Mooge Posted February 15, 2011 Garowe (RBC Radio):- Wafdi uu hogaaminayo G, Cabdi Xasan Cawaale (Qeybdiid) ayaa soo gaarey magaalada Garowe ee caasimada dowladda Puntland ee Soomaaliyeed. Gen, Qeybdiid iyo wafdiga uu horkacayo ayaa la sheegay in ay Garowe u yimaadeen si ay ula kulmaan mas’uuliyiinta sare ee dowladda Puntland, iyagoo doonaya in ay kala hadlaan arimaha maamulka Galmudug ee deriska la ah dowlada Puntland. Wararka laga helayo xubno ka mid ah wafdiga waxaa ay sheegayaan in wafdiga uu horkacayo Cabdi Qeybdiid ay Garowe joogi doonaan maalmo kooban, iyagoo doonaya in ay kulamo gooni gooni ah la yeeshaan mas’uuliyiinta Puntland. Arimaha Gobolka Mudug ayaa la filayaa in ay ka wada hadlaan wafdiga Galmudug ka tagey ee uu hoggaaminayo Cabdi Qeybdiid iyo dowladda Puntland, waxaana wararku intaa ku darayaan in ay ka hadli doonaan xaaladaha amaan darro ee gobolka Mudug ka jira iyo colaadihii kal hore dhexmaray beelaha degan gobolka oo aan ilaa iyo iminka heshiis buuxa laga gaarin. Waa markii ugu horeysay ee wafdi ka socda maamulka Galmudug ay booqasho ku tagaan caasimada dowladda Puntland ee Garowe, waxaana la filayaa in ay kulamada dhexmara labada dhinac ka soo baxaan qodoba muhiim ah oo xoojiya wada shaqeynta labada maamul ee deriska ah. RBC Radio. Quote Share this post Link to post Share on other sites
Taleexi Posted February 16, 2011 Good development methinks. Quote Share this post Link to post Share on other sites
General Duke Posted February 16, 2011 Its a good move. Quote Share this post Link to post Share on other sites