Sign in to follow this  
General Duke

Tarzan blamed for Massacre of civilians by TFG troops?

Recommended Posts

Xildhibaano cambaareeyay Maamulka gobolka Banaadir

 

Muqdisho:(Sh. M. Network) Xildhibaano ka tirsan barlamanka KMG Soomaaliya ayaa sheegay in Maamulka gobolka Banaadir uu guulaysan waayay wax ka qabashada xaalada amni dari ee ka jirta magaalada Muqdisho, iyagoo dhinaca kale ku baaqay in aan mardambe banabaxyo laga dhigin gobolka Banaadir.

 

Xildhibaanadani ka tirsan barlamanka KMG Soomaaliya oo maanta saxaafadda kula hadlayay magaalada Muqdisho ayaa waxaa ay sheegeen in Maamulka gobolka Banaadir uu dusha u ridanayo Mas’uuliyada askartii rasaasta ku furtay dadkii aha ee shalay lagu laayay nawaaxiga guriga Hooyooyinka ee magaalada Muqdisho xili ay banaanbaxayay halkaasi ka sameynayeen.

 

Xildhibaan Cabdi Xasan Cabdi oo ka mid ah Mudanayaashii halkaasi ka hadlay ayaa waxaa uu sheegay aysan ku cusbeyn magaalada Muqdisho raasaas si bareer ah loogu furo dadka rayidka ah, isagoo sheegay in dibad baxii shalay aysoo abaabuleen Maamulka gobolka Banaadir uu qasaaro xoog leh kasoo gaaray dadkii rayidka ahaa, wuxuuna ugu baaqay Maamulka gobolka inay isugu yeeray dadka reer Muqdsiho hadii aysan damaanad qaadin karin amaankooda.

 

Xuildhbanada oo si qoto dheer ugu hadlay amni darida ka jirta magaalada Muqdisho ayaa waxaa ay sheegeen in ciidamada dowladda KMG Soomaaliya ay inta badan caadaysteen falal amaan dari, isagoo tilmaamay in rasaas bareer ah ay ku furaan dadka rayidka ah ee ku nool magaalada Muqdisho, wuxuuna ku baaqay in dowladda KMG ay la xisaabtanto ciidamada rasaasta ku furtay dadkii banaanbaxa dhigayay.

 

Hdalka Xildhibaanada barlamanka KMG Soomaaliya ayaa waxaa uu imaanayaa xili maalmihii lasoo dhaafay falal amni daro ay ka dhacayeen magaalada Muqdisho kuwaasi oo ay cabasho xoogan ka muujiyeen dadka ku nool magaalada Muqdisho gaar ahaan degmooyinka ay maamusho dowladda KMG Soomaaliya.

 

 

 

Aqriso oo la soco Shabelle.net Saacad Walba si aad u hesho wararkii ugu dambeeyay ee

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this