Sign in to follow this  
General Duke

Mogadishu: AMISOM recieve dead corpses of Somali's killed by South Korean forces, where was the TFG?

Recommended Posts

AMISOM oo la wareegtay Meedadka burcad badeeda (Sawiro)

 

Muqdisho :(Sh. M. Network) Kooxahihii buracad badeeda Soomaalida ahaa oo dhawaan ay howlgalka Milatari ku dileen ciidamada Mariiniska ee dowladda Koofur Kuuriya ayaa galabta meedadkooda lasoo gaarsiiyay garoonka diiyaaradaha ee magalada Muqdisho.

 

Meedadkaani ayaa maanta galinkii dambe waxaa laga soo dajiyay Garoonka diyaaraha ee magaalada Muqdisho kuwaasi oo lagu sheegay in ahaayeen burcad badeeda Soomaali ah islamarkaana Sanaadiiq loogu talagalay ay ku jireen.

 

Diyaaradii siday meedadkaasi ayaa waxaa ay kasoo kicitintay garoonka diyaaraha ee wadanka Cuman taaso oo ka socotay Kooriyada Koofureed, waxaana garoonka diyaaradaha ee magaalada Muqdisho aan lagu arag Mas’uuliyiinta dowladda KMG Soomaaliya ee loogu talagay inay la wareegaan meedadka burcad badeedaasi.

 

Diyaaradda oo mudo saacadaho ku suganeyd Airporka ayna saarnaayeen 8-da meed ee burad badeeda ayaa markii dambe Mas’uuliyiinta Airporka waxa ay u yeereen saraakiisha ciidamad AMSIOM kuwaasi oo markii dambe lagu wareejiyay meedkaasi.

 

Maamulka Airporka ayaa ka gaabsaday in uu faah faahin ka bixiyo meedkaasi, inkastoo ay tilmaameen inay si ku meel-gaar ah ugu wareejiyeen saraakiisha ciidamada AMISOM ee ku sugan magaalada Muqdisho.

 

Ehelada qaar ka mid ah meedadka burcad badeeda oo iyana ku suganaa garoonka diyaaradaha ayaa loo diiday in lagu wareejiyo meedadkaasi, waxaana saraakiisha AMISOM ee meedadkaasi gacanta ku hayay, ay ku wargaliyeen Ehelada meedadkaasi in aan la tusayn karin meedadkaasi ilaa iyo amar dambe, waxaana arintaasi cabasho balaaran ka muujiyay ehalada Meedadkaasi kuwaasi oo ugu baaqay AMISOM iyo dowladda KMG in lagu wareejiyo meedadka wiilashooda.

 

Qaliif Guuleed Saciid oo ka mid ah Waalidiinta meedadka burcad badeda oo maanta laga soo dajisay garoonka ayaa waxaa uu sheegay inaysan ka warhayn inay nool iyo dhinteen wiilashooda, waxaana uu tilmaamay in loo diiday in xitaa la tuso meedadkaasi.

 

Waa markii ugu horeysay Garoonka diyaaradaha ee magaalada Muqdisho laga soo dajiyo meed kooxo burcad badeed Soomaali ah, waxaana inta badan meedadka burcad badeeda laga dajiyaa Maamul gobolkeedka Puntlnad iyadoo arintaan ay waji cusub u furayso shacabka Soomaaliyeed maadaama Mas’uuliyiinta dowaldda Federalka aysan tagin garoonka diyaaradaha si loogu wareejiyo meedadkaasi.

 

 

Hoos ka daawo Sawirada Meedadka burcad badeeda ee laga keenay Cumaan

 

 

Aqriso oo la soco Shabelle.net Saacad Walba si aad u hesho wararkii ugu dambeeyay ee Soomaaliya.

 

NALA SOO XARIIR webmaster@shabelle.net

Share this post


Link to post
Share on other sites
Somalina   

Shir aan caadi aheyn oo ay maanta golaha Wasiiradu isugu yimaadeen kaasoo uu shir guddoominayay Ra’iisul Wasaaraha Xukuumada Federaalka KMG ah ee Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Maxamed (Farmaajo) ayaa waxaa xubnaha golaha Wasiiradu diirada ku saareen Dhacdadii foosha xumeyd ee shalay 15.02.2011 ka dhacday barxada Ex. Foyoore.

 

Xafiiska Afhayeenka Xukuumada

 

media@opm.gov.so

Share this post


Link to post
Share on other sites

Ehelada qaar ka mid ah meedadka burcad badeeda oo iyana ku suganaa garoonka diyaaradaha ayaa loo diiday in lagu wareejiyo meedadkaasi, waxaana saraakiisha AMISOM ee meedadkaasi gacanta ku hayay, ay ku wargaliyeen Ehelada meedadkaasi in aan la tusayn karin meedadkaasi ilaa iyo amar dambe, waxaana arintaasi cabasho balaaran ka muujiyay ehalada Meedadkaasi kuwaasi oo ugu baaqay AMISOM iyo dowladda KMG in lagu wareejiyo meedadka wiilashooda.

Share this post


Link to post
Share on other sites

^^^No doubt with another emergency meeting of the cabinet.

How many civilains have the TFG troops killed in the past two weeks, and who has been broguht to justice since the last emergency cabinet meeting?

Share this post


Link to post
Share on other sites

Yeah it makes a great deal of sense. There is no real coherent anything in TFG 2km-Land, the only confusing thing is why they are blaming poor old Tarzan for the massacre of innocents?

Share this post


Link to post
Share on other sites
Somalina   

2KM? I laugh every single time I hear that!

 

Blame game is caadi in Somalia. Lots of rumours flying around at the moment, can't tell which one to take serious. Koleyba banaanka ayey wax walba imaanayaan, marka have patience.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this