Sign in to follow this  
Fiqikhayre

Ahmed Karaash fights at Lasanod checkpoint entrance of the City gives Interview to Puntlandpost

Recommended Posts

Last night an embolded Ahmed Karash moved his vast arsenal and Technicals from Tukaraq to the direction of the city of Laasaanood. He gave an important Interview to Puntlandpost before he headed out. He hoped and expressed the wish that he would capture the capital city of Sool , Lasnaod shortly and a few hours thereafter. He asked for assistance from the Puntland populace as he wanted to return the city of Laasaanood into Puntland hands again as he said in his own words that he wasn't against the existence of Puntland State.

 

He furthermore said that all the people of Puntland were saddened by the gross human rights violation taking place in Laasaanood committed by the Somaliland forces.

 

We wish him well.

 

Guuleysta, idin alle.

Share this post


Link to post
Share on other sites

War Dag Dag ah Dagaalkasocda Buundada Booda ee Bariga Magaalada Laascaanood.

 

Xiligan oo galab ah ayaa waxa dagaalk aad uculus uu kasocda bariga Magaalada laascaanood kaasoo udhaxeeya Ciidamo uu hogaaminayo Axmed karaash iyo ciidamada maamulka snm dagaalkan ayaa waxa uu kasocda inata udhaxaysa Buundad Booda iyo Garoonka Diyaada

 

Dagaalkaas oo aan weli khasaarihiisa la soo sheegin ayaa ciidamada Xoogaga Xaq udirirka dhulbahane ay ku dhufteen Ciidamada SMNta degaankaas Kusugan

 

Waxa lagu arkayaa gudaha magaalada laascanood ciidamada maamulka SNM oo gurmad koodu u sii qulqulayaan Halka dagaalkaasi kasocdo oo ujirta maagaalada 6km oo kiga beegan dhanka bari

 

Dagaalkan ayaa Sababay kadib markii ciidamo katirsana maleshiyaadka SNM ee kusuga agaga magaalada laascaanood loodaad gureeyay Dagaal saaka manta kadhacay Degaanka kalshaale ee gobolka cayn

 

Cadnaan Saalax M Cartan

Share this post


Link to post
Share on other sites

Deg Deg Ah: Dagaal Ka Dhacay Duleedka Magaalada Laascaanood

 

Laascaanood (RBC Radio):- Dagaal ayaa ka dhacay deegaanka Gambarre ee duleedka magaalada Laascaanood ee Gobolka Sool, Dagaalkaasi oo u dhaxeeya ciidamada Soomaaliland iyo Ciidamo uu horkacayo Wasiirkii hore ee Duulista Hawada iyo Garoomada Puntland Mudane Axmed Cilmi Cismaan (Karaash).

 

Dagaalka oo aan la shaacin ilaa iyo iminka khasaaraha uu geystay ayaa waxaa wararka la isla dhexmarayo ay sheegayaan in labada dhinac uu soo gaarey khasaare dhimasho iyo dhaawac leh.

 

Wararka laga helayo aaga dagaalka ayaa ku soo waramaya in weerarka ay markii hore qaadeen ciidamo ka amar qaata Axmed Karaash kuwaasi oo wata gaadiid dagaal iyo hub farabadan, waxayna dagaalka kadib la wareegeen fariisin ciidan oo ay Soomaaliland ciidankeedu ku lahaayeen deegaanka Gambarre.

 

Axmed Karaash iyo Ciidamada uu horkacayo ayaa la sheegayaa in ay ku sii siqayaan degmada Laascaanood oo ay u jiraan in ka yar 15 Km, waxaana wararku intaa ku darayaan in ciidamo tiro badan oo Soomaaliland ah ay ku soo qulqulayaan aaga dagaalka si ay isaga caabiyaan ciidamada uu wato Axmed Karaash.

 

Dagaalkani ayaa ku soo beegmaya xilli maanta dagaal kan la mid ah uu ka qarxay deegaanka Kalshaale ee duleedka magaalada Buuhoodle halkaasi oo ay ku dagaalameen ciidanka Soomaaliland iyo Maleeshiyaadka deegaanka.

