A_Khadar Posted February 11, 2011 (Gaalkacayo, February 10, 2011 Ceegaag Online) Wasiirada Haweenka iyo Arimaha Qoyska ee Dawlada Puntland Caasha Geele Diiriye oo nooga xogwarantay xaalada dadkii ku dhaawacmay Dagaalkii kalshaale ee loo qaaday Gaalkacyo Dhagayso Wasiirada Haweenka iyo Arimaha Qoyska ee Dawlada Puntland Caasha Geele Diiriyey Wafti Balaadhan oo ay Hogaaminaysay ayaa Maanta Booqasho ugu tagay Isbitaalka Guud ee Magaalada Gaalkacyo Dhaawacyadii ku soo dhaawacmay Dagaalkii ka dhacay Baliga Kalshaale ee Dhexmaray Ciidamada Maamulka Somaliland iyo Ciidamada Beeleedyada Deegaanka Buuhoodle. Kadib Booqashaqadii Dhaawacyada ee Wasiirada Haweenka iyo Arimaha Qoyska ee Puntland Caasha Geele Diiriyey ayaa shabakada Wararka Ceegaag.com Talefoonka Magaalada Gaalkacyo kula Xiriirtay Waxa Ceegaag.com Wasiirada Waydiisay inay faah faahin naga siiyo Xaalada Caafimaadka ee Dhaawacyadaasi ku Dhaawacmay Dagaalkii kalshaale ee haatan ku jira Isbitaalka Magaalada gaalkacyo. Wasiirada ayaana sheegtay inay dhaawacyadiis Heleen Daryeelkii Caafimaadka kii ugu sareeyey Isla Markaana ay joogaan Gurigoodii iyo Wadankoodii Wasiirada ayaana sheegtay in Dhamaan shaqaalaha Caafimaada ee Gobolka Mudug oo dhan la galiyey Heegan Buuxa kii ugu Sareeyey shacabka Gobolka Mudugna Diyaar u yahay Walaalahooda ku soo dhaawacmay Dagaalka ka soconaya meelo kamida Gobolka Cayn. Cali dhagjar Buuhoodle Quote Share this post Link to post Share on other sites
A_Khadar Posted February 11, 2011 Galkacyo,(lasanod Online)- Iyadoo lagu daaweynayo dhaawacii kusoo dhaawacmay dagaalkii kalshaale cusbitaalka guud ee magaalada Galkacyo ee Mudug.. ayaa maanta waxaa booqday qaar kamid ahaa siyaasiyiin reer puntland ah ayna kamid ahaayeen, Dr.Maxamed Cali Yuusuf (Gaagaab) Madaxweyne kuxigeenkii hore ee Puntland marna soo noqday Wasiirka Maaliyada,Dr.Bashiir Cali Biixi Wasiirkii hore ee caafimaadka Puntland, Dr.Cali Cigaal Wasiir kuxigeenkii hore ee Wasaarada caafimaadka Puntland,la taliyaha madaxweynaha Puntland ee dhanka Daraawiishta Jen,Cabdullaahi Cali Mire (Careys), Agaasimaha Waaxda socdaalka & Jinsiyada gobolka Mudug Cilmi Cali Guuleed & Xildhibaan Siciido Geelle Diiriye oo kamid ah xildhibaanada Golaha Wakiilada ee dawlada Puntland,waxaana ay soo indha-indheeyeen dhaawacyadii Kalshaale & xaalka ay imika kusuganyihiin. Siyaasiyiintani waxay mid mid u booqdeen dhaawacii, iyagoo warbixino kaladuwan ka dhagaystay saraakiisha caafimaadka ee gobolka Mudug, gaar ahaana kuwa gacanta ku haya dadkii wax kusoo noqday dagaalkii Kalshaale,waxaana ay mahadcelin usoo jeediyeen dadka gacanta ku haya dhaawacan oo ay sheegeen inay dadaal dheer samayeen islamarkaasna ay la tacaaleen dhaawacyada,waxaana ay takhaatiirta ugu baaqeen inay xilgaar ah iska saaraan walaalahooda wax kusoo noqday dagaalkii kalshaale Quote Share this post Link to post Share on other sites
Xaaji Xunjuf Posted February 11, 2011 wiilasha wala so qalday ilahay caafiyo ,, oo wadada saxda ha tuso banu ilahay ka baryayna. Quote Share this post Link to post Share on other sites