Sign in to follow this  
oba hiloowlow

War deg deg ah: Dowladda KMG oo falkii shalay xabsiga u dhigtay 5-ruux uu ka mid ahaa Maxamed Dheere

Recommended Posts

Dowladda KMG ayaa daqiiqadi ka hor shaaca ka qaaday in xabsiga ay u taxaabtay ilaa shan ruux oo uu ka mid ahaa Gudoomiyihii hore ee Gobolka Banaadir Maxamed Dheere oo lagu soo eedeeyay inay ka dambeeyay falkii shalay lagu laayay dadkii banaan baxayay.

 

Ra'iisul Wasaaraha Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo oo caawa warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in Ciidamada AMISOM iyo kuwa xooga dalka ay ku guuleysteen dadkii ka dambeeyay falkaas.

 

"Sida aan horay uga balan-qaadnay shacabka, waxaa Ciidamada AMISOM iyo kuwa xooga dalka ay ku guuleysteen inay soo qabtaan dadkii ka dambeeyay falkaas"ayuu yiri Ra'iisul Wasaare Farmaajo.

 

Sidoo kale Ra'iisul Wasaare Kuxigeenka ahna Wasiirka Gaashaandhiga C/xakiin Xaaji Fiqi oo isna ku xigsaday Ra'iisul Wasaaraha ayaa magac dhabay shaqsiyaadka xabsiga ay dhigtay Dowladda KMG, isagoo ka xusay Maxamed Dheere.

 

Wasiirka Arrimaha Gudaha oo dhankiisa hadalka qaatay ayaa sheegay in dhamaan xubnahaas la hayo baaritaan ku socdo, isla markaana sida ugu dhaqsiyaha badan sharciga loo horkeeni doono sida uu hadalka u dhigay.

 

 

Madaxtooyada Villa Soomaaliya ayaa waxaa ka jiray guux badan iyo dhaq dhaqaaqyo xoog leh oo ku wajahnaa xariga xubnaha uu ka mid yahay Maxamed Dheere, waxaana durba la dareemay xiisad iyo kacsanaan dhinaca qabaa'ilka ku saleysan.

 

Magacyadada 5-ta ruux ee la haayo ayaa waxay kala yihiin:-

 

1-Maxamed Dheere

2-Dr, Cabdi Qeybdiid (Ma ahan Generaal Cabdi Qeybdiid)

3-Maxaa Raage Tifow

4-Cali Nuur

5-Nuur Cali Yalaxow.

 

Arrintan ayaan la ogeyn xiisada iyo xasaasiyada gaar ahaaneed ay dhalin karto, waxaase ay ku soo aadeysaa xilli Madaxweyne Shariif uu galabta ka dhawaajiyay dambigaas ka dambeeyeen dad gaar ah oo aanay arrin qabiil shaqo ku laheyn.

 

Maalintii shalay ayay aheyd markii dad gaaraya shan ruux oo saddex ka mid ah haween ahaayeen ay ku dhinteen rasaas ciidamo ka tirsan dowladda ku fureen dadka banaan baxayay oo ahaa kuwo taageerayay Dowladda KMG.

 

Tallaabadan ay qaaday Dowladda ayaa ah tii u horeysay ee si buuxda ay ugu dhaqaaqdo, hase ahaatee waxaase la ogeyn go'aanka cad ee Maxkamad soo taagida iyo arrintan kale ay ka dhalan doonto.

 

maxamed-dheere.jpg

 

Wixii ku soo kordha kala soco Jowhar.com daqiiqad kasta

 

www.Jowhar.com

Share this post


Link to post
Share on other sites

Ciidamadii ku jiray Aagaga Waqooyiga oo soo faarujiyay

 

Warar aanu heleyno ayaa sheegaya in Ciidamadii Dowladda ee ku jiray aagaga waqooyiga Muqdisho ayaa soo faarujiyay, kadib markii ay si xoogan uga caroodeen ragg saraakiil ahaa oo Dowladda u xirtay falkii maalin ka hor lagu rasaaseeyay dad banaan baxayay.

