oba hiloowlow Posted February 9, 2011 Gogol-dhig:- Indhowayd ba guurow katagay gabay ya taariikhe Ninna ima go’doomine anaa gaabsadoo xiray e Dhowr gu’ iyo dheeraad ma tirin tix iyo geeraar e Anigaa go’aansaday inaan yare guffeeyaaye Guddoonshow se kaad soo dirtay ed Godane waydiisay Eed tiri gafuur-duubashada golaha yaa keenay Eed tiri ma gacan-dhiiglahaa culima gaaleeyay Lagu garay ujeedkiyo macnaha gogol-dhiggaagiiye Lana garay halkaad geesiyow gaar is leedahay e Eebbaa se gacalkaa u maqan goor walabeetaba e Ha gablamin guddoonshow waqaa hana galiilyoonne Waan u guuxnay maansadi innana gebi ahaanteen e Gurboodkaa inkaariyo ninkaa idil gambooley e Maxaa geesiyaal iyo ikhyaar gowrac lagu jiiday Maxaa guurti iyo Culimadii gaalo lagu sheegay Halyeeyiyo maxuu geesiyaal gabawaroo laayay Gacalleyda hooyiyo maxaa gabar la naafeeyay Gaban yari maxuu waalidkii dhalay garaafeeyay Maxaa gebi masaakiin dhib iyo urugo loo gaystay Iyagoon gasiin haysan oo guri la’aan jooga Goofaha bannaan iyo maxaa geedo lagu hooyay Guhaad iyo intaa oo dhan baa ciil ku gaammuray e Gelin baa ka haray qura inay gebi kacdoomaan e Gardarrlloole loo showray baan goorna sii jirin e Nin gaal-leef ku dilay culimo baan Guulle bixinayn e Cimrigii markaan waa go’aye Godane waa mooge. Su’aalaha gantaashaa adaa diray guddoonshow e Aan gudbiyo wixii jira anoon gees na uga weecan Sir guffaysan aan soo bandhigo golaha aan keeno Gunta iyo asraaraha ku jira gudaha aan muujo Aan galo jawaabaha illeyn Godane waa mooge Jawaabihi:- Gafuur duubataa ama harkii gegi ka heestaaba Shacabkaa gumaadkiyo mixnada gelin walbow taagan Goor ay ahaataba mar bay gudan xaqoodaase Inay garan midkii eed ka gala Godane waa mooge. Bilaash bay go’aa ugu xardheen GUULLE magacii e Dan goonniya qasdigu weeye taa inay ku gaaraan e Waa ujeed gurracan oo naflaha lagu gummaadaaye Gu’ ya xays inaan kala naqaan Godane waa mooge Gacalkii dhalaye ababiyaye gaadda ku xambaaray Goortuu koraye guur holladay garabka kii siiyay Ee gaaffabixiyee dejee guri u weegaaray Inuu magaca kiisaa gadaa wow garaad xumo e Gole sooma joogsado waqii eed ninkii gala e Gama’ waa ka xaaraan inuu seexdo gogoshiise Gablamuhu naf badan buu qatilay gaadmo iyo toose Aabbihii wuxuu uga gurtiyo kii gardaadiyayba Yaanuu dhibbanihii ku garan galabta weeyaane Ninka se gelinka maalmeed harkii guraya saantaada Oo guuraha allaylkii mugdiga garan dhawaaqaaga Inaan gaaf na laga dhuuman karin Godane waa mooge Lama galin kitaab iyo duruus dhowr gu’ oo tagay e DIIN na u ma gargaarine xaqey gebi ka tuureene Sidii ay Islaamka u gureen ama gaabsheen ba Amay ceeb u gasyteen ka badan geedaha baxay e Gefkoodaa Kufaartowga daran gaalo idilkeed e Inuu gaday Islaamkii hubaal Godane waa mooge Go’i waayayeey! ma adigaa taabtay gobo’diiba Gabannadan la hodayee xigtiyo galcalba laynaaya Oo soohdimaha wada gudbee goosta taladooda Mindhaa waa gadood qura waxay garanayaaniine Inay soo gadaal celin barri ba waa gad aan hubo e Oy isgana gowrici se taa Godane waa mooge Kitaab uma goine khaarijkani wuu ku raad gadan e Gardarro na ninkeedey hoddaa goor iyo ayaane In giraantu weegaaran tahay Godane waa mooge Xamashadu guddoonshow ka badan go’idda taageer e Diyaaradaha guuxee intaa guudkannaga meera Kuwaa gaaf wareegiyo badaha guuto waxa jooga Gayshkaa inuu hago iyana gaartay sheekadu e Inaan gun iyo hoos ba u naqaan Godane waa mooge Har kuma geeyo duulkii naftiyo gooya hanaqaa e Nika gabay halkiisey doqoni gacan ka dhowrtaaye Garaad yare ninkays gowriciye gelaya dhiiggiisa Gaaladu ba ma yeelaan waxay nimanku goosteene Inaannaan kuwaa gacal ka filan Godane waa mooge Kol haddaan guddoonkaba la siin guurtiduna dooran Gar maahayn inuu keli xudduud gaar u fuliyaaye Goosaar ha joogtee kuwaa garow na aan haysan Ee guluf colaad iyo ku jira baahi iyo gaajo Qalad iyo Gef weeyaan inay xibin ka gooyaan e Wa taan gu’gi Rammaada ba la jarin tuugga gacantiiye Inuu Cumar (RC) xadkaa gelin hakiyay Godane waa mooge Gardarroole iyo daalim iyo kii gabood fali ba Guulle wuxu u kaadshaa muddiyo maalmo gelinkoode Kolkaasuu hadhow galab qabtaa gacanta toodaa e Gefki iyo waxaa laga gudaa eed wuxuu galay e Iilkiyo godkii iyo qabriba Godane waa mooge Gu’ ninkii ka wayn aabbihii garacnimow bayrye Garaad-yare ninkaa culimadii gebi ijaafeeyay Ee gaaleeyay Sheekhyadi dhammaan joogay geyigeenna Cidluu gabayaxoodaa dhabtiye waanu garanayn e Inuu dhagaxyo toobaa geddaa Godane waa mooge Nin dhul ganay ninkii keli garrama ee gaar isula showra Ma gafaa la yiri ruux qudhii goonni faqayaa e Gaal ka carar Islaamkana qur gooy gala masaajiidda Waa ged lagu yaqiin khaarijyada maanta iyo goore Halkaan gees ka mari layn kufriga gelaya dhiigeenna Dhexdeenney guhaad iyo colaad guluf ka oogaane Nin walaalki gowracay ma lado boqontanays gooye Inuu godob ya kaydsaday xumaan Godane waa mooge Darajada gumaad laguma helo gacal idlayntii ye Wa doow aad ku gaartaba mid uu Guulle bixiyaaye Golxob saawiriyo boobe iyo gumac ku laay yaaba Gelin qura inay nabad helaan gama’ u diid yaaba Waxa uu u gaylyamahaan garan karaynaaye Inaan gobi ku laylyamin sidaa Godane waa moog Maan garan waxay galabsadeen Guullahay magan e Godka ruux la dhigay nimankankada galabta faagaaya Kitaab-Gaable iyo faaliyaa goorba saa faray e Guddoonshow haddaan owyadaa xaqa na gaarsiinnin Inuu gaal ahaan laa qudhii Godane waa mooge Galabtuu Amxaar yimid carrige gulufka soo qaaday Oo reer galbeed iyo Ibliis garabka siinaayay Golihii midowgiyo shacbigo gees u wada jeeda Mid ganiyo mid geeraar tirshiyo guunyo kuwa dhiiba Guurti hadasha gaashaandhiggoon gelinna waabaynin Waa tii ka gees iyo ka gees gayshku soo baxay e Waa tii gumaystiyo Amxaar goohay oo tagay e Wa teey gelin dharaareed harkii galab carraabeen e Waa tey ka guureen dhulkaan goonni u lahayn e Godaniyo raggiisuba ma jirin gool ay dhaliyeen e Waxay geeso yeesheen kolkii guushu noo timide Oo Guulle noo hiilliyaye guuray cadowgiiye Kolkaasey gadaal ugu baxeen gacantogaalays e Kolkaasey gafuurrada xirteen waa gurracantaase Wuxuu galo wuxuu gudo ninkani waannu garannaaye Guul-darraduna waa tii an hurin Guulle idankiiye Gardarrlloole loo showray baan goorna sii jirin e Cimrigii markaan waa go’aye Godane waa mooge Quote Share this post Link to post Share on other sites