Xaaji Xunjuf Posted February 12, 2011 Madaxweynaha Jabuuti Oo Xafiiskiisa Ku Qaabilay Guddoomiyaha Golaha Wakiilada Somaliland February 12th, 2011 Jabuuti (Somaliland.Org)- Madaxweynaha Jamhuuriyada Jabuuti ayaa manta maanta xafiiskiisa ku qaabilay Guddoomiyaha Golaha Wakiilada Somaliland Md. C/Raxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cirro), oo maalmihii la soo dhaafay socdaal shaqo ku jooga dalkaasi.. Madaxweyne Geelle iyo Guddoomiyaha Golaha Wakiilada Somaliland waxay ka wada hadleen sidii loo sii xoojin lahaa iskaashiga iyo cilaaqaadka siyaasadeed ee ka dhexeeya labada dal, waaxaana kulankaasi lagu gorfeeyay sidii iskaashiga labada dal kor loogu sii qaadi lahaa. Md. C/Raxmaan Maxamed Cabdilaahi wuxuu Madaxweynaha Jabuuti uga mahad celiyay xidhiidhka uu la leeyahay Somaliland waxaanu u soo jeediyay in loo baahan yahay in qaran ay sii adkeeyaan wax wada qabigooda. Waxa kale oo uu Guddoomiyaha Wakiiladdu uga mahad celiyay Madaxweynaha iyo masuuliyiinta dalka Jabuuti sidii ay ugu soo dhaweeyeen dalkaasi. Guddoomiyaha Wakiiladdu wuxuu Madaxweynaha Jabuuti uga waramay xaalada Nabadgelyo, siyaasadeed iyo bulsho ee Somaliland. Sida caawa uu baahiyay TV-ga Qaranka ee Jabuuti waxa kulankaasi goob joog ka ahaa Guddoomiyaha Baarlamaanka Jabuuti Md. Idiris Arnaa’uud Cali. Waxa kale oo uu Guddoomiyaha Golaha Wakiilada Somaliland kulamo kala duwan la yeeshay Golaha Baarlamaanka Jabuuti oo sida la sheegay ay ka wada hadleen sidii Baarlamaanadda labada dal ay iskaashi iyo wax wada qabsi u yeelan lahaayeen. Waa markii u horaysay ee Guddoomiyaha Golaha Wakiilada Somaliland uu kulan la yeeshay Madaxweynaha Jabuurti Md. Ismaaciil Cumar Geelle iyo masuuliyiin ka tirsan Golaha Baarlamaanka dalkaasi. Quote Share this post Link to post Share on other sites
Xaaji Xunjuf Posted February 13, 2011 Guddoomiyaha Golaha Wakiilada JSL Oo Shaaca Ka Qaaday In Ay U Yeedhayaan Wasiirka Arimaha Dibeda Si Goluhu Wax Uga Waydiiyo Shirkii Uu Ka Qaybgalay. “Madaxweyne Md Ismaaciil Cumar Geelle run ahaantii waxa ka muuqatay inuu jecel yahay inuu koro xidhiidhka Jabuuti iyo Somaliland.” Wareysi - Md. Cabdiraxmaan M. Cabdilaalhi (Cirro). Hargeysa(Ramaas) Feb. 13, 2011 - Guddoomiyaha Golaha Wakiilada Somaliland Md. Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi [Cirro], ayaa sheegay in si rasmi ah loogu casuumay shir caalamiya oo uu kaga qaybgalay magaalada Jabuuti ee caasimada Jamhuuriyada Jabuuti, kaas oo lagaga hadlayey muddo saddex cisho arimo ay ka mid yihiin nabadda iyo himilooyinka geeska Afrika oo ay Somalilandna ku taalo. Guddoomiye Cirro, waxaa uu sheegay in uu khudbad ka jeediyey shirka muddadii uu socday, taas oo si weyn usoo jiidatay wufuudii ka soo qaybgashay shirka oo ka kala socday illaa 50 dal oo aduunka ah. Guddoomiyaha golaha wakiiladu waxa uu sidan ku sheegay