 

Sida ay sheegayaan warar lagu kalsoonaan karo Ciidamadan oo ahaa kuwo ka soo jeeda deegaanada Waqooyiga Muqdisho ayaa sida la sheegay waxay ka soo baxeen aagaga Boondheere iyo C/casiis oo ay ka dagaalamayeen.

 

Wararka ayaa intaa ku daraya in Ciidamadan oo hoos tagayay qaar ka mid ah Saraakiishii ay xabsiga dhigtay Dowladda KMG ayaa sheegaya inay iyaga iyo macal hubkooda ay isaga soo huleeleen aagagooda.

 

Xiisada ka dhalatay xarigii loo geystay shan ruux uu ka mid ahaa Maxamed Dheere ayaa wali taagan, iyadoo wali socdaan guux ku saabsan arrinta xariga oo ay ka taagan tahay dhiilo xoog leh.

 

Xukuumada Soomaaliya ayaa balan qaaday in sharciga la horkeenayo dambiilayaasha loo hayo falkaas sida uu carabkiisa kaga dhawaajiyay Wasiirka Arrimaha Gudaha oo aan looga hari doonin wixii fal dambiyeed ay geysteen.

 

Jowhar

Share this post


Link to post
Share on other sites

Tarzan "Ma ahan Arrin qabiil waa dad gaar ah oo fal dambiyeed galay, Sharciga ayaan la horkeenayaa"

 

Gudoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Maxamuud Axmed Nuur (Tarzan) ayaa soo dhoweeyay xarigii Dowladda KMG iyo AMISOM u geysteen Ragg uu ka mid ahaa Maxamed Dheere.

 

Tarzan ayaa ku tilmaamay tallaabo geesinimo leh falkii Dowladda KMG ku soo xirtay dadkii ka dambeeyay xasuuqii banaan baxayaashii maalin ka hor loo geystay.

 

"Waa cusub oo u baryay shacabka Gobolka Banaadir, waana tallaabo geesinimo leh oo aan soo dhoweyneyno, in la xiro qof kasta oo dambiile ah, Dowladda shareecada Islaamka ayay qaadatay, kuwii falkaas geystayna Shareecada ayaa la horkeenayaa"ayuu si kulul u yiri Gudoomiye Tarzan.

 

Tarzan ayaa xusay inay dhamaatay ficiladii qabiilka wax walba lagu fulin jiray, isagoo wixii maalin ka hor ka dhacay agagaarka Gurigii Hooyooyinka ku tilmaamay mid aan sal ku laheyn arrin qabiil.

 

"Ma ahan arrin qabiil, qabiil wax ma dilo, dadka waxaas geystay waa dambiilayaal, waana dad gaar ah"ayuu sii raaciyay Mr Tarzan oo ahaa ninka abaabulay banaan baxii maalin ka hor ee lagu taageerayay Dowladda.

 

Warar soo baxaya ayaa sheegaya in habeenimadii Salaasada ay jireen hadalo qadka taleefanka la isku weydaarsaday, kaas oo uu qeyb ka ahaa Gudoomiyaha Gobolka Banaadir, waxaana la sheegay inuu hadalo hanjabaadah uu dhex maray isaga iyo mid ka mid ah Ragga xabsiga la dhigay, waxaana hanjabaada aheyd mid loogu jeedinayay in banaan baxa aan la qaban karin.

 

Tarzan ayaa qudhiisa soo geli doona mas'uuliyad daradii ka dhacday banaan baxa, waxaana soo shaac baxaya warar sheegaya in Gudoomiyaha Gobolka uu ku weyn doono xilkiisa dhacdadan gil gilshay siyaasada Dowladda, fadeexada weyna keentay.

 

Jowhar.com kala soco wararka xaqiiqda ah

Share this post


Link to post
Share on other sites

Waxgaradka iyo Odayaasha Beesha ***** oo ka fadhiya Arrinta Xariga Maxamed Dheere (Warbixin)

 

Warar soo baxaya oo ay si horu dhac ah u heleyso Shabakada Warbaahinta Jowhar.com ayaa sheegaya in Waxgarad iyo Odayaal ka soo jeeda Beesha ***** ay u fadhiyaan arrinta Xariga Maxamed Dheere iyo shaqsiyaadka kale ee ka soo jeeda Beesha, kadib markii Dowladda KMG ay ku dhawaaqday in raggaas ka dambeeyeen falkii maalin ka hor, isla markaana Maxkamad la soo taagi doono.

