Sign in to follow this  
oba hiloowlow

Madaxweyne Shariif “Ciidamadda dowladda waxaa waajib ku ah in Al Qaacida ay dalka ka sifeeyaan”

Recommended Posts

Madaxweynaha dowladda kmg ee Soomaaliya Shariif Sheekh Axmed oo ay dowladiisu noqon sidii loo-fishay ayaa wuxuu maanta baaq culus uu u jeediyay ciidamadda dowladda kmg ee Soomaaliya.

 

Madaxweyne Shariif oo maanta booqasho ku tagay xaruunta nabad sugida ee dowladda Somaliya ayaa wuxuu halkaasi uu kula kulmay ciidamo fara-badan oo ay leedahay dowladda Somaliya, iyadoo ay ciidamadaasi kamid yihiin, kuwo dhawaan tababaro kala duwan loogu soo gaba-gabeeyay dalka gudahiisa iyo dibadiisuba.

 

Wuxuu sheegay in ciidamadda dowladda Soomaaliya looga baahan yahay in’ay wax ka qabtaan xaaladda cakiran ee uu ku sugan yahay dalka Soomaaliya, wuxuuna uu qeexay dhibaatada heysata dalka Soomaaliya.

 

Sidoo kale wuxuu sheegay in dhibaatada baahsan ee ka jirta dalka Soomaaliya ay sabab u tahay Xarakada Al Shabaab oo garab ka heleysa buu yiri kooxda tunka weyn ee Al Qaacida. Waxaana lagama maarmaan ah buu yiri in dalka laga sifeeyo kooxda Al Qaacida.

 

“Ciidamadda dowladda waxaa waajib ku ah in Al Qaacida ay dalka ka sifeeyaan, maxaa yeelay dhibaato xoogan ayaa waxay ka wadaa dalka Soomaaliya, waxaana marka ciidamadda dowladda looga baahan yahay, in’ay dalka ka sifeeyaan Xarakada Al Shabaab oo garab ka heleysa Al Qaacida” ayuu yiiri Madaxweynaha dowladda kmg ee Soomaaliya Shariif Sheekh Axmed.

 

Madaxweynaha ayaa wuxuu hadalkiisa uu kusoo gaba-gabeeyay in lagama maarmaan ay tahay in Xarakada Al Shabaab laga sifeeyo caasimadda dalka Soomaaliya ee Muqdisho, oo hooy u noqotay dagaalo aan dhamaad laheyn.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this