A_Khadar Posted February 9, 2011 Berbera(Jidbaale):- Warar lagu kalsoonyahay oo naga soo gaadhaya magaalada Berbera ayaa xaqiijinay in sarkaalkii ugu sareeyey ee ciidamada dagaalka ka riday degaanka Kalshaale ee maamulka Somaliland maalintii shalay ahayd lagu aasay magaaladaa oo uu asal ahaan uga soo jeeday. Sarkaalkan oo dadka badankiisu u yaqaaneen Il-Bir horeyna fadhiigiisu in mudo ah uu ahaa magaalada Maygaagle ayaa wararku sheegayaan u uu ninkaasi u dhintay dhaawac ka soo gaadhay dagaalii Kalshaale ee maalintii doraad ka dhacay degaankaa. Sarkaalkaa ayaa hogaamin jiray guuto ciidamo ah oo laga soo xawawariyey galbeedka gobolka woqooyigalbeed loona yaqaaney guutada 17naad, in mudo ahna iminka ku sugnayd degaanada gobolada Sool, Sanaag iyo Cayn dhibaabo badana hore uga geystay goboladan. Waxaa kale oo wararku intaa raacinayaan in guutadii uu ninkaasi hogaamin jiray laga dhigay wax dhintay iyo wax dhaawac ah oo lagu daaweynayo magaalooyinka Burco iyo Hargeysa. Ninka labaad eek u soo xigay ciidamadii maamulkaa ee ku sugnaa gobolka Cayn oo isna lagu magacaabi jirey Fanax ayaa isna la xaqiijinayaa in uu dhaawac aad u culusi ka soo gaadhay dagaalkii Kalshaale oo isna ku suganyahay dhakhtar ku yaala magaalada Burco. Labadan sarkaal iyo ciidamadii ay hogaaminayeenba sida wararku xaqiijinayaan waxaa dagaalkii Kalshaale kaga dhacay haantaa hadhuubla ku noqday lama filanwaa aanay hore uga baran gobolada Sool, Sanaag iyo Cayn. Wararkii ugu danbeeyey ee khasaarahii ka soo gaadhay maamulka Somaliland dagaalkii Kalshaale ayaa hada sida la xaqiijinayo ku sii dhawaanaya dhimasho ahaan 75 askari halka dhaawacu ku sii siqayo in kabadan boqol askari. Quote Share this post Link to post Share on other sites