Sign in to follow this  
Saalax

Nabadayntii Ceel-bardaale Oo Maanta Ka Bilaabantay Degaanka Ceel-giniiseed

Recommended Posts

Saalax   

Ambaqaadka Nabadayntii Ceel-bardaale Oo Maanta Ka Bilaabantay Degaanka Ceel-giniiseed Oo Ka Tirsan Gobolka Gabiley.

 

 

 

Gabiley(Ramaas) Feb.15, 2011 - Waxaa maanta si rasmiya uga bilaabantay hoos u daadejintii nabadaynta, degaanka Ceel-bardaale oo ay bishii Koowaad ee sanadkan ay ku gaadheen beelaha kala degan Dila iyo Gabiley.

 

Badhasaabka gobolka Gabiley Rashiid Cumar Sh. Muxumed oo hogaaminaya ergadii dhinaca gabiley oo uu hormood u yahay Sh. Maxamuud Sh. Muxumed Raage, ayaa waxa ay maanta ka bilaabeen degaanka Ceel-giniiseed oo waqooyiga kaga beegan magaalada gabiley. Degaankaasi oo ah beeralay aad u balaadhan oo ah bustaanno, waxaa wafdiga badhasaabku uu hogaaminayo halkaasi ku qaabiley guddiga deegaanka Ceel-giniiseed, Madax-dhaqameedyo, Dhalinyaro iyo Haween aad tiro badan, waxaana halkaasi badhasaabku uga waramay deegaankaasi halka ay marayso hawshii nabadaynta Ceel-bardaale iyada oo qodobadii heshiiska ay ka mid ahayd in dhinac waliba deegaanadiisa uu hoos ugu daadejiyo nabadaynta. Waxaanay noqonaysaa talaabo kale oo horumarineed oo loo qaaday xagga nabadda.

 

Waxaa iyaguna halkaasi aad ugu diirsadey warbixintii badhasaabka dadweynaha ku dhaqan degaankaa, waxaana ugu horayn halkaa ka hadlay guddoomiyaha degaanka Ceel-giniiseed Cabdi Raage Wacays oo sheegay in ay aad ugu faraxsan yihiin nabada la gaadhay, wixii degaankan looga baahan yahayna ay diyaar u yihiin, laga bilaabo maantana ay dhidibada u aasi doonaan nabad waarta.

 

Waxaa isaguna halkaasi ka hadlay Madax-tuulaha Ceel-giniiseed Cabdilaahi Amaan Caamir, oo sheegay in beertaa maanta aan joogno (beerta ina xudhuun) dawlad iyo hay'adaba mid aan ugu imanin aanay jirin, laakiin ay tani kaga duwan tahay warbixinta guddoomiyaha gobolka oo ah waaqic dhab ah oo la taaban karo, sida Nabadaynta, Dhismaha Dugsiga iyo Dhaqaatiirta Xoolaha oo dawadii sida. Waxa kale oo iyaguna halkaasi ka hadlay, Muj. Daahir Maxamuud Xudhuun iyo Muxumed Gorse oo ka tirsan degaanka.

 

Gabogabadii xafladaasi waxaa ka hadlay Sh. Maxamuud Sh. Muxumed Raage oo aad ugu mahadnaqay dadwaynaha ku dhaqan degaanka, sida diiran ee walaalnimada leh ee ay u soo dhaweeyeen isaga iyo wafdiga xukuumada, waxaanu sheegay in labada dhinacba ay u baahdeen nabadda, isaga oo ka sheekeeyey qiimaha nabaddu leedahay in ay ka muuqato degaanka Ceel-giniiseed, marka loo eego horumarka balaadhan ee idinka muuqda.

 

Sh. Maxamuud waxa uu mahadnaq gaar ah ujeediyey guddoomiyaha gobolka gabiley oo la’aantii aanay hawshan nabadayntu hirgasheen, waxa uu sheekhu amaan iyo bogaadin u diray Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) oo uu sheegay in aanu waxba kala hadhin sidii ay nabadu u guulaysan lahayd. Waxa kale oo sheekhu sheegay in dhinaca degaanka Dilana ay sidan oo kale nabadii hoos ugu daadegto deegaanada oo dhan.

 

 

 

 

 

Xasan Sheekh Maxamed

Gabiley.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this