Sign in to follow this  
Somalina

Somali Government arrests suspects of Tuesday’s attack on Peace Festival

Recommended Posts

Somalina   

Press Release 008/2011

Ministry of Information

Wednesday, February 16, 2011

 

Mogadishu – 16 February, 2011 The Somali Government have arrested five who are suspected to be involved in Tuesday’s attack on Peace Festival in Mogadishu, in which three civilians and a soldier were killed.

 

The Prime Minister, H.E. Mohamed Abdullahi Mohamed, the Deputy Prime Minister and Minister for Defence, H.E. Abdulhakim Mohamud, Minister for Interior and Internal Security, H.E. Abdishakur Sheik Hassan, and Minister for Information, Posts and Telecommunications, H.E. Abdulkareem Hassan Jama, jointly told Radio Mogadishu on Wednesday night that the Government forces with the help of AMISOM peacekeepers placed behind bars the following suspects:

 

1. Mohamed Omar Habeb (aka Mohamed Dhere), former mayor of Mogadishu

2. Abdi Qeybdiid (not General Abdi Hassan Awale Qeybdid, former Police Commissioner)

3. Mohamed Raaghe Tifow

4. Ali Nur Mohamed

5. Nur Ali Yalahow

 

The Government confirmed that the arrested suspects will be brought before justice as soon as possible. It has also stressed that this is one of the steps it is taking to end impunity in the country so that the citizens can live in peace and stability.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Somalina   

Xukuumadda oo xabsiga dhigtay Mas’uuliyiin uu ka mid yahay M-Dheere

 

Muqdisho: (Sh. M. Network) Xukuumadda KMG Soomaaliya ayaa waxaa ay shaaca ka qaaday inay gacanta kusoo dhigeen dadkii ka dambeeyay falkii foosha xumaa ee raasaasta loola beegsaday dad banaanbax ka sameynayay nawaaxiga guriga Hooyooyinka degmada Xamar-weyne ee gobolka Banaadir.

 

Ra’iisul wasaaraha Xukuumadda KMG Soomaaliya Max’ed C/laahi Max’ed, Wasiirka gaashaandhiga dowladda C/xakiin Xaaji Fiqi iyo wasiirka arimaha gudaha iyo amniga ee dowladda C/shakuur Sheekh Xasan Faarax oo si wad jir ah shir jaraa’id u qabtay warbaahinta ayaa waxaa ay sheegeen inay gacanta kusoo dhigeen dadkii ka dambeeyay dhacdadii ka dhacday aga gaarka guriga Hooyooyinka taasi oo lagu laayay dad rayid ah oo ka qeyb galayay banaanbax uu soo qaban qaabiyay Maamulka gobolka Banaadir.

 

Magacyada dadka dowladdu ay gacanta kusoo dhigtay ayaa waxaa ay Mas’uuliyiintaan ku sheegeen in ay kala yihiin Max’ed Cumar Xabeeb Max’ed Dheeere, Cabdi Qeybdiid, Nuur Cali Yalaxow, Max’ed Raage Tifoow iyo Cali Nuur Max’ed, wuxuuna wasiirka gaashaan dhiga uu sheegay in 5-taasi qof ay gacanta kusoo dhigeen iyagoo la kaashanaya ciidamada nabad ilaalinta ee AMISOM, waxaana uu intaasi ku daray in rag kale oo ay ku tuhmayaan inay ka dambeeyeen dhacdadaan ay ku raadjoogaan.

 

Wasiirka arimaha gudaha iyo amniga ee dowladda KMG Soomaaliya C/shakuur Sheekh Xasan Faarax oo isna shirkaasi jaraa’id ka hadlay ayaa waxaa uu sheegay in dowladda KMG sida ugu dhaqsiyaha badan ay sharciga horkaynayso dadka ay gacanta kusoo dhigtay islamarkaana lagu qaadayo dambiyada ay galeen.