 

Madaxtooyada Villa Soomaaliya ayaa waxaa ka socda shirar gaar gaar ah, iyadoo ay jireen Kulamo dhex maray Madaxweynaha, xubnaha Beesha ***** ugu jira Baarlamaanka iyo Odayaal iyo waxgarad, kaasoo si gaar ah arrintan xasaasiga ah looga hadlay.

 

Wararka ayaa intaa ku daraya in arrinta dhacdadii maalin ka hor loo hayo Darawalkii kaxeynayay Gaadiidkii dagaalka ee lagu rasaaseeyay banaan baxayaasha iyo Ciidamadii saarnaa, iyadoo lagu raad-joogo dad kale.

 

Waxgaradka ***** ayaa ka xun xariga Maxamed Dheere oo kasoo jeedo beeshaasi, waxaana soo baxyaa warar sheegaya in ay ka xaajoon doonaan go'aanka ay ka qaadanayaan xarigiisa.

 

Siyaasi diiday in la xuso magaciisa oo nala soo xiriiriay ayaa sheegay in **** ay dalban doonaan sii deynta Maxamed Dheere isaga oo tusaale u soo qaatay siyaasiyiin ku nool xeyndaabka Dowladda oo iyagoo dambi galay hadana aanan la qaban.

 

Madaxweynaha Soomaaliya Shariif Sheekh Axmed ayaa shalay ku dhawaaqay in dowlada ay cadaalada hor keeni doonto kuwi ka danbeeyey dhimashada lix ruux iyo dhaawaca sideed kale oo ka tirsanaa dad ku mudaaharaaday meel u dhaw Madaxtooyada Soomaaliya.

 

Gudoomiyihii hore Gobolka Banaadir Maxamed Dheere iyo nin kale oo ku magac ah Cabdi Qeybdiid ayaa ku jira Xarunta ugu weyn Ciidamada AMISOM ku leeyihiin Xaruntii Xalane, iyadoo saddex ragg kale ee falkaas ku lugta lahaa si toos ah loo dhigay Xabsiga NS-ta Madaxtooyada.

 

Jowhar. Daqiiqad walba kala soco wararkii ugu dambeeyay ee ku soo kordha

Share this post


Link to post
Share on other sites

Wasiirka Gaashaandhiga oo sheegay in lagu raad-joogo dad kale

 

 

Ra'iisul Wasaare Kuxigeenka ahna Wasiirka Gaashaandhiga Soomaaliya C/xakiin Xaaji Fiqi ayaa shaaca ka qaaday inay jiraan ragg kale oo lagu raad-joogo, kuwaasoo la sheegay inay qeyb ka ahaayeen weerarkii lagu laayay dadkii banaan baxayay.

 

C/xakiin Xaaji Fiqi ayaa sheegay inay cid walba la horkeeni doono sharciga, isla markaana kuwa hada loo haayo falkaas si deg deg ah Maxkamad lagu soo taagi doono.

 

Wasiirka Gaashaandhiga ayaa sheegay in kuwa kale ee ka dambeeyay falkaas lagu daba jiro, saacadaha soo socdana la soo qaban doono si xabsiga loo dhigo.

 

Habeenimadii xalay ayay aheyd markii Shan ruux uu ka mid yahay siyaasiga caanka ah Maxamed Dheere ay soo xireen Ciidamada AMISOM, iyadoo Xukuumada Soomaaliya cadeyay in xubnaha uu Maxamed Dheere qeybta ka yahay ay yihiin dambiilayaal.

 

La soco Jowhar.com daqiiqad kasta oo ku soo kordha xaaladahan

Share this post


Link to post
Share on other sites

Aaah, jecliyaa jabkooda, ar jecliyaa. Soo aruuriya, oo god ku wada rida qabqable walba kii ahaan jiray. Still inay immunity leeyihiin ismoodeen, kuwaas qabiilnimo ugu daniinaayana yaa u sheego qabiil qabiil waa laga gudbay, jaahilnimo wey dhamaatay.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this