Sign in to follow this  
Saalax

Ciidamada Dawlada TFG Oo Rasaas Qasaare Sababtey Ku Furay Dad Banaanbaxayaal Ah

Recommended Posts

Ciidamo ka tirsan Dawladda Federaalka oo Laayey Dad Banaanbax dhigaayay

 

 

Ciidamo ka tirsan Dawladda Federaalka ee Soomaaliya ayaa maanta magaalada Muqdisho ku laayey dad rayid ah oo ka qaybgalaayay banaanbax usoo qaban qaabiyey maamulka gobolka Banaadir ee Dawladda Federaalka.

 

Banaanbaxa ayaa waxaa looga soo horjeeday kooxda Al-Shabaab ee kasoo horjeeda Dawladda isla markaana lagu taageerayay hadalkii shalay kasoo yeeray Madaxweyne Sheikh Shariif oo ahayd inuu codsanaayo in waqti dheeraad lagu kordhiyo Dawladiisa.

 

Dadweyne isugu jira rag,dumar iyo caruur ayaa isugu soo baxay barxadii gurigii hore ee Hooyooyinka,waxaana waxyar kadib soo gaarey Ciidamo ka tirsan Dawladda kuwaas oo rasaas ku furey dadka taasoo dhalisay khasaaro dhimasho iyo dhaawac.

 

Rasaasta ay fureen Ciidamada waxaa ku geeriyooday ugu yaraan 3-qof iyadoo ay ku dhaawacmeen inka badan 10-qof oo banaanbaxa dhigaayay.

 

Goobta ayaa hal mar isu bedeshay meel colaadeed,waxaana laga dareemayay buuq iyo jahwareer iyadoo dadka ay bilaabeen in ay isaga cararaan goobta.

 

Lama yaqaano sababta ka dambeysay in Ciidamo ka tirsan Dawladda ay rasaas ku furaan dad ka qaybgalaaya banaanbax ay soo abaabushay isla Dawladda.

 

Bishii hore ayaa Ciidamo ka tirsan Dawladda waxay isla magaalada Muqdisho ku dileen dad gaaraya 20-qof isla markaana ku laayeen isgoyska Banaadir.

 

Horseed Media

Share this post


Link to post
Share on other sites
Somalina   

U.S. Condemns Feb 15 Attacks, Appluads TFG and AMISOM Reaction

 

US Embassy, Nairobi

Press Release

 

The United States condemns the February 15 attack on the Peace Festival in Mogadishu. Our thoughts and prayers go out to the victims and families.

We applaud the reaction to the attack by the Transitional Federal Government and the African Union Mission in Somalia with today’s arrest of several suspects.

 

The Somali people have the right to live, work, and assemble peaceably without fear. The Transitional Federal Government’s swift response to yesterday’s attack is a signal to the people of Somalia that it is serious about challenging the culture of impunity that has plagued Somalia for the last years.

 

Source: US Embassy

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this