Sign in to follow this  
Jacaylbaro

Somaliland Not Ready for Dialogue Cooperation with Somalia - Foreign Minister

Recommended Posts

“We would like to sit down with Somalia when there is a legitimate, accountable and responsible government to talk about how we plan to live side by side as two independent states that cooperate on a range of areas of mutual interest. Until such time, there are no plans for talks, but we encourage them to make peace”.

 

READ MORE: http://www.ezega.com/News/NewsDetails.aspx?Page=heads&NewsID=2762

Share this post


Link to post
Share on other sites
Somalina   

Maxaa la idinla hadlaa oo aad haysaan? dal kulahaa... i'm rooting for you in la idinku aqoonsado cantarabarashkiina iyo sedexdiina gobol...

Share this post


Link to post
Share on other sites

Waxa Ka Soo Qayb-galaya Dawladda Somaliya Ee TFG-da Oo Aniga Iyo Wasiir kale Metelayno Iyo Dhinacyada Kale Ee Gobolada Ka Tirsan Somaliya Ee Somaliland Iyo Puntland Wasiirka Khaarjiga Somaliya Oo Ka Hadlaya Shirka London DHAGYSO Wasiirku waxa uu taabtay arrinta muranku ka aloosmay ee mucaaradka iyo muxaafadka Somaliland ay madaxa iskula jiraan, waxaana waraysi la yeeshay Wariye C/salaam-herari oo ka tirsan VOA-Somali DHAGAYSI WACAN

 

http://www.hadhwanaagnews.com/

Share this post


Link to post
Share on other sites

"Shirkaa Uu Tagay Wasiirka Khaarajiga Somaliland Ee Uu Yidhi Talaa Nala Waydiinayaa Hadduu Kasoo Qayb-Galo Wasiiru-khaarijiga Somaliya Khiyaano Qaranbaanu U Aragnaa..." Eng Faysal Cali Waraabe DHAGAYSO Guddoomiye Faysal oo ka hadlaaya xafladdii xuska Marxuum Timacade ayuu eedayn iyo talooyinba u soo jeediyey xukuumadda Siilaanyo, Waxa kaloo uu soo qaaday xarriyatulqawlka iyo xadhiga Suldaan Raabi Iyo Suxufiyiintaba DHAGAYSO

 

http://www.hadhwanaagnews.com/

 

 

Who dare piss Musa Sudi?:D

Share this post


Link to post
Share on other sites
Somalina   

Soomaliland oo ku hafatay siyaasadii arimaha dibada

 

Written by Jawhar Qalinle

Feb 07, 2011 at 06:09 PM

Qarannews.com

 

Aan dib idiinku celiyo warbixintii inoo socotay yaanan sidii gaaraa-bildhaanka marba meel ka iftiimine. Wasiirka oo sidaan soo sheegnay
aanay shirkan wadamada afrika cidi kusoo marti qaadin oo isagu iskii isku geeyeey adis aba, wuxu geed dheer iyo mid gaabanba u fuulay sidii uu ula kulmi lahaa madaxda aduunka ee shirka ka soo qayb gashay nasiib-darro wuu ku guuldaraystay inuu la kulmo hal madaxwayne oo shirkaas ka soo qaybgalay, xataa wuxuu ku guuldaraystay inuu la kulmo madaxwaynihii hore ee soomaliland oo isaga si gaar ah shirka loogu soo marti qaaday
, tiraba 4 jeer in kabadan ayaa wasiirka
laga celiyay huteelka loo yaqaan Sharatoon ee u daganaa madaxwayne Rayaale, kaas oo ay daganayaayeen dhamaan wufuuda shirka kasoo qaybgashay iyo kuwa sida gaarka ah loogu marti qaadayba
.

:D:D

Share this post


Link to post
Share on other sites
Somalina   

:D@the number of times the FM says "SL waa dal"...

-----------

 

Britain: Shir ku saabsan Dhibaatada Somalia

Dawladda Britain ayaa marti galinaysa shirwayne caalami ah oo ku saabsan sidii wax looga qaban lahaa dhibaatooyinka muddada dheer ka taagnaa dalka Somalia.

 

Waxaa shirkan ka soo qayb galay ergooyin ka kala socda Jimciyada Quruumaha ka dhaxaysa, Midawga Africa, waddamada Somalia deriska la ah, iyo kuwo kale oo reer galbeed ah.

 

Waxaa kale oo shirkaasi ka qayb galaya wufuud ka kala socota DFKGM ee Somalia, Somaliland, iyo Puntland.

 

Wariye Abdisalam Hereri oo VOA-da k tirsan ayaa waraysi la yeeshay Wasiirka Arrimaha Dibedda ee Somaliland, Dr Mohamed Abdillaahi Cumar waxana uu ugu horayntii waydiiyay ujeedada guud ee shirka.

 

Dhageyso

Share this post


Link to post
Share on other sites

Somalina;693478 wrote:
Maxaa la idinla hadlaa oo aad haysaan? dal kulahaa... i'm rooting for you in la idinku aqoonsado cantarabarashkiina iyo sedexdiina gobol...

again wali waxba ma haysin 20 sannoh ka bacdi waxad joogteeen halki la idinkakaga tagay ;) qaarna waxay ku dawakheen cajaladihi dawladi siyad bare beri laga duubay , qaarna cumamaad bay qaateen oo godki usama bin ladan oo kale bey galleen. qarna dawlada dalxiista bay tageeraan oo u hudheelada calaamiga ayey barteen sida looga quraacdo ;) like yartan awoowgay u ahay good luck My koonfurian friends ;)

Share this post


Link to post
Share on other sites
Somalina   

lol@XX...

