Sign in to follow this  
Jacaylbaro

Somaliland: Parliament Votes for the National Demobilization Commission (NDC) Law

Recommended Posts

Hargaysa (HWN):-Mudanayaasha Golaha wakiillada Somaliland ayaa maanta cod aqlabiyad ah ku ansixiyey Xeerka Abaabul ka saarka Qaranka ee NDC, kaasoo ah Sharciyada lagu Maamuli doono Hay´addan NDC.

 

Fadhigan lagu ansixiyey Xeerka Abaabul ka saarka qaranka ee NDC waxa ogolaaday 37 Mudane oo ka mid ah 82 Xubnood ee Golahaasi ka kooban yahay, waxaanu Xeerkaasi noqon doonaa Sharciga lagu dhaqayo Hay’addaas abaabul ka saarka qaranka. Waxaana fadhigan maanta Shirguddoominaayey Guddoomiye ku xigeenka koowaad Md Cabdicasiis Maxamed Samaale.

 

Mudanayaasha Golaha wakiillada Somaliland waxa ay Xeerkan ku ansixiyeen duuduub, iyadoo ay Xeerkaas ogolaadeen Mudanayaal tiradoodu dhan tahay 37 Mudane, 4 Mudane-na way ka aamuseen Guddoomiyuhuna muu coddayn, sidaas ayaanu ku Ansaxay Xeerka abaabul ka saarka Qaranka ee NDC.

 

Guddoomiye ku xigeenka koowaad ee Golaha wakiillada Somaliland Md Cabdicasiis Maxamed Samaalle oo fadhigaas Guddoominaayey ayaa Mudanayaasha ku war-geliyey inay wakhtiga dhawraan, isla markaana ay dardargeliyaan hawlahooda shaqo.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this