Sign in to follow this  
Xaaji Xunjuf

Fuaad Shangoole:TFG and Amisom collaborators their blood will be shed

Recommended Posts

Shongole:AMISOM iyo DKMG cidii la shaqaysa dhiigoodu wa banaanyahay

 

Muqdisho:(Sh. M. Network) Xarakada Al Shabaab ayaa waxaa ay shaaca ka qaaday in uu dhiigooda banaanyahay cidii la shaqaysaa dowladda KMG Soomaaliya iyo ciidamada AMSIOM ku waasi oo ay tilmaameen inay ku bartilmaameedsan doonaan meelkasta.

 

Sheekh Fu’aad Max’ed Qalaf oo ka mid ah saraakiisha Xaradaka Al Shabaab oo qudbad ka jeedinayay Masjidka Nasrudiin ee magaalada Muqdisho ayaa waxaa uu ka hadlay qodobo ku aadan dilalka loo gaysanayo dadka la shaqeeya AMSIOM iyo dowladda KMG Soomaaliya.

 

Sheekh Fu’aad Max’ed Qalaf ayaa ugu horeyn tilmaamay in uu banaanbayahay dhiigooda iyo Maalkooda dadka la shaqeeya AMISOM iyo dowladda KMG islamarkaana ay ka furan tahay sida uu tilmaamay xaasaskooda, isagoo intaasi raaciyay in meel kasta oo lagu arka dadkaasi ay yihiin in la dilo.

 

Sheekh Fu’aad Max’ed Qalaf ayaa waxaa uu sidoo kale sheegay in iyana dhiigooda ay banaanyihiin dadka ku doodaya in AMISOM ay si sharci ah kusoo gashay dalka Soomaaliya, wuxuuna carabka ku dhiftay in meel waliba oo lagu arka dadkaasi ay ku bar tilmaameedsanayaan, isagoo intaasi ku daray in Shabab ay sii wadayso dagaalada ay kula jirto AMISOM iyo dowladda kuwaasi oo uu sheegay inaysan jirin cid ay ka aqbalayaan joojinta dagaalada ay kula jiraan.

 

Xarakada Mujaahidiinta Al Shabaab ayaa bartilmaameedsado dadka u shaqeeya AMISOM iyo dowladda KMG kuwaasi oo inta badan dil u gaystaan gudaha magaalada Muqdisho iyo gobolada dalka Soomaaliya.

 

 

 

Aqriso oo la soco Shabelle.net Saacad Walba si aad u hesho wararkii ugu dambeeyay ee Soomaaliya.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this