Xaaji Xunjuf Posted February 10, 2011 Qasaaraha ka dhashay qaraxyo ka dhacay degmooyinka ................ Muqdisho :(Sh. M. Network) Waxaa sii kordhaya qasaaraha ka dhashay qaraxyo Bambaano oo xalay lagu weeraray Suuqyada Buulu Xuubeey iyo Suuq Boocle oo ka kala tirsan degmooyinka Wadajir iyo Dharkeenlay ee magaalada Muqdisho. Hal qof ayaa ku dhintay oo ilaa iyo hadda la garan la’yahay meedkiisa, iyadoo ay ku dhaawcmeen 21-kale kuwaasi oo dhamaantooda ahaa dad rayid oo xiligasi ka agdhwaa goob lagu weeraray bam gacmeedyo, waxaana dadkii ku dhaawcmay bambaanooyinkasi 19-ka mid ah la gaarsiiyay Isbitaalka Madiina ee magaalada Muqdisho. Bamka 1-aad ayaa waxa lala eegtay Suuq Buulo Xuubay iyadoo midka kalena lagu tuuray Laamiga labaad ee Suuqa Buul Xuubeey degmada Wadajir ee gobolka Banaadir,waxaana saakay degmadaasi lagu arkayay ciidamo baaritaano xoogan ku haya xaafadaha degmadaasi. Kooxihii falkaasi ka dambeeyay ayaa waxaa la sheegay in ay ka baxsadeen, iyadoo aan ilaa iyo iminka la’ogayn sababta keentay in goob ay ku sugan yihiin dad rayid ah lagu weeraro bamgacmeedyo qasaaro gaystay. Dhinaca kale degmada Dharkeenlay gaar ahaan Suuq Boocle ayaa iyana halkaasi xalay waxaa lagu weeraray Bamgacmeed qasaaro u gaystay ilaa 6-qof oo 3-ka mid ah ay ahaayeen ciidamada dowladda KMG Soomaaliya, iyadoo aan ka hadlin weeraradaas kala duwanaa ee xalay lagu qaaday labadaasi degmo oo dariska ah Mas’uuliyiinta dowladda KMG ee ka talisa degmooyinkaasi. Bambaanooyinkaan xalay lagu weeraray xaafado ka tirsan degmooyinka Wadajir iyo Dharkeenlay ayaa waxaa uu imaanayaa xili Mas’uuliyiinta labadasi degmo ay sheegeen inay sugeen amaanka degmooyinka ay Maamulaan. Quote Share this post Link to post Share on other sites
Xaaji Xunjuf Posted February 10, 2011 Three Govt Soldiers Hurt in Mogadishu Grenade Attack 9 February 2011 Mogadishu — Unknown men on Wednesday night attacked Somali government forces in Mogadishu with hand grenade, injuring at least four persons, three of them were government soldiers, witnesses said. Locals told Shabelle Media Network the blast of the grenade once heard in the neighborhood of Dabakayo Madow in Dharkenley district of Mogadishu unexpectedly. The wounded people are shortly after the explosion reported to have rushed to nearby Madina Hospital in Benadir region. After the explosion, the attacked soldiers have fired every direction, but no further casualties were reported so far. Government forces in the area began search operations, thought the assailants had immediately escaped from the scene after the grenade attack. Quote Share this post Link to post Share on other sites
Xaaji Xunjuf Posted February 10, 2011 Muqdisho:-Qaraxyo xalay lagu weeraray goobo kala duwan oo Muqdisho ka mid ah. 10. februar 2011 Muqdisho(Allpuntland)-Qaraxyo kala duwan ayaa xalay lagu weerary goobo kala duwan oo ka mid ah magaalada Muqdisho iyadoona qaraxyada qasaaro ay gaarsiiyeen dad rayid ah iyo askar ka tirsan ciidanka Dowladda KMG. Qaraxyada oo dhamaanba lagu beegay fiidkii hore ee xalay ayaa midka koowaad waxa uu ka dhacay Suuqa xaafada Buulo Xuubeey ee Degmada Wadajir isla daqiiqado ka dib ayaa qarax kale waxaa uu ka dhacay Laami yaraha xaafada Buulo Xuubeey ee degmada Wadajir ee Gobolka Banaadir. Labaadan qarax oo ahaa Bam Gacmeed islamarkaana ka wada dhacay Xaafada Buulo Xuubeey ee Degmada Wadajir ayaa waxaa ku geeriyooday hal qof oo rayid ah halka in ka badan 15 qof kalana ay ku dhaawacmeen. Ka dib qaraxyadaani ayaa xaafada Buulo Xuubeey ee magaalada Muqdisho waxaa ku soo faafaay ciidamo ka tirsan dowladda KMG oo howlgalo sameeyey hasayeeshee lama sheegin cida ay u soo qabteen qaraxyada. isla xalay Fiidii ayaa qarax 3aad oo nooca gacanta laga tuuro waxaa lagu weeraray ciidamo ka tirsan Dowladda KMG oo fariisin ku leh xaafada Tabakaayo Madow ee Degmada Dharkeenleey ee Gobolka Banaadir, waxaana dhaawacyo kala duwan ay gaareen 6 qofood oo Seddex ka mid ah askar Dowladda ka tirsan yihiin . Quote Share this post Link to post Share on other sites