Sign in to follow this  
Jacaylbaro

Somalialnd Political Parties on Kalshaale Buuhoodle Issue

Recommended Posts

Shir ay maanta yeesheen seddexda Xisbi Qaran oo lagu qabtay Xarunta Xisbiga Kulmiye kuna saabsanaa shaqaaqa ka aloosan deegaanka Buuhoodle waxay kasoo saareen baaq isugu jira taageero, cambaareyn iyo talo-bixin.

 

1. in jiritaanka Somaliland uu yahay muqadas lama taabtaana sidii ay isla qaateen dhammaan beelaha Somaliland wada dega shirkii Burco ka dhacay bishii May 1991, xuduudeeheeduna yahay kuwii laga dhaxlay Iticmaarka

 

2. Somaliland waxay ku caan baxday nabbada, xassiloonida iyo wada tashiga iyo isu tanaasul muddadii 20 sanno aheyd ee ay gooni isu taageeda lasoo noqotay.

 

3. waxaanu ummadda Somaliland iyo beesha caalamkaba u sheegayna in shaqaaqada halkaasi ka taagan ee la doonayo in lagu wiiqo midnimada, wadajirka iyo gooni isu taaga Somaliland ay ka dambeeyaan soona maleegeen ururo nabadiid ah, Somaliland diid ah, salkana ku haya oo xidhiidh toosa la leh argagixisada caalamiga.

 

4. waxaanu caddeynaynaa in shacabiweynaha Somaliland ee deegaankasi aanay wax lug ah ku laheyn shaqaaqadaasi, una baahan yihiin in laga dhex saaro dadka fadqalada kula dhexjira, una baahan yihiin in si wadajir ah looga dhexsaaro kooxahaasi dabada ku haya aragagixisada.

 

5. seddexda Xisbi Qaran waxay taageero buuxda ku siinayaan mawqifka xukuumada ee difaaca Qaranka iyo sugiddda xuduudheeda.

 

6. seddexda Xisbi Qaran waxay cambaareynayaan weerarka qaawan ee lagu soo qaaday ciidamada Qaranka Somaliland

 

7. waxaa kaloo seddexda Xisbi Qaran cambaareynayaan faragelinta qaawan ee maamulka Garowe ku hayo nabbada iyo xasiloonida Somaliland iyagoo taageero siinaya kooxaha argagixisada iyo nabad diidka ee ka hawlgala deegaandaas.

 

8. Somaliand waxay kasoo horjeedaa cid kasta oo fadqalalo ka abuuraysa gayiga Somaliland iyo Geeskaba, waxayna soo dhoweynaysaa cid kasta oo taageero ka geysanaysa nabad ku-wada noolaanshaha iyo hormarka mandaqada.

 

9. seddexda Xisbi Qaran waxay ugu baaqayaan shacabweynaha Somaliland inay ilaashadaan wadajirkooda, midnimadooda iyo difaaca qarankooda, waajibna ku tahay u hurida naf iyo maalba.

 

 

 

Allah Mahad Leh,

 

 

 

 

 

Axmad Yuusuf Yaasiin - UDUB

 

Aadan Mire Waqaf - UCID

 

C/xmaan C/kadir - KULMIYE

Share this post


Link to post
Share on other sites

4. waxaanu caddeynaynaa in shacabiweynaha Somaliland ee deegaankasi aanay wax lug ah ku laheyn shaqaaqadaasi, una baahan yihiin in laga dhex saaro dadka fadqalada kula dhexjira, una baahan yihiin in si wadajir ah looga dhexsaaro kooxahaasi dabada ku haya aragagixisada.

 

:D:D:D

Share this post


Link to post
Share on other sites
A_Khadar   

Joke and entertainment!!

I thought NGONGE was a bit realistic rather hallucinated with this project. Suffocating with love? It is too late now, after mass killing and s/l militia lost, all I see now is a new tone of song called love and peace from the triagle... How long was these people begged your militia to leave them alone.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Samafal   

Xuduud baan soo xiraynaa ma calaacal kaan bay keentay? Meeqaa la, diin sheegayey wax aad walaalow ku waydeen ku helimaysaan gacan ka hadal

 

Siilaanyo nin ka siyaasad xun uma dhalan Somaliland, qabyaalad heer u ka gaaray wuu qarsan waayay ilaa uu ciidamadii maamulka uu aqoonsiga uraadinayo lasafay jufadiisa hoose...lol

 

Saxiibayaal, runta aan isku sheegno hal qolo ma maquunin karto mana samaynkarto dowlad madax banaan ee aloow yaa idin dhaha Soomlidiina dhinac ka raaca...

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this