Sign in to follow this  
Mooge

Cabdi Qeybdiid Oo Gaarey Magaalada Garowe Ee Caasimada Puntland

Recommended Posts

Mooge   

Garowe (RBC Radio):- Wafdi uu hogaaminayo G, Cabdi Xasan Cawaale (Qeybdiid) ayaa soo gaarey magaalada Garowe ee caasimada dowladda Puntland ee Soomaaliyeed.

 

Gen, Qeybdiid iyo wafdiga uu horkacayo ayaa la sheegay in ay Garowe u yimaadeen si ay ula kulmaan mas’uuliyiinta sare ee dowladda Puntland, iyagoo doonaya in ay kala hadlaan arimaha maamulka Galmudug ee deriska la ah dowlada Puntland.

Wararka laga helayo xubno ka mid ah wafdiga waxaa ay sheegayaan in wafdiga uu horkacayo Cabdi Qeybdiid ay Garowe joogi doonaan maalmo kooban, iyagoo doonaya in ay kulamo gooni gooni ah la yeeshaan mas’uuliyiinta Puntland.

 

Arimaha Gobolka Mudug ayaa la filayaa in ay ka wada hadlaan wafdiga Galmudug ka tagey ee uu hoggaaminayo Cabdi Qeybdiid iyo dowladda Puntland, waxaana wararku intaa ku darayaan in ay ka hadli doonaan xaaladaha amaan darro ee gobolka Mudug ka jira iyo colaadihii kal hore dhexmaray beelaha degan gobolka oo aan ilaa iyo iminka heshiis buuxa laga gaarin.

 

Waa markii ugu horeysay ee wafdi ka socda maamulka Galmudug ay booqasho ku tagaan caasimada dowladda Puntland ee Garowe, waxaana la filayaa in ay kulamada dhexmara labada dhinac ka soo baxaan qodoba muhiim ah oo xoojiya wada shaqeynta labada maamul ee deriska ah.

 

RBC Radio.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this