Sign in to follow this  
Saalax

Dr.Gaboose Oo Soo Saaray Digreeto Uu Xilkii Kaga Qaaday Guddoomiyihii Degmada Fara-weyn

Recommended Posts

Saalax   

Wasiir Gaboose Oo Soo Saaray Digreeto Uu Xilkii Kaga Qaaday Guddoomiyihii Degmada Fara-weyne Guddoomiye Cusubna Ugu Magacaabay.

 

Hargeysa (Ramaas) Feb. 14, 2011- Wasiirka arimaha guddaha Somaliland Dr Maxamed Cabdi Yuusuf [Gaboose], ayaa maanta soo saaray wareegto uu xilkii kaga qaaday Guddoomiyihii degmada Fara-weyne, isla markaana uu guddoomiye cusub ugu magacaabay degmadaas.

 

Wasiirku waxa uu tigreetadaas ku sheegay in ka dib markuu la tashaday odayaasha deegaankaas ee sida tooska ah u khasayso arintan, isla markaana uu tixgeliyey qaab dhismeedka dawladanimo ee ay degmooyinka dalku u leeyihiin qaranka, uu soo saaray wareegtadan oo uu xilkii kaga xayuubiye guddoomiyihii degmada Fara-weyne Maxamuud Sh Cumar.

 

Waxaanu guddoomiyaha cusub ee degmada Fara-weyne oo ka tirsan gobolka Maroodi-jeex uu u magacaabay wasiirku Maxamed Ibraahim Aw Cali, isagoo guddoomiyihii hore-na amar ku siiyey inuu sida ugu dhakhsaha badanle ugu wareejiyo xilka.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this