Xaaji Xunjuf Posted February 16, 2011 Madaxwayne Siilaanyo Oo Madaxtooyada Ku Qaabilay Wafti Ka Socda Qaadhaan Bixiyayaasha Hargeysa, February 16, 2011 (Haatuf) – Madaxwaynaha Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo ayaa shalay galab xafiiskiisa ku qaabilay, wafti ka socda gudida qaadhaan bixiyeyaasha ee Somaliland ka taageera hanaanka dimuqraadiyada iyo doorashooyinka, taas oo ay hogaaminaysay Mss Valentina Auricchio. Waxaanay wafigaasi kulankaas kaga xogwarameen ujeedada ujeedada socdaalkood, waxaanay madaxwayne Axmed Siilaanyo uga mahadnaqeen go’aankii uu ka qaatay furista ururada siyaasada. Madaxwayne Axmed Siilaanyo ayaa isaguna waftigaas ka socda gudida qaadhaan bixiyeyaasha uga mahadnaqay socdaalkooda iyo taageerada ay u fidiyaan Somaliland, waxa sidaas lagu sheegay warsaxaafadeed ka soo baxay xafiiska afhayeenka madaxtooyada C/laahi Maxamed Daahir (Cakuse), waxaanu isaga oo dhamaystira u dhignaa sidan:- “Madaxweynaha JSL Mudane: AXMED MAXAMED MAXAMUUD (SIILAANYO) waxa uu Galabta kulan kula yeeshay Qasriga Madaxtooyada Wefti ay Hogaaminayso Ms. Valentina Auricchio oo ka socda Gudida Qaadhaan Bixiyaaasha ee Somaliland ka Caawiya Hanaanka Dimuquraadiyada iyo Doorashooyinka. Ugu Horayn Xubanha Weftigu waxay Madaxweynaha uga Warameen u jeedada socdaalkooda oo ay Sheegeen inay tahay Xogogaal u noqoshada Hawlaha Doorashooyinka Hadhsan (Baarlamaanka iyo Dawladaha Hoose ) ee Somaliland iyo sii Anba Qaadida Qabsoomidooda. Xubnaha Weftigu Waxay Madaxweynaha Ku Hambalyeeyeen Go’aamadii uu ku sheegay Mawqifka Xukuumadiisa ee Dhinaca Doorashooyinka Golayaasha Deegaanada iyo Baarlamaanka Somaliland Khudbadii uu Bishan Horaanteedii Baarlamaanka u Jeediyey. Weftigu waxay Madaxweynaha u Sheegeen in ay Wadamada Deeq bixiyayaasha ee Somaliland ka Caawiya Doorashooyinku ay Diyaar u yihiin Doorka ay ku leeyihiin Sidii ay Doorashooyinka Hadhsan uga Qabsoomilahaayeen Somaliland. Waxa kale oo ay Weftigu ku dheeraadeen Culayskii ay lahayd Diiwaan Gelintii Codbixiyayaashu iyo Aragtidooda la Xidhiidha Qodobkan. Madaxweynaha JSL Mudane Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) waxa uu weftiga u sheegay inay Somaliland ka hana qaaday, Hanaan Dimuquraadiyadeed oo Guulaystay, Qaran ahaana ay ka go’an tahay Xaqiijintiisa. Madaxweynuhu waxa uu Weftiga u sheegay inuu ku talagalku yahay in ay Doorashadii Golayaasha Deegaanada ee Dawladaha Hoose Dalka Ka qabsoonto Sannadkan Gudihiisa. Madaxweynuhu waxa uu ka waramay Qabashada, Doorashada labada Aqal ee Baarlamaanka oo u sheegay in Markii Dhinac walba laga eegay ay ka Fursan wayday inuu Madaxweyne ahaan Golaha Guurtida ka Codsado in Doorashada Wakiilada iyo Guurtida la Qabto Sannadka 2013, si looga Maarmo ama Looga Baxsado Hawsha iyo Dhaqaalaha iyo Weliba Wakhtiga ay Dalka kelifi lahaayeen in Saddex Doorasho la kala qabto, Saddex Sannadood oo isku Xiga. Dhinaca kalena waxa uu Madaxweynuhu Weftiga u sheegay in uu Dhawaan Magacaabayo Gudi Qaran oo Daraasadaysa Isla markaana talo Qaran ka keenta Su’aasha la Xidhiidha Furashada Ururada Siyaasadeed. Madaxweynuhu waxa kale oo uu Weftiga u sheegay in uu Komishanka Doorashooyinka kala tashanayo Qodobka la Xidhiidha Diiwaan gelinta Codbixiyayaasha Ugu Danbayn madaxweynuhu waxa uu Wadamada Deeq bixiyayaasha ee Somalialnd ka Caawiya Dimuquraadiyada iyo Doorashooyinka uga Mahadnaqay Gacan Qabashada iyo Dhaqaalaha ay ku bixiyaan geedi socodka Hanaanka Dimuquraadiyadeed ee Somaliland ka Hirgalay. Sidoo kale waxa uu Madaxweynuhu Xubnaha Weftiga uga Mahad naqay Bookhashada ay ku yimaadeen Dalka Quote Share this post Link to post Share on other sites