A_Khadar Posted February 9, 2011 London,(BBC)- Dalka Britain waxaa maalmahan ka socday shir lagaga hadlayo arrimaha siyaasadda ee Soomaaliya, waxaana ka qayb gelaya dowlada ku-meel gaarka Soomaaliya, maamul-goboleedka Puntland iyo Somaliland. Waxaa shirkan qaban-qaabisay wasaaradda arrimaha dibadda iyo common wealth-ka ee Britain, waxaana uu ka socdaa xarun ku taalla meel u dhow magaalada Brighton ee Ingiriiska.Mohamed AbdillahiWaa markii ugu horreysay ee Somaliland ka soo qayb gasho shir noocaan oo kale ah oo lagaga hadlayo arrimaha siyaasadda ee dalka Soomaaliya tan markii ay gooni isu-taagga ku dhawaaqeen sanadkii 1991-kii, hase ahaatee wasiirka arrimaha dibadda ee Somaliland, Maxamed Cabdillaahi Cumar, waxaa uu BBCda u sheegay inaan waxba iska beddelin mowifka dowladdiisa ee ka bixidda midnimada Soomaaliya.Waxaa kaloo shirkan ka qayb gelaya dowladaha, ururrada caalamiga ah iyo kuwa goboleed ee daneeya arrimaha Soomaaliya, waxaana diiradda la saarayaa waxa ka dambeyn doona marka uu dhammaado xilliga dowaldda ku-meel gaarka ah bisha August ee sanadkan. Source: BBC Quote Share this post Link to post Share on other sites
oba hiloowlow Posted February 9, 2011 Good news malaha in waligood la aqoonsan doonin ayeey fahmeen Quote Share this post Link to post Share on other sites
Xaaji Xunjuf Posted February 9, 2011 oba hiloowlow;693944 wrote: Good news malaha in waligood la aqoonsan doonin ayeey fahmeen maya waxay fahmeen hadanay fikirkooda beesha calaamka u dhibin siday somalia nabad u noqon Somalia waligeed nabad iyo xasiloono yeelan meyso:D Quote Share this post Link to post Share on other sites
A_Khadar Posted February 9, 2011 Xaaji Xunjuf;693949 wrote: maya waxay fahmeen hadanay fikirkooda beesha calaamka u dhibin siday somalia nabad u noqon Somalia waligeed nabad iyo xasiloono yeelan meyso:D ;);) You are right XX. Quote Share this post Link to post Share on other sites