waraysi gaar ah oo uu magaalada Hargeysa kula yeeshay Khadar Cali Xuseen [shiine] oo ka tirsan bahda shabakadda wararka ee Ramaasnews xafiiskeeda Hargeysa. Waraysigan oo dhinacyo badan taabanaya waxa uu Guddoomiyuhu kaga hadlay kulanno kala duwan oo uu la yeeshay ergadii baarlamaanadii ka soo qaybgalay shirka, Guddoomiyaha Baarlamanka Jabuuti iyo Madaxweynaha dalkaas oo uu kulan kula yeeshay Qasriga Madaxtooyada. Waraysisga guddoomiyuhu wuxu u dhacay sidan: Ramaas, Guddoomiye, waxaad nooga warantaa shirkii magaalada Jabuuti aad kaga qaybgashay waxyaabihii lagaga hadlay iyo muddadii uu socdayba. Guddoomiye Cirro, Shirkii aan magaalada Jabuuti kaga qaybgalay waxa uu ahaa shir ay ka soo qaybgaleen 50 dal, kuwaas oo lagu magacaabo ALLDEPAC [Alliance Liberal For Democracy Europe, Pacific Caribbean Countries], waxaanu ahaa markii lixaad ee la qabto, waana markii u horeysay ee ay Somaliland si rasmi ah uga qaybgasho, ka qaybgalkayaguna waxa uu ka dambeeyey kulan aanu kula yeelanay dalka Faransiiska bishii 11naad Baarlamanka Yurub, markaas oo la ogalaaday in ay Somaliland ka soo qaybgasho. Waxaanu ka koobnaa illaa 25 dal oo Afrikaana, wadamada Yurub qaarkood iyo wadamada loo yaqaano Pacific Caribbean Countries. Shirka ujeeddadiisu waxa ay ahayd oo lagaga hadlayey nabad iyo horumarka geeska Afrika, waxaanu socday muddo saddex maalmood ah, mawduuca anniga la yidhi ka hadal waxa uu ahaa rajooyinka geeska Afrika, halkaas oo aan ka soo jeediyey khudbad arintaa ku saabsan. Run ahaantiina dad badan oo goobta fadhiyey markii ay dhegaysteen khudbadayda ee aan siiyey Somaliland iyo macluumaad badan oo ku saabsan way ku baraarugeen arimaha Somaliland. Rag badan oo ka socday baarlamaanka Yurub waxa ay soo jeediyeen in Somaliland wax badan lala qabto oo la caawiyo oo xaggeeda loo jeesto, waxaanan u arkayey tallaabo wanaagsan oo aynu u baahnayn in aynu samayno oo aynu samaynay. Ramaas, Md Cabdiraxmaan Cirro, markii uu shirku dhamaaday wufuudii ka soo qaybgashay wax kulamo ah ma yeelatay, hadii-ba aad la yeelatay maxaad kala hadashay? Guddoomiye Cirro, Haa waan la yeeshay oo gaargaar ayaan ula kulmayey wufuuda ka socotay Baarlamaanada dalalkii ka soo qaybgalay shirka, waxaanan kala hadlay danta qaranka Somaliland, iyaga oo kulamadaasi u badnaayeen isbarasho. Ramaas, Guddoomiye Cabdiraxmaan Cirro shirkan aad ka qaybgashay ma si rasmiya ayaa laguugu soo martiqaaday mise qaab kale ayaad uga qaybgashay? Guddoomiye Cirro, Maya ee si rasmiya ayaa la iigu soo martiqaaday aniga oo ah Guddoomiyaha Golaha Wakiilada, isla markaana matelayey Somaliland oo martiqaad qoraal ah ayaa la iisoo diray sidaas ayaanan kaga qaybgalay shirka. Ramaas, Guddoomiye meesha uu shirku ka dhacay waxa ay ahayd caasimada dalka Jabuuti, intii aad ku sugnayd halkaas masuuliyiinta dalkaas cid ma kala kulantay? Guddoomiye