iyo Ciyaaraha

Dr. Cabdi Xasan Jimcaale Wasiiru-Dawlaha Dastuurka iyo Arrimaha Federaalka

Cali Yuusuf Cali-Xoosh Wasiir kuxigeenka Wasaaradda Arrimaha Gudaha

Burhaan Cilmi Hirsi Wasiir kuxigeenka Wasaaradda Deegaanka, Duurjoogta iyo Dalxiiska

 

Magacyadda Xubnaha Galmudug

 

Abdisamad Nuur Guuleed Madaxwayne kuxigeenka Galmudug

Xasan Faarax Barre Wasiirka Dib U Heshiisiinta iyo Arrimaha Federaalka

Cabdullahi Jaamac Dhoore Wasiirka Maaliyadda

S/Gaas Cabdi Xasan Cawaale (Qaybdiid)

Cali Xaashi Dhoore

 

Saxiixa Rasmiga ah ee Heshiiska Puntland iyo Galmudug

 

Gen. Cabdisamad Cali Shire

Madaxwayne Kuxigeenka Puntland

 

Abdisamad Nuur Guuleed

Madaxwayne kuxigeenka Galmudug

Share this post


Link to post
Share on other sites

^^^lol you must be feeling blue. At the historic agreement. You need to read it. An agreement by Somali's in Somalia, unlike the Addis Ababa Ahlu Sunna TFg nonsense.

 

The Somali national conference should be hosted by Galkacyu. That would be a coup for the community of Mudug and for both admins..

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.