Sign in to follow this  
General Duke

Farmaajo's first 100 days promise Al Shabaab train 100s of more fighters: PICS

Recommended Posts

shabaab4.jpg

 

Khamiis, 17 Feberaayo, 2011 (HOL) – Xarrakada Mujaahidiinta Al-shabaab ayaa maanta oo Khamiis ah tababar muddo hal sano ah socday ugu soo gabagabeysay deegaanka Lafoole ee gobolka Shabeellada hoose boqolaal isugu jira saraakiil iyo ciidammo loogu talogalay inay sugida amaanka ka shaqeeyaan.

 

Munaasabadda lagu soo xiray tababarkan ayaa waxaa ka qaybgalay mas'uuliyiin ka tirsan Xarrakatul Shabaab, dadweyne iyo ardayda dugsiyada Qur'aanka, waxaana hadallo guubaabo iyo dardaraan isugu jiray ka jeediyay mas'uuliyiinta Xarrakada.

 

"Waa dufcaddii labaad ciidamada maanta tababarka loosoo xiray muddo 15-casho gudahood ah, iyadoo dufcaddan ay tahay tii ugu badnayd, waxaana rajeynaynaa maalmaha soo socda inay wax ka bedelaan xaaladda gobolka Shabeellada hoose," ayuu yiri guddoomiyaha gobolka Shabeellada hoose Sheekh Maxamed Abuu-Cabdalla oo munaasabadda ka hadlay.

 

 

Sidoo kale, Sheekh Abuu-Cabdalla wuxuu sheegay in ciidamadan iyo saraakiishan laga doonayo inay ammaanka adkeeyaan, sidoo kalena lagu caawin doono goobaha laga soo sheego culeysyada ciidan.

 

Ciidamada maanta tababarka loosoo xiray ayaa sameeyay dhoolatusyo ciidan oo ay ku muujinayeen tababarkii ay qaateen, iyagoo sidoo kale qaadayay nashiidooyin ay ugu talogaleen inay ku muujiyaan duruustii ay qaadanayeen muddadii uu tababarka u socday.

 

Afhayeenka Xarrakatul Shabaab Sheekh Cali Maxamuud Raage (Sheekh Cali Dheere) oo xirtaanka tababarka ka hadlay ayaa ku guubaabiyay ciidammada iyo saraakiisha inay qayb ka qaataan dhaqan-gelinta shareecada Islaamka iyo ayna la dagaalamaan waxyaabaha anshax-xumada ah.

 

 

"Runtii abaalkiina ma gudi karno, waxaana idin leennahay Alle ha idinka abaalmariyo howsha aad bulshada u haysaan, waxaana la idinka doonayaa inaad u naxariisataan dadka si uu Eebbe uu idin kugu naxariisto," ayuu yiri Sheekh Cali Dheere.

 

Ugu dambeyn, qaar ka mid ah saraakiishii iyo ciidammadii tababarka loosoo xiray oo hadallo kooban ka jeediyay xafladda xiritaanka tababarka ayaa sheegay inay ku faraxsan yihiin inuu u soo xirmo tababarkii ay muddada sannadka ah qaadanayeen.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this