Sign in to follow this  
Fiqikhayre

Kalshaale wounded arrive in Gaalkacyo two of the injured die on the way to the capital of Mudug

Recommended Posts

Dad Ku Soo Dhaawacmey Dagaalkii Kalshaale Oo Gaalkacyo La Keenay

 

Gaalkacyo (RBC Radio):- Meydka laba ruux iyo dhaawaca 19 kale ayaa la keenay Isbitaalka Magaalada Gaalkacyo ee gobolka Mudug, waxaana dadkani ay ahaayeen kuwa waxyeelo ay ka soo gaartey dagaal shalay ka dhacay deegaanka Kalshaale ee Gobolka Ceyn, kaasi oo u dhaxeeyay Ciidamada Soomaaliland iyo Maleeshiyo deegaanka ah.

 

Agaasimaha Guud ee Isbitaalka Gaalkacyo Dr, C/raxmaan Maxamed Jaamac ayaa RBC Radio u xaqiijiyey in dhaawac gaaraya 19 la keenay isbitaalka, dhaawacaasi oo laga keenay magaalada Buuhoodle ee xarunta gobolka Ceyn, isla markaana lasoo mariyey dhulka howdka ah.

 

Waxaa Agaasimuhu intaa raaciyey in dhaawaca tiro ahaan uu gaarayey 21 ruux, hase ahaatee intii ay jidka soo socdeen in ay geeriyoodeen laba ruux oo dhaawac aad u culus ahaa, waxaa uuna intaa ku daray in dhaawacani intooda badan xaaladoodu wanaagsan tahay.

 

Dhaawacyada la keenay ayaa isugu jira noocyo badan, kuwa lafaha ayaa burbursan, kuwa kale uur ku jirta ayay dhaawac ka qabaan, kuwana madaxa iyo meelo kale oo lugaha ay ka mid yihiin, waxaana durbadiiba gargaar caafimaad oo deg deg ah ku sameeyay dhakhaatiirta gobolka oo ay ka mid yihiin Dr, Bashiir Cali Biixi, Dr, Timir iyo dhaqaatiir kale, waxaana qaar ka mid ah dhaawacyadaasi oo aad u cuslaa lagu sameeyay qaliimo fudud iyo kuwa culus.

 

Amaanka isbitaalka gobolka Mudug ayaa aad loo adkeeyay waxaana wadada hore ee Isbitaalka lagu soo daadiyey ciidamo ka tirsan Booliska iyo Daraawiishta waxaana loo diiday in dadweynuhu gudaha u galaan isbitaalka oo ay arkaan dhaawaca, inkastoo mas’uuliyiinta degmada Gaalkacyo iyo kuwa Maamulka Gobolka Mudug ay Isbitaalka ku booqdeen dhaawaca.

 

RBC Radio.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Dhawaacii Dagaaladii Kalshaale oo Galkacyo la keenay.

 

08. February 2011

 

19 Dhaawac ah iyo 2 Dhimasha ah oo Gaalkacyo lag Soo gaasiiyay Deegaanka KalShaale. Magaalada Gaalkacyo ee Xarunta Gobalka Mudug Waxaa Maanta la Soo gaarsiiyay 19 Qof oo ka Mid ah dhaawacyadii Dagaalka Kalshaale ee Gobalka Cayn ee u Dhaxeeyay Ciidamada Soomaliland iyo Bulshada Gobalkaasi oo is abaabushay.

 

Dadkan Waxaa Sidoo kale ka mid ah 2 nin oo Dhexda ku soo dhimatay kadib Markii dhaawac ahaan looga soo qaaday Deegaanka Kalshaale eeDagaalada Xoogan ay ka dhacayaan.

 

Dadkan Dhaawaca ah ayaa Waxaa Xilligan lagu Dabiibayaa Cisbitaalka Guud ee Gobalka Mudug Waxaana Dhaqaatiirtu ay aad ugu Mashquulsantahay La Tacaalida Dhaawacyada 19-kaasi Qof Si ay u badbaadiyaan, Waxaana Sidoo kale Jira Gurmadyo kala Duwan oo Dadkan ay u Muujiyeen Bulshada Qaybaheeda kala Duwan ee Magaalada Gaalkacyo Waxaana Jira Dadaalo ay Waxgaradku Hormuud ka Yihiin oo Dadkaasi Lagu caawinayo Dhinacyo badan.

 

Inkastoo Maamulka iyo Dhaqaatiirta Caafimaadka ayaa aad u Mushquulsan. Arrintan iyo la Tacaalida Dadkan Dhaawacyada ah ayaa Hadana. Waxaanu goor dhawayd Xiriir la maysanay Agaasimaha guud ee Cibitaalka Gobalka Mudug C/raxmaan Maxamed oo loo yaqaano Xumbul Xaambul wuxuuna Sheegay Xaalada Cafimaad ee Dadkan in ay tahay Mid aad u Wanagsan islamarkaan loo Fuliyay Gargaaradii caafimaad ee ay U baahnaayeen Wuxuuna Tilmaamay in ay Jiraan Dad Qaliino kala Duwan ay ku sameeyeen Dhaqaatiirta gobalka Mudug, inkastoo uu sheegay Dhawacyada Dadkan in ay u badnaayeen Jajab iyo Waxyaabo la Mid ah.

 

Sidoo Kale Waxaa Banaanka Kore ee Cisbitaalka aad u Soo buuxdhaafiyay Ilaa Saaka Qaybaha Bulshada Magaaladan oo Qaarkood la Ehel ah Dhaawacyada Dadkan la keenay iyo Qaar kale oo Iyaguna ka Mid Bulshada Gobalkan Mudug ee Arrintan aadka uga Damqatay.

 

Dhinaca Kale Wararkii ugu Dambeeyay ee Deegaanka kalshaale waxay tilmaamayaan maanta in uusan wax Dagaal ah dhicin lakin ay Muuqdaan Saansaan Dagaal kale Hurin Karta. Waxaana Jira Abaabulo kala Duwan oo Labada Dhinac ay Wadan.

 

AllIdamale.com

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this