Sign in to follow this  
Xaaji Xunjuf

Somaliland parliament approves budget 2011

Recommended Posts

Fadhigii Maanta ee Golaha Wasiirada ayaa Lagu Ansixiyey Miisaaniyad Sannadeedka 2011 oo Dhan 527,720.451,857.

Hargaysa(Waaheen)- Fadhigii maanta ee Golaha Wasiirada oo Ka Qabsoomay Qasriga Madaxtooyada JSL Gudoominaayeyna Madaxweyanha JSL Mudane Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo Waxa lagu Ansixiyey Miisaaniyad Sannadeedka 2011 oo Dhan 527,720.451,857 taas oo 70% ka badan tii sannadkii Hore ee 2010.

 

Miisaaniyadan Waxa ku jira Korordhsiimada Mushaharka Shