Sign in to follow this  
Xaaji Xunjuf

Norweigian Deputy Foreign Affairs Minister Visits Somaliland Pics

Recommended Posts

Wasiir Ku Xigeenka Arr. Dibada Norway Oo Socdaal Ku Yimid Somaliland

February 17th, 2011

 

Madaxweyne Siilaanyo Oo Qaabilay

 

Hargeysa(Somaliland.Org)- Madaxweynaha Somaliland Md. Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay wefti culus oo ka socday dalka Norway oo uu Hoggaaminayay Wasiir Ku Xigeenka Arrimaha Dibada MR. ESPEN BARTH EIDE.

 

Weftigaasi oo ka koobnaa lix xubnood waxay saaka ka soo degeen madaarka caalamiga ah ee Magaalada Hargeysa waxaana iyagoo ammaankooda aad loo adkeeyay loo soo galbiyay dhinaca xarunta Madaxtooyada.

 

Afhayeenka Madaxtooyada Cabdilaahi Maxamed Daahir (Cukuse) ayaa kulankii Madaxweynaha ay la yeesheen weftigaasi ka soo saaray war-murtiyeed u qornaa sidan:-

 

“Madaxweynaha JSL Mudane AXMED MAXAMED MAXAMUUD (SIILAANYO) waxa uu maanta Qasriga Madaxtooyada ku qaabilay Wefti Balaadhan oo ka kooban 6 Xubnood uu horkacayo Wasiir ku xigeenka Arrimaha Dibada ee Dawlada Norway,

 

MR. ESPEN BARTH EIDE.

 

Kulanka Weftigan oo ahaa kii ugu horeeyey ee Noociisa ah oo ay Dawlada Norway iyo Dawlada Somaliland wada yeeshaan waxa uu Madaxweynuhu Weftiga uga waramay Dadaalka ay Somaliland ugu jirto Qaran ku dhisan Dimuquraadiyad, cadaalad iyo Maamul wanaag.

 

Madaxwweynuhu waxa uu weftiga Warbixin mug leh ka siiyey sida ay Somaliland wax u qabsatay, Dhinacyada Dhaqaalaha, Nabad-gelyada iyo Dawlad-nimada, Madaxwweynuhu waxa kale oo uu Weftiga uga waramay sooyaalkii taariikheed ee somaliland iyo Sidii uu ku yimid midawgii hore ee somaliya iyo siduu ku burburayba.

 

Waxaanu sheegay Madaxweynuhu in ay Somaliland Beesha Caalamka Ka dalbanayso in la Aqoonsado oo ay ka mid noqoto Qaramada Caalamka, Isla markaana ay Buuxisay Shuruudihii oo Dhan.

 

Geesta kalena Madaxweynuhu waxa uu Weftiga si wayn uga mahad-naqay Niyad Samida ay Dawlada Norway u muujisay Somaliland iyo Booqashada ay ku yimadeen Dalka Somaliland isaga oo Madaxweynuhu weftiga ku soo Dhaweeyey Dalka.

 

Wasiirku xigeenka Arrimaha Debeda ee Dalka Norway MR. ESPEN BARTH EIDE wuxuu Dawlada Somaliland ku amaanay Sida Qiimaha Badan ee ay uga Shaqeeyeen Horumarka Dalka iyo Dimuquraadiyada isaga oo si gaara ugu Amaanay Bulshada Reer Somaliland Doorashadii Madaxtooyada ee ay ku muujiyeen Midnimadooda iyo sida ay ugu bisil yihiin in la Aqoonsado oo ay ka mid noqdaan Dawladaha Caalamka ka jira ee la aqoonsan yahay taasi oo uu sheegay in ay ka Norway ahaan Fiiro gaara u lahaayeen tadawarkii ay soo martay Somaliland ee Dhinacyada Dimuquraadiyada iyo dib u dhiska Dalka.

 

Wuxuu ku Nuux nuuxsaday Wasiirku xigeenku sida ay Somalialnd uga Shaqaysay nabad gelyada ka jirta dalkeeda taasi oo uu tilmaamay inay deris latahay xasilooni daro ka jirta Somaliya

 

Wasiirku Xigeenku waxa uu ka hadlay inay bulshada Caalamku isha ku hayso Budhcad badeeda isaga oo Somaliland-na ku amaanay Doorka ay ka Qaadato Budhcad badeeda kuna Dhiiri geliyey inay halkaa ka sii wado Dedaalkeeda.

 

Ugu Danbayn Wasiir ku xigeenku waxa uu sheegay inay Dawlada Norway Soo Dhawaynayso Horumarka ka socda Somaliland isla markaana kor u qaadi doonto Xidhiidhka iyo kaalmada ay ka gaysanayso Dhicineeda

 

Dhinaca Xukuumada Somaliland waxa Madaxweynaha kulanka ku Wehelinaayey Wasiirka Duulista iyo Hawlada, Wasiirka Qarshaynta Qaranka, Wasiirka Warfaafinta iyo Wasiirka Macdanta iyo Tamarta,.

 

Dhinaca Weftiguna waxay ka koobnayeen.

 

1. Espen Barth Eide

 

2. Per Ludvig Magnus

 

3. Kjell Harald Dalen

 

4. Kjetil Elsebutangen

 

5. Rina Kristmoen

 

6. Geir A. Schei.”

 

Dhinaca kale weftigan waxay la kulmeen shirgudoonka Golaha Wakiilada Somaliland. waa weftigii ugu cuslaa ee ka socda dalka Norway ee socdaal ku yimaada Somaliland.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Wafti Norwaygiyan ah oo dhawaan Booqasho ku tagay somaliland oo la sheegay inay Booqdeen Budhcad badeed ku xidhan xabsiga dhexe ee Hargeisa.

 

Wararkan naga soo gaadhaya magaalada Haregeysa ee Caasimada Somaliland ayaa la sheegaya in dhowaan

 

GNS.Wafti Norwaygiyana oo dhawaan Booqasho ku tagay somaliland ayaa waxaa ka soo baxaya warar sheegaya in ay booqasho ku tageen xabsiga dhexe ee ku yaal Magaalada hargaysa halkaa soo ay ku booqdeen budhcadbadeed xabsigaa ku xidhan,

 

Wararkan naga soo gaadhaya magaalada Haregeysa ee Caasimada Somaliland ayaa la sheegaya in dhowaan ay halkaasi booqdeen Saraakiil ka trisan ka tirsan wasaaradda arrimaha dibadda Norway, waxeyna kormeer ku tageen xabsi ay dayactir ku sameeyeen oo ku yaal gudaha magaalada, ugana talo galeen in lagu hayo budhcad-badeeda soomaalida.

 

Wararka hordhac ah ayaa sheegaya in Saraakiishan norwijiga ee xabsiga soo kormeeray uu hogaaminayay ninka lagu magacaabo Espen Barth Eide ayaa halkaasi kula kulmay in ka badan 70-burcad-badeed kuwaasoo Somaliland horay loogu wareejiyay, qaarna ay iyagu qab-qabteen.

 

Dowladd Norway ayaa sanadkiiba ugu talo gashay Soomaaliya caawimaad ahaan 250 milyan oo lacagta norwijiga ah, waxaana 80-milyan oo lacagtaasi ah la siiyaa Xukuumada Somaliland iyadoo loo mariyo Qaramada Midoobay.

 

Booqashada dowladda Norway ee Hargeysa ayaa kusoo beegmeysa xilli uu milkiile maraakiib ku leh dalka Norway uu soo jeediyay in budhcad-badeeda soomaalida lagu dilo isla goobta lagu qabto si ay howlaha budhcad-badeednimo u yadhaadaan, waxaana arrintani ay ka dhex dhalisay dalka Norway doodo adag, iyadoo lagu eedeeyay Milkilahaasi cunsurinimo fogaatay kiiyoo kacabsi qaba in maruun ay haleelidoon maraakiibta uu leeyahay ninkaa norwaygia ah budhcadbadeedu.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Waxaanu Muhiim U Aragnaa In Lala Shaqeeyo Somaliland Oo Ah Dawladd Guulaysatay, Oo Dimuquraadi Ah Oo Dadkeedu Si Dhab Ah Awooda Ugu Igmadeen, Oo Yool Isku Mid Ahna Ay Leeyihiin”

 

Wasiir ku xigeenka Arrimaha Dibada Norway Espen Barth Edie

 

“Waxaanu Ka Codsanay In Ardayda Jaamacdaha Ka Soo Baxaysa Shaqooyin Loo Abuuro, Ardayda Dugsiyada Sare Ka Soo Baxana Waxbarasho Jaamacadeed Lagu Jiheeyo” Guddoomiyaha Wakiilada C/raxmaan Cirro

 

Hargeysa, February, 19, 2011 (Haatuf) - Wasiir ku xigeenka Arrimaha Dibada dalka Norway Espen Barth Edie oo booqasho hal maalin ah ku yimid shalay caasimada Somaliland ee Hargeysa ayaa sheegay in kaalmo dhaqaale oo dhinaca horumarka ah ay ku caawin doonaan Somaliland, kaas oo tilmaamay inay u arkaan dal Dimuqraadi ah oo wax badan ka qabsaday haykalkooda dawladdnimo iyo nidaamka doorashooyinka xorta ah.

 

Mr Espen Barth Edie ayaa intaa ku daray in xidhiidh toos ah ay la yeelan doonaan dawladda Somaliland, isla markaana ay sii kordhin doonaan Kaalmooyinka dhaqaale ee ay u fidiyaan Mashaariicda Horumarka ee Somaliland.

 

Wasiir ku xigeenka Arrimaha Dibada Dalka Norway Espen Barth Edie waxa uu sidaasi ka sheegay shir jaraa’id oo ay shalay wadajir ugu qabteen isaga iyo Guddoomiyaha golaha wakiilada Somaliland Md C/raxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cirro) xarunta golaha Wakiilada.

 

“Socdaalkayga Somaliland aanu ku nimid aniga iyo Waftigaygu Waxaanu doonaynaa inaanu muujino siyaasadayada aanu u naqaano ta labada dhinac leh ee aanu kula macaamilayno Somalia gabi ahaanteedba, taas oo aan kula shaqaynayno dawladda ku meel gaadhka ee Muqdisho iyo qaybaha kale ee dalka oo aanu yiqiinsano hab dhaqanka wanaagsan ee dawlada Somaliland, waxaanu kordhin doonaa kaalmada dhaqaale ee aanu siino iyo iskaashiyada kala duwan ee naga dhexeeya ee danta labada dhinac-na ku jirto, socdaalka aanu Somaliland ku nimid aniga iyo Waftigaygu, waxaanu rajaynaynaa inuu midho dhal noqon doono”

 

Wasiir ku xigeenka Arrimaha Dibada Norway Espen Barth Edie, isagoo ka hadlaya mawqifka ay ka taagan yihiin aqoonsi ay Somaliland u fidiyaan, waxa uu yidhi “Halkan umaanu iman inaanu aqoonsi u fidino madaxbanaanida Somaliland, taasina waa mid u taala dhinacyada kale inay go’aan ka gaadhaan, waxaanu rumaysanahay-na nidaamka Fadaraalka Somalia, laakiin waxaanu muhiim u aragnaa in lala shaqeeyo Somaliland oo ah dawlad guulaysatay, oo Dimuquraadi ah oo dadkeedu si dhab ah awooda ugu igmadeen, oo yool isku mid ahna ay leeyihiin dadkii aqoonta lahaa, taasina waa mid ka maqan dalal badan oo African ah, oo dadkii lagag adkaaday ay u dhaafeen inay kuwii kale la wareegaan, mana ah inay tahay dawlad dadka ka wakiil ah, laakiin waa dawlad wax tar leh oo taageero u baahan, mana aha in taageeradaasi ay mar walba noqoto in loo aqoonsado dal madaxbanaan, laakiin se waxa uu noqon karaa in xidhiidh toos ah ay la yeelato Norway, taas oo qayb ka ah Istartajiyada guud ee aanu ka leenahay Somalia, waxaananu rajaynaynaa in Somaliland ay tusaale lagu daydo u noqon karayso dhamaanba qaybaha kale ee Somalia”

 

Dhinaca kale waxa isaguna halkaasi ka hadlay Guddoomiyaha golah Wakiilada Somaliland C/raxmaan Cirro, waxaana ka mid ahaa hadaladiisii “Sida aad la socotaan waxa maanta Somaliland soo booqday Wafti heer sare ah oo uu hogaaminayo Wasiir ku xigeenka Wasaarada Arrimaha Dibada ee dalka Norway, siduu Wasiirk ku xigeenku sheegayna `waa Sarakii heer siyaasadeed ee ay ku yimaadaan Somaliland, inkastoo Norway ka mid ahayd wadamadii Somaliland caawinayay ilaa intii Somalilan jirtay ama si dadban ha u caawiso ama si toos ahba ha u caawiso waxay ka qayb qaadatay habkii aynu ku samaynay Dimuquraadiyada ama Mashruucii Dimuquraadiyada Somaliland, waxay ka qayb qaadatay Mashruuc kasta oo ay Somaliland EU-du ay siiso Somaliland oo ay ka mid tahay dhismaha Gurigan Baarlamaanka iyo kii horeba, waxa kale oo aad la socotaan inuu wadanka ay joogan Norwegian Refugee Council oo iyaguna Somaliland ka caawiya dhinaca waxbarashada iyo Caafimaadka, Wasiirku waxa uu sheegay inay Somaliland hadda caawin doonaan oo ay samay doonaan iyaga iyo dawladaha kale waxa la yidhaahdo (Trust Fan) caawimo toos ah oo Somaliland toos loogu caawinayo lacag loogu ururiyo meel dabadeedna si Somaliland loogu caawiyo, Wasiirka waxaanu uga waranay taariikhda Somaliland, waxaanu uga waranay inaanay kaalimo ka helin caalamka, waxaanu ku boorinay in horumarinta aad iyo aad looga caawiyo Somaliland si loo abuuro shaqo, gaar ahaan dhalinyarada Somaliland oo aan helin Jaamacado shaqo-na aan haynin, markaa si loo jiheeyo dhalinyarada Somaliland ee sannad walba ka soo baxaysa dugsiyada sare, waxaanu in kaalmada laga caawiyo Somaliland, waxa kale oo aanu ka codsanay wadanka Norway oo siyaabaha qaarkood uga madaxbanaan dalalka kale ee Yurub inay ku dhiiradaan inay Somaliland Ictiraadkeeda iyo horumarkeeda ka shaqayso”.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this