Somalina Posted February 13, 2011 Sabti, 12 Feberaayo 2011 (HOL) – Askari ka tirsan dowlada hoose ayaa maanta rasaas ooda kaga qaaday arday ku sugnayd mid ka mid ah iskuulada ku yaala magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudug. Waxaa la sheegay in sedex arday ay ku dhaawacmeen rasaasta uu furay askarigaasi,waxaana dhaawacooda loola cararay cisbitalka wayn ee magaalada si xaaladooda caafimaad loo dabiibo. "Sedex arday ayaa nala soo gaarsiiyay,kuwaasi oo ay dhaqaatiirtu xaaladooda caafimaad la tacaalayaan "ayuu yiri agaasimaha cisbitalka Gaalkacyo oo la hadlay idaacadaha. Rasaasta uu furay askariga ayaa la sheegay in ay timid ka dib markii ardaydu ay kuu buuqeen askariga,xilli uu halkaasi uu muran ku dhexmaray askariga iyo haweeney goobta ku ganacsanaysay. Warar soo baxaya ayaa sheegay in askarigii falkaasi gaystay gacanta lagu dhigay ,isla markaana lagu xiray xabsiga Gaalkacyo si su,aalo looga waydiiyo sababta uu ardayda ku dhaawacay. "Askariga falka gaystay ciidanka ayaa gacanta ku soo dhigay, lamana garanayo waxa ku kalifay in rasaasta uu furo"ayuu yiri sarkaal sare oo ka tirsan laamaha amniga Gaalkacyo. Maamulka degmada Gaalkacyo ayaa la sheegay in ay booqdeen dhaawacyada ardayda dhibka la gaarsiiyay ,mana jirto cid maamulka ka tirsan oo ka hadashay arinta dhacday. Faisel Maxamed Hassan, Hiiraan Online Boston@hiiraan.com Boosaaso, Soomaaliya Quote Share this post Link to post Share on other sites
Xaaji Xunjuf Posted February 13, 2011 waba tabti xammar oo kale eh Quote Share this post Link to post Share on other sites