Sign in to follow this  
Somalina

Xukun Lagu Riday Askar Madaxtooyada Puntland Ka Tirsan

Recommended Posts

Somalina   

Garowe (RBC Radio) : - Waxaa xukun xarig iyo lacag ganaax ah lagu riday Askar ka tirsan ilaalada Madaxtooyada Dowladda Puntland, kuwaasi oo lagu qabtey isticmaalka maandooriyaha Khamriga.

 

Maxkamada Rafcaanka Gobolka Nugaal ayaa xukun ku riday saddex askari oo ka tirsan ilaalada Madaxtooyada dowladda Puntland, askartaasi oo xilliga la soo qabtey ku guda jiray isticmaalka khamriga.

 

Kadib markii ay Maxkamadu dhegaysatay eedeymaha iyo cadeymaha lagu hayo askartani saddexda gaareysa, waxaa ay maxkamadu ku riday xukun lix bilood ah iyo min saddex boqol oo doolar ah saddexda askari.

 

Dhinaca kale waxaa maxkamadu xukun sanad ah iyo lacago ganaax ah ku riday askar ka tirsan ciidanka PIS-ta kuwaasi oo lagu qabtey maandooriyaha khamriga oo gaari ay ku siteen.

Waa markii ugu horeysay ee maxkamad la soo taago askar ka tirsan Madaxtooyada dowladda Puntland kuwaasi oo lagu qabtey maandooriyaha khamriga oo ay isticmaalayeen.

 

RBC Radio.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Somalina   

Jaadkii waa laga gudbey iminka.

---------

 

Taliye Cilmi-Kabaal oo ka hadlay Baabuur Boolisku leeyahay oo Khamri lagu qabtay

 

Cilmi-Kabaal-TBSL.jpg

Hargeysa (Heeganews)- Taliyaha Booliska Somaliland Cilmi Rooble Furreh, ayaa ka hadlay baabuur uu Boolisku leeyahay oo lagu qabtay Khamri uu ka soo qaaday magaalada Wajaale.

 

Taliyaha oo xalay u waramay Wargeyska Ogaal, waxa uu sheegay inuu maxkamad horgayn doono askari dirawal ka ahaa baabuurkaas Maandooriyaha lagu soo qaaday. “Gaadhigaasi wuu jiraa, direwalkii ayaa geerashka isagoo yaala la baxsaday, Khamri baa lagu doontay, markaa Booliskii kantaroolka Wajaale ayaa qabtay, macaa askarigii, Maxkamadaanan geynaynaa,” ayuu yidhi taliyuhu. “Waa run haddii joornaalada lagu soo qoray, geerashkii markii shaqada laga rawaxay gee la yidhi ayuu la baxsaday, isaga iyo dadkii la socdayna waa la qabtay,” ayuu raaciyay.

 

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Somalina   

MAAMULKA DEGMADA HOBYO OO GUBAY KHAMRI

 

February 8, 2011

 

Ciidamada Boliiska Degmada Hobyo ee Gobolka Mudug ayaa meel fagaare ah ku gubay ilaa Kun iyo Shan boqol oo dhalooyinka Qamri ay ku jireen kuwaasi oo kagu iibin rabay Gudaha Degmadaasi Hobyo.

 

Qamrigaan shalay gelinkii dambe ay gubeen Taliska Boliiska Degmada Hobyo ayaa lagu soo qabtay Howlgalo ciidamada Boliiska shalay ay ka sameeyeen wadooyinka soo gala degmaasi Hobyo.|

 

Taliyaha ciidamada boolsika ee degmada Hobyo C/wali Xasan Xirsi oo la hadlay boqolaal dadweynaha oo u soo daawasho tagay qamriga gubistiisa ayaa sheegay in wali ay socdaan baaritaanada lagu daba jaro qabriga la soo geliyo Degmaasi Hobyo.

 

Sidoo kale Taliyaha ayaa ugu baaqay dadka ka ganacsatad iyo kuwa caba in ay ka dheeraadaan qamri ee uu ku sheegay in uu yahay mid xaaraan ah, waxa uuna sheegay in cidii lagu soo qabtaaa sharciga la horkeeni doono.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Somalina   

Maamul Goboleedka Puntland oo howlgallo lagu sugayo ammaanka ka billaabay waqooyiga degmada Gaalkacyo

Isniin, Feberaayo 28, 2011 (HOL) – Maamul goboleedka Puntland ayaa ka billlaabay waqooyiga degmada Gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudug howlgallo lagu sugayo ammaanka, iyagoo ciidamada Puntland ay saakay weerar ku qaadeen xero dayax oo lagu iibiyo qamriga kuna taalla waqooyiga Gaalkacyo.

 

Ciidamada Puntland ayaa waxay dagaal la galeen koox hubeysan oo isku-dayay inay difaacaan goobta lagu iibiyo qamriga laguna farsameeyo, waxaana dagaalkaas ku dhaawacmay afar qof oo shacab ah, iyadoo ciidamada Puntland ay u suurogashay inay la wareegaan goobta.

 

Madaxa howlgalka G/sare Muuse Axmed C/raxmaan (Muuse Xasaasi) oo saxaafadda la hadlay howlgalkooda kaddib ayaa sheegay in howlgalku uu yahay mid billow u noqonaya howlgallo lagu sugayo ammaanka waqooyiga Gaalkacyo.

 

"Howlgalkan oo ay ka qaybqaateen ciidamada daraawiishta, booliiska iyo kuwa dowlada hoose ee Gaalkacyo, waxay dagaal adag kula galeen koox hubeysan oo isku dayay inay mukhaadaraadka difaacaan wayna ka adkaadeen, waxaana ka xunahay inay dad rayid ah ku dhaawacmaan," ayuu yiri G/sare Muuse Xasaasi.

 

Sarkaalkan wuxuu sheegay in ciidamadoodu ay aad u taxadareen si ay khasaaraha dadka rayidka ah u yareeyaan, isagoo xusay inay ciidammo gaarka ah u dhaceen xero dayax ayna gacanta ku dhigeen dhamaan kooxihii dagaalka la galay.

 

G/sare Muuse Xasaasi ayaa uga digay shacabka inay digtoonaadaan inta uu socdo howlgalka, iyadoo ciidamadii saakay galay xero dayax ay burburiyeen goobihii lagu iibin jiray qamriga, waxaana intii uu howlgalku socday xirmay wadooyinka soo gala goobtaas iyo kuwa ku dhow.

 

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online

maxuseen@hiiraan.com

Muqdisho, Soomaaliya

 

--------

Good job.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this