Sign in to follow this  
Fiqikhayre

Puntland rejects confused Parliament decision to extend its mandate for another 3 years

Recommended Posts

Shir ay isugu yimaadeen maanta Golaha xukuumadda Puntland.

 

 

Golaha xukuumadda Dowladda Puntland ayaa maanta kulan ay isugu yimaadeen ay ka soo saareen Warsaxaafadeed ku aadan mudo kordhinta Baarlamaanka Dowladda Federaalka ku meel gaarka ah ee Soomaaliya iyo dastuurka qabyo qoraalka ah.

 

Hadaba dood dheer iyo falaqayn ka dib ayaa waxa uu Madaxweynuhu u saaray guddi soo diyaarisa warsaxaafadeed ku aadan arrintaasi,waxayna kala ahaayeen Wasiirka Warfaafinta,Isgaarsiinta,Hidaha iyo Dhaqanka Mudane Axmed Cali Askar,Wasiirka Haweenka iyo Arrimaha Qoyska Marwo Caasha Geelle Diiriye,Wasiirudowlaha Dastuurka iyo Arrimaha Federaalka Dr:Cabdi Xasan Jimcaale iyo Wasiirudowlaha Maamul wanaagga Maxamed Faarax Ciise (Gaashaan).

 

Hadaba warsaxaafadeedkaasi ayaa waxa saxaafadda u akhriyey Wasiirudowlaha Dastuurka iyo arrimaha Federaalka ee Dowladda Puntland Dr:Cabdi Xasan Jimcaale wuxuuna u qornaa sidatan:

 

DAWLADDA PUNTLAND EE SOOMAALIYA

 

War Saxaafadeed

 

Golaha Wasiirada Dawladda Puntland oo maanta taariikhduna tahay 05.02.2011ka shir aan caadi ahayn ku yeeshay madasha shirarka ee golaha xukuumadda, waxaa ay si buuxda u diideen kororsiimadda jahawareerka ah ee Baarlamaanka Dawladda Federaalka ku Meelgaarka ah ee Soomaaliyeed ay sida lamafilaan ah ku kororsadeen muddo Saddex Sano ah maalinimadii 4tii bishii Feberaayo 2011ka.

 

Golaha Xukuumaddu markii fadhigooda ay si qotodheer arrinkaas uga doodeen ayagoo ka eegaya dhinacyo badan waxaa ay go'aamiyeen qodobadda hoos ku qoran:

 

1. In xilligan oo Soomaaliya ay ku jirto xaalad adag aan loo baahnayn kororsiimo sii adkeynaysa xaalada murugsanayd ee dalku ku jirey ,taasoo aan u adeegayn danaha ummadda Soomaaliyeed.

2. Kororsiimadan cusubi waxaa ay ummadda Soomaaliyeed ka jeedinaysaa diyaarinta habsami u socodka hawlgalka marxaladda kala guurka ah.

3. Dawladda Puntland ma aqbali doonto go'aan kasta oo ka soo baxa Baarlamaanka Dawladda Federaalka Ku meel-gaarka ah.

 

Sidaas awgeed Dawladda Puntland waxaa ay cambaareynaysaa kana soo horjeedaa kororsiimaddan aan maangalka ahayn ee Baarlamaanka Dawladda Federaalka Soomaaaliya, taas oo horseedaysa khalkhal Siyaasadeed oo hor leh.

 

Isla fadhigii Golaha Xukuumadda ee maanta waxaa goluhu kaga doodeen Qabyo- Qoraalka Dastuurka loo samaynayo Jamhuuriyadda Federaalka Soomaliya, waxaana goluhu go'aamiyeen qodobada soo socda:

 

1. Dawladda Puntland Waxaa ay Mab'da ahaan taageersantahay Samaynta Dastuur Federaal ah oo ay yeelato Ummadda soomaaliyeed, ayadoo Madaxwaynaha Dawladda Puntland uu horey u daah-furey daraaseynta Qabyo-Qoraalka Dastuurka Federaalka Bartamihii Sanadkii 2010kii.

2. Goluhu waxaa uu yaqiinsaday in Qaby-Qoraalka Dastuurka aanu ahayn mid si cad uga turjumaya Nuxur ahaan Nidaamka Federaaliga ah oo ay dawladda Puntland hormuudka ka ahayd.

 

Sidaas Awgeed Dawladda Puntland waxaa ay si buuxda ula shaqaynaysaa, uguna gudbinaysaa Guddiga Dastuurka Federaalka, talooyinkeeda iyo Mawqifkeeda ku aadan Qabyo Qoraalka Dastuurka Federaalka Soomaaliya.

 

Dawladda Puntland

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this