 

RBC Radio.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Tukaraq: Ciidamo uu horkacayo Axmed Karaash oo dhaqdhaqaaq kawada deegaano kamid ah Sool.

 

7. februar 2011

 

APL

 

Tukaraq: (Allpuntland)-Wararka lagahelayo Deegaanka Gambara ee gobolka Sool ayaa kusoo waramaya in halkaas saacadihii lasoo dhaafay ay dhaqdhaqaaqyo ciidan kawadaan ciidamo daacad u ah Wasiirkii hore ee Duulista Hawada Puntland Axmed Cilmi Cismaan (Karaash) oo mudooyinkii lasoo dhaafay kusugnaa deegaanka Tukaraq ee gobolkaas,waxaana ay wararku intaas kudarayaan ciidankan oo wata gaadiid dagaalo oo badani ay weerar ku yihiin dhanka magaalada Laascaanood.

 

Wararku waxay intaad kudarayaan in ay deegaanada u dhexeeya Gambara & Tukaraq ay kajiraan Xamaasad dagaal islamarkaasna ay jiraan qaarkamid ah shacabka halkaas kusugan,waxaana ay wararku sidoo kale sheegayaan in ciidankan daacada u ah Axmed Karaash ay deegaanadaas gaareen kadib wadatashiyo uu mudooyinii lasoo dhaafay kawaday deegaanka Tukaraq oo ah halka ugu danbaysa ee ay joogaan ciidamada Somaliland.

 

Axmed Cilmi Cismaan (Karaash) oo qaarkamid ah Warbaahinta la hadlay ayaa sheegey in uu dhaqdhaqaaqaan ugala jeedo difaaca gobolka Sool oo uu sheegey in ay tahay sababta ugu muhiimsan ee uu dalka dibadiisa ugu yimid,waxaana uu sidoo kale sheegey inuu diyaar u yahay qabsashada magaalada Laascaanood oo uu sheegey in imika ay tahay waqtigii ugu muhiimsanaa ee la weerari lahaa islamarkaasna gacanta dadka deegaanka lagu celin lahaa.

 

Cabdiqani Xayir

Allpuntland

Share this post


Link to post
Share on other sites

Axmed Karaash oo Dhaq-dhaqaaq Ciidan Kawada Degmada Tukaraq ee Gobolka Sool.

 

Wasiirki hore ee Wasaaradda Duulista Hawada iyo Garoomada Dawladda Puntland Axmed Cilmi Cismaan (Karaash) ee dhawaan xilka laga qaadey ayaa maalmahaan ku sugnaa inta u dhaxeysa degmada Tukaraq iyo Ganbara ee gobolka Sool halkaas oo ay la joogaan Ciidamo taabacsan isaga.

 

Axmed Karaash oo ay maanta Saxaafada ku booqatay halkaas kula kulantayna geed hoostiis ayaa sheegay in uu halkaas u jooga howshii uu dalka uu yimid una ku faraxsanyahay joogitaanka goobtaasi.

 

Wasiirki hore ee Wasaaradda Duulista Hawada oo ay Saxaafadu weydiisay Su’aal siweyn la isku weydiinayay oo ahayd inuu halkaas u tegay waxyaabo ka dhan ah Dawladda Puntland ayaa sheegay in uu halkaas u joogin wax Puntland tafaraaruq u keenaya isla markaana ku kacaynin wax aysan ku mideysneen dadka reer Sool,Sanaag iyo Ceyn oo u sheegay in ay kamid yihin Shacabka Puntland.

 

Wuxuu intaas ku daray in madaxda Puntland ay yihin madaxdiisi isla markaana doonaynin inuu ku dhaqaaqo wax kala fogeynaaya iyaga iyo Bulshada ay madax u yihin.

 

Axmed Karaash iyo Ciidanka uu wato ayaa tan iyo markii laga qaaday xilkiisa dhaq dhaqaaq Ciidan kawaday Tukaraq iyo Ganbaro kaasoo ku doonayaan in ay soo celiyaan dhulka maqan oo ay haysato maamulka Somaliland.

 

Maxamed Siciid Yuusuf

Wakiilka Horseed Media

Garoowe,Puntlan

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this