 

Ra’iisul wasaare Max’ed C/laahi Max’ed (Farmaajo) oo isna gaba gabadii ka hadlay shirkaasi jaraa’id ayaa uga tacsiiyay ehaladii iyo dadkii ku geeriyooday dhacdadii ka dhacday aga gaarka guriga Hooyooyinka oo ay ciidamo ka tirsan kuwa dowladda si bareer ah ay rasaas ugu fureen, wuxuuna Farmaajo balanqaaday in dowladiisa ay sharciga horkeynayso dadkii ka dambeeyay dhacdadaasi.

 

15-kii bishan ayay aheeyd markii ciidamo ka tirsan kuwa dowladda KMG Soomaaliya ay rasaas ku fureen dad shacab ah oo ka qeyb galayay banaanbax oo uu soo abaabulay Maamulka gobolka Banaadir kuwaasi qasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac ay kasoo gaareen dadkii dibadbaxa dhigayay, iyadoo dhacdadaasi ay cambaareeyeen Mas’uuliyiin kala duwan kuwaasi oo intooda badan eeda dusha kaga tuuray Maamulka gobolka Banaadir.

 

Hase ahaatee talabadaan ay qaaday dowladda KMG ayaa waxaa ay noqonaysaa mid ka duwan sida ay dadka u hadal hayeen maadaama ay gacanta kusoo dhigtay 5-nin oo kamadax banaan Mas’uuliyiinta Maamulka gobolka, kuwaasi oo dowladda ku eedeeysay inay ka dambeeyeen falkii ka dhacay nawaaxiga guriga Hooyooyinka ee magaalada Muqdisho.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Somalina   

Earlier today Sheik Sharif said

Madaxweynaha Soomaaliya, wuxuu sheegay in dowladdu ay daweyn doonto dadkii dhaawacyadu ay soo gareen, isagoo xusay in falkaas aysan u haysan inuu yahay mid
qabiil
, balse ay u haystaan dambi ay ay
shaqsiyaad gaar ah galeen
, ayna tahay in cadaaladda sida ugu dhaqsiyaha badan lagu horkeeno.

Share this post


Link to post
Share on other sites
The Zack   

That is when the good sharif is trying to sound politically correct but in reality, the Golaha beesha is in trouble this time.

Intii dhimatay allaha u naxariisto.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Somalina   

G/Gobolka Banadir Tarzan: “Waa La Yaqaana Dadkii Laayay Rayidkii Bananbaxayay

 

February 16, 2011

 

Gudoomiyaha gobolka Banaadir Maxamuud Axmed Tarsan ayaa ka hadlay falkii shalay magaalada Muqdisho Ciidamo ka tirsan Dawladda Federaalka ku laayeen dad shacab ah oo dhigaayay banaanbax usoo qaban qaabiyey maamulka gobolka Banaadir. Mr.Tarsan oo la hadlaayay Saxaafada ayaa sheegay in falkaas ay ka dambeeyeen dad la yaqaano oo kamid ah Saraakiisha Ciidamada Dawladda oo caan ah,waa siduu sheegay.

 

Gudoomiyaha ayaa sheegay in ragaas ay kusoo wargeliyeen maamulkiisa kahor banaanbax oo ay socdeen qaban qaabada in la hakiyo isla markaana aan la dhigin,balse ay ka biyo diideen waa siduu sheegay. Gudoomiyaha gobolka Banaadir ayaa nasiib daro ku tilmaamay falkaas ay ku dhinteen afar qof ayna ku dhaawacmeen inka badan 10-ruux.

 

Dadweynaha ku dhaqan Muqdisho ayaa aad ula yaabey sababta keentay in Ciidamo ka tirsan Dawladda ay rasaas bareer ah ku furaan dad rayid ah oo ka qaybgalaayay banaanbax ay soo qaban qaabisay isla Dawladda loogana soo horjeeday kooxda kasoo horjeeda ee Al-Shabaab.

Share this post


Link to post
Share on other sites
gooni   

“Waa La Yaqaana Dadkii Laayay Rayidkii Bananbaxayay”

allaha u naxariisto dadkaas,,, hadii la yaqaan waa roon yahay xaalku mar haddaan la odhan afkaa u duubnaa!!!

Share this post


Link to post
Share on other sites

If these men committed this crime, then no mercy should be given. However isle this is to score Points

And use Amisom to arrest political enemies then it's going hay wire.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this