 

Marba meel u bood. Maanta shir dib u heshiisiin soo kama soo qayb gelina waxaad is waawaashaanba. Ceeb badanidiinaa, ma xishooneysaa xataa. Why couldn't stick to your guns as you have before? Oh! I forgot, your master has ordered you to show up. Or maybe "you have finally seen the light"...either way, waa la idin soo dhaweynaayaa... welcome I say. :D :D

 

Waa supportgareynaayaa dawlada maxaa yeeley dawlad waa la bedili karaa marwalba. Maantana aduunka dawlad saafi ah kama jirto oo perfect ah.

I'm not going to clap for a terrorist org or 1 maamul qaabil oo rabo inuu dawlad noqdo marnaba.

 

p.s. xildhibaanadiina dhoofintaanka inuu ka batey ayaa isoo gaartey. Ku dayo Sheik Dalxiis ku dayo ahaa...:D

Share this post


Link to post
Share on other sites
Somalina   

Gooni isu taagii ma Feysal Cali Waraabe ayuunbaa u taagan:D:D

 

Ottawa Feb 08-11-(somalidiasporanews.com)-

Shirka Soomaalida loogu qabanayo London ee uu wasiirka arrimaha dibada Somaliland Dr Maxamed Cabdilaahi Cumar goaansaday in uu ka qeyb galo kiyoon ogolaansho shacab iyo mid Qarameedba aan heysan ayaa ku soo beegmaya xili dawladihii ay ku keliyeysteen reer koonfurku fashil kuwada danbeeyeen,beesha caalamkuna ay markii ugu danbeysay isku deyeyso bal in hogaanka Soomaaliya lagu laaluusho reer Somaliland.

Wasiir Dr Cabdilaahi ayaa saxaafada ka sheegay in shirku yahay mid beesha caalamku wada tashi uga yeelaneyso xaalada siyaasadeed ee muragsan ee Soomaaliya.

Shirka oo lagu casumay dawlada shariif Somaliland iyo Puntland isla markaana ay beesha caalamku isku dhegeysan doonto soo jeedimaha sadexdan dhan ayaa waxa uu keeni karaa in Somaliland si toos ah ugu milanto siyaasadaha aan jiheysneyn ee Soomaaliya,ama kala shaki colaad ku danbeeya oo Somaliland soo wejaha.

Goleyaasha dhawaan xilka isu kordhiyay ee Somaliland ayaa waxa soo baxaya sababta xukuumada Axmed Siilaanyo aamuska ugu soo dhaweysay goaankooda,taa waxa daliil u ah sida Md Saleebaan Gaal maanta afka u qabtay xildhibaanada doonayay in madaxweynaha ay weydiiyaan waxa uu kala socdo ka qeybgalka wasiirka arrimaha dibada ee Somaliland shirka Soomaaliya ee London lagu qabanayo.

 

Colaada SSC ee ku soo beegantay shirkan ayaa qudheeda shakigeeda leh,ma marin habaabinbaa,waatan nala soogal meel waliba ka yeedhay xili Soomaaliya madal lagu kulansiinayo Somaliland.

 

Ma ciil baad qabi leheyd hadii Somaliland iyo Soomaaliya loo wadahadlayo,sawtan laba Koonfura iyo inaga naloo gar naqayo.

Guddomiyaha xisbiga Mucaaridka ee UCID Inj Faysal Cali Xuseen ayaa ilaa iminka ah siyaasiga keliya ee hadlay khatarta ka dhalan karta ka qeybgalka iyo natiijada ka soo bixi karta shirka London.

 

Madaxweyne Axmed Siilaanyo sideebuu ugu aaminay aqoonyahankan siyaasada dhawaanta ku soo biiray in uu ku socodka barto qadiyad ummad dhami u codeysay oo 20 sanadood ka mira dhalinteeda ay maanta ugu dhawdahay.

Taa jawaabteeda waxa aad kala soo bixi kartaa sida beesha caalamku gacanta weyn uga geysatay isbedelkii siyaasadeed ee dalka ka dhacay iyo sida fudud ee loo dhisay xukuumad ay qarqiyeen ashqaas mabaadiidooda Somaliweyn laga wada dheregsan yahay.

Xagee ku danbeeyay heshiiskii u dhexeeyay Somaliland iyo Itoobiya,bal eeg sida dalalkii ka soo horjeeday gooni isu taaga u dhex mushaaxayaan siyaasada dalka,sida keligood taliyeyaasha loo taageerayo.

Waan hubaa wasiirka arrimaha dibada ee Somaliland in uu yahay nin karti leh,taase micneheedu ma aha in uu muujiyo iscajebinta intaa le`eg ee uu khatarta aan la qiyaasi karin ka dhalan karto.

Waxa hubaal ah in goaan walba oo ummadi wadajir u qaadato in qiimeyn lagu sameeyo marka mudo ka soo wareegto,waajibkuse waa in ummada dib loogu soo celiyaa taladaa oo ay mar kale ka goaamisaa.

Mise kol hore ayaa goaankan la gaadhay,ileyn waatanoo qolyihii daafaha la tuuraye ma SNM ahaan ayaa loo gorgortan tegey doorkan.Cajiib.

Alla maxaa haldoor in intan ka yar lagu deyriyay”ragbaa isku toogtay tabtaad iyeeshee”.

Isku soo xooriyoo akhriste bal fikir ka dhiibo qormada dusha ku xardhan iyo sida loo wejihi karo dib u eegista qadiyada gooni isu taaga Somalialnd

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this