Sign in to follow this  
caydarus

Four Killed, 11 Injured in Mogadisho shootout;

Recommended Posts

caydarus   

Mogadisho. -At least 4 people were killed and more than 11 other injured after somali government forces shot demonstrators supporting the transitional government officials said Tuesday.

Shabelle reporter, who witnessed the incident, said that the demonstrators ran after the shootout, adding that soldiers a military vehicle opened the fire on the crowd near former national theatre where a number of TFG officials were attending the protest.

Two somali government soldiers were among those wounded in the shooting, according to warsame jodah, the deputy TFG's Mogadisho mayor.

Before the shooting erupted, hundreds of demonstrators chanting anti-al shabaab slogans and supporting somalia's UN fragile government could be seen in the streets of TFG controlled district of Hamar wayne.

It is the second such mass killed TFG forces to commit less the a month.

Share this post


Link to post
Share on other sites
caydarus   

somaliyey ma waxad is moodeen masaaridii markas ayaad banan baxdeen, war hooy jooga nimankaan waa qabqabla yaashii awalba diigiina cabijiray, naftiina utura.

Share this post


Link to post
Share on other sites

walaahi waa yaab waxaan filaa soomali dadkii iney wada waasheen war meel guryaha laysugu soo galayo oo maalin cadna lays dilayo ayaan banaanbaxeynaa leeyihiin , dhibaatadii ka badatay darteed ayeey dadkii is dhiiben ,allaha u naxariisto intii dhimatay ,dhaawacana alle ha bogsiiyo , meel lagu banaanbaxana ma jirtee yaan lays halaagin walaalayaal.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Somalina   

Madaxweynaha Soomaaliya oo sheegay in kuwii ka dambeeyay dhacdadii shalay la horkeeni doono cadaaladda

 

Arbaco, 16 Feberaayo, 2011 (HOL) – Madaxweynaha Soomaaliya, Sheekh Shariif Sheekh Axmed oo maanta saxaafadda kula kulmay xafiiskiisa Muqdisho ayaa cambaareeyay falkii shalay lagu dilay dadka shacabka ah ee dhidhigayay mudaaharaadka lagu taageerayo dowaldda Soomaaliya, isagoo ku tilmaamay fal naxdin leh.

 

"Waxaan tacsi u dirayaa ehelladii dadkii ku dhintay falkaas iyo dowladda Soomaaliya oo ay ku dhinteen, waxaana kuwii ka dambeeyay sida ugu dhaqsiyaha badan loo horkeeni doonaa cadaaladda," ayuu yiri madaxweyne Sheekh Shariif Sheekh Axmed.

 

Madaxweynaha Soomaaliya, wuxuu sheegay in dowladdu ay daweyn doonto dadkii dhaawacyadu ay soo gareen, isagoo xusay in falkaas aysan u haysan inuu yahay mid qabiil, balse ay u haystaan dambi ay ay shaqsiyaad gaar ah galeen, ayna tahay in cadaaladda sida ugu dhaqsiyaha badan lagu horkeeno.

 

"Shacabkaan waxay soo mareen 20-sano oo jahawareer ah, lamana aqbali karo in qof shacab ah dhibaato loo geysto haddana sharciga la fakado, dhiig shacab ayay daadiyeen waana lagama maarmaan in cadaaladda la horkeeno oo ay helaan abaal-marintooda, caaladduna qof walba ayay dan u tahay," ayuu shirkiisa jaraa'id ku yiri madaxweyne Sheekh Shariif.

 

Madaxweynuhu wuxuu sheegay in arrintu ay tahay tuhmo oo kelia, balse ay sida ugu dhaqsiyaha badan kusoo caddaan doonto, wuxuuna xusay inay saxaafadda u soo bandhigi doonaan wixii kasoo baxa baaritaanka socda.

 

Falkan oo lagu dilay dad rayid ah kuwo kalena lagu dhaawacay ayaa ka dhacay shalay meel ku dhow Madaxtooyada Soomaaliya, waxaana hadalka madaxweynuhu uu qayb ka noqonayaa hadallo ay ay jeediyeen guddoomiyaha baarlamaanka Soomaaliya Shariif Xasan iyo ra'iisul wasaare Maxamed C/llaahi Farmaajo.

 

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online

maxuseen@hiiraan.com

Muqdisho, Soomaaliya

Share this post


Link to post
Share on other sites
Somalina   

Golaha wasiirrada DKMG ah oo kulan ay yeesheen diiradda ku saaray falkii lagu xasuuqay bannaanbaxayaasha

 

Arbaco, 16 Feberaayo, 2011 (HOL) – Shir aan caadi ahayn oo golaha wasiirrada Soomaaliya ay maanta ku yeesheen Muqdisho ayaa waxaa looga hadlay dhacdadii foosha xumayd ee shalay ka dhacday barxada ex-fiyooraha, waxaana shirkaas guddoominayay ra’iisul wasaaraha xukuumada federaalka KMG ah ee Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Maxamed (Farmaajo).

 

Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya oo ka hadlayay arrintaas ayaa ku tilmaamay fal naxariis-darro ah oo lagu xasuuqay dad aan waxba galabsan oo halkaasi isugu yimid inay muujiyaan dareenkooda wadaninimo iyo nabad jaceylka ah, wuxuuna carabka ku adkeeyay in arrintaasi ay tahay mid tiiraanyo iyo murugo leh taariikhdana baal madow ka gashay.

 

Mudane Farmaajo ayaa intaas kaddib wuxuu hadalka siiyay ku xigeenkiisa ahna wasiirka gaashaandhigga C/xakiin Xaaji Maxamuud Fiqi oo warbixin ka siiyay golaha wasiirrada dhacdadii foosha xumayd ee shalay, wuxuuna cadeeyay in raggii geystay falkaasi ay ahaayeen ciidamo beeleed sitay labiska ciidanka xooga dalka.

 

Waxaa kale oo kulanka ka hadlay, wasiirka arrimaha gudaha iyo amniga Qaranka oo isna shirka ka sheegay in dhacdadaasi foosha xun baaritaankeeda gacanta lagu hayo sida ugu dhaqsaha badana golaha wasiirrada loo hor-keeni doono.

 

Intaa kaddib, waxaa ka hadlay dhacadadaas dhowr wasiiro oo soo jeediyay talooyin iyo tallaabooyin looga hortegi lahaa falal noocaas oo kale, waxaana wasiirrada shirka ka qaybgalay oo dhan ay cambaareyn adag u jeediyeen kuwii ka dambeeyay falkaas lagu xasuuqay dadkaas biri-mageydada ah ee aan waxba galabsan.

 

Golaha wasiirradu waxay kaloo dhageysteen warbixin ku aadan siyaasada arrimaha dibadda ee xukuumada federaalka KMG ah ee Soomaaliya iyo iskaashiga kala dhexeeya beesha caalamka, iyadoo arrintaas ka hadlay ra’iisul wasaare ku-xigeenka ahna wasiirka arrimaha dibadda Soomaaliya Maxamed C/llaahi Oomaar.

 

Wasiirku wuxuu u sheegay golaha wasiirrada in dowladda federaalka KMG ah laga sugayo barnaamijkeeda dhow iyo midka fog inay si dar-dar leh uga howlgasho si marxaladda kala guurka ah looga gudbo.

 

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online

maxuseen@hiiraan.com

Muqdisho, Soomaaliya

Share this post


Link to post
Share on other sites
caydarus   

Somalina wad mahadsantahey arintas ad soo bandhiktey ee ay madaxda dowlada somalia ay ku hadleyn lakiin makula tahey in ay arinkaas kadhabayn hayan?

i tdon't think so.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this