Cirro, Haa saddexdaa cisho kadib, waxaa imartiqaaday Guddoomiyaha Baarlamanka Jabuuti oo aanu ka wada hadalnay sidii kor loogu sii qaadi lahaa xidhiidhka ka dhexeeya labada Baarlamaan ee Somaliland iyo Jabuuti iyo sidii wufuud labada dhinaca ka socdaa ay u kala booqan lahaayeen labada dal, waxaanan isla garanay doorasho ayey ku jiraane doorashada kadib in ay bilaabmaan isdhaafsiga wufuuda labada dhinaca, haddii ilaahay yidhaahdo. Waxa kale oo aan la kulmay masuuliyiin kale oo badan oo dalkaas ka tirsan. Waxa kale oo aan booqasho ugu tagay muddadaas aan ku sugnaa Jabuuti Madaxweynaha dalkaas Md Ismaaciil Cumar Geelle oo run ahaantii ay ka muuqatay inuu jecel yahay inuu koro xidhiidhka Jabuuti iyo Somaliland ka dhexeeya, waxaanu Madaxweynuhu ii xaqiijiyey inuu xafiiskoodii Somaliland ay si dhakhso ah uga furan doonaan magaalada Hargeysa, kii Somaliland ay hadda qalabaystiisii socotay oo waan soo eegay, waxaanan arkayey calaamad wanaagsan oo muujinaysay koritaanka xidhiidhka labada dal oo halkaas ka socotay. Ramaas, Madane marka laga yimaado labada xafiis ee labada dal ka kala furan doonaan caasimadaha labada dal, waxa kale oo aad ka wada hadasheen ma jireen Madaxweynaha Jabuuti? Guddoomiye Cirro, Run ahaantii waxa kale oo aanu si qoto dheer uga wada hadalnay sidii loo hagaajin lahaa cilaaqaadka labada dal iyo labada gobol ee Selel iyo Carta oo mashaariic horumarineed iska kaashan doona oo uu ii sheegay inay jecel yihiin inay soo gaadhsiiyaan gobolka galbeed ee Somaliland ee Selel, waxaanan qabaa labada xafiis furistoodu iyo xidhiidhka labadaa gobolba inay noqon doonaan bilow xidhiidh wanaagsan oo dhexmara labada dal. Ramaas, Guddoomiye waxaad tahay Guddoomiyihii Golaha Wakiilada Somaliland oo ah Gole sharci dajineed, intii aad dalka ka maqnaydna waxa dhacday inuu magaalada London kaga qaybgalay shir arimaha Somaliya lagaga hadlayey wasiirka arimaha dibeddu, arintaa Guddoomiye sideed u aragtaa ka sharci ahaan iyo ka fikir ahaanba? Guddoomiye Cirro, horta dee dalka anniga oo kaliya ayaa ka maqnaa ee golayaashii sharci dajintu way joogeen, markaa annigu wax tafaasiil ah kama hayo, markaa hadii ay shaqo qabtaan iyo hadii kaleba [xukumada] golayaashu waxa ay xaq u leeyihiin inay wax ka waydiiyaan shaqadaas goluhuna marka uu wasiirku yimaado way u yeedhayaan oo wuu hor imanayaa. Ramaas, Guddoomiye saw muu jirin sharci ay labada gole soo saareen oo mamnuucaayey ka qaybgalida madaxda Somaliland shirarka Somaliweyn, kaas oo ay ka hor imanayso shirkan uu wasiirku ka qaybgalay? Guddoomiye Cirro, Wuu inoo yaalaa sharcigu, laakiin run ahaantii wali ma hayo tafaasiil igu filan shirkaas uu ka qaybgalay wasiirku iyo sida uu uga qaybgalay, laakiin daw ayaa loogu leeyahay in la waydiiyo shirka iyo sababta uu uga qaybgalayba. Quote Share this post Link to post Share on other sites