gooni Posted February 17, 2011 Iyadoo Wasiirka Tastuurka,Arimaha Federaalka & Dimoqraadiyeynta Puntland Dr.Cabdi Xassan Jimcaale uu dhawaan ku dhawaaqay in Puntland ay codsanayso islamarkaasna dooneysa in dib u eegis lagu sameeyo caasimada soomaaliya oo ay iminka Muqdisho ku magacaabantahay taas oo uu ku sheegey in ay 20 sano burbur xoogleh la kulmaysay islamarkaasna ay ku haboontahay in dib loo eego, ayaa waxaa soo baxayo fikrado & Oraahyo kaladuwan oo laga muujiyey hadalka dawlada Puntland. Qaar kamid ah Qurbajoogta Soomaaliyeed ee ku dhaqan dalka Ingiriiska gaar ahaaana magaalada London ee caasimada dalkaas ayaa kulan balaaran oo ay ku qaateen London waxay ku taageereen islamarkaasna kusoo dhaweeyeen hadalka dawlada Puntland ee ku saabsan in caasimada Soomaaliya Muqdisho laga badalo islamarkaasna la isugu yimaado kulan ku saabsan doorashada Magaalada Soomaaliya caasimada u noqonaysa. Cabdiqafaar Maxamed Guure oo kamid ah Qurbajoogta Soomaaliyeed ee kulanka qaadatay ayaa shirka kadib warbaahinta u macneeyey ujeedada shirkooda oo uu sheegey inay ku taageereen goaanka Puntland, wuxuuna sheegey in Muqdisho ay iminka tahay meel ay colaad badani la degtay islamarkaasna ay beel qura degentahay burbur xooglehna uu ka jiro, sidaas darteedna aysan u qalmin inay sii ahaato caasimada dalka Soomaaliya Quote Share this post Link to post Share on other sites