Sign in to follow this  
Somalina

Guddoomiyihii degmada Gal-Gala oo Boosaaso lagu dilay

Recommended Posts

Somalina   

Arbaco, 09 Feberaayo, 2011 (HOL) – Kooxo dablay hubaysan ah ayaa maanta bartamaha Bosaaso ku toogtay gudoomiyahii degmada Gal-Gala Cali Maxamed Gurxan meel ku dhow Hotel Nakhiil,isaga oo aysan cidna wehlin.

 

"Dilka dadkii fuliyay waxa ay ahaayeen dablay hubaysan markii dilka uu dhacayna waxa ay ku dhax carareen xaafada ay falka ka gaysteen "ayuu yiri Maxamed oo ku sugnaa meel u dhow goobta uu dilka ka dhacay.

 

Ciidamo ka tirsan kuwa degmada ayaa soo gaaray goobta ,waxaana ay halkaa ka samayeen howlgalo la sheegay in ay dhowr qof ku kaxaysteen,kuwaasi oo lala xiriirinayo arintii meesha ka dhacday. Gudoomiyaha gobolka Bari Sheekh C/xaafid Cali Yuusuf ayaa warbaahinta u xaqiijiyay dilka masuulka lagu dhex toogtay Bosaaso,isagoo sheegay inay socdaan baaritaano lagu daba joogo dilkaasi.

 

Marxuumka la dilay ayaa maydkiisa loo soo qaaday cisbitalka Bosaaso ,waxaana ilaa iyo hada aan la ogayn cida sida rasmiga ah uga danbaysa falka lagu toogtay gudoomiyahaasi. Qaar ka mid ah dhakhaatiirta cisbitalka ayaa warbaahinta u sheegay in marxuumka xabadaha looga dhuftay meelo halis ah ,taasi oo sababtay in uu u geeriyoodo.

 

Amniga magaalada Bosaaso ayaa ahaa maalmihii ugu danbaysay mid soo xumaanayay ,waxaana dilkii kan ka horeeyay loo gaystay sarkaal la sheegay in uu ka tirsanaan jiray ciidamadii Gal-Gala ka soo dagaallamay ee puntland ka soo horjeeday.

 

Faisel Maxamed Hassan, Hiiraan Online

Boston@hiiraan.com

Boosaaso, Soomaaliya

 

----------

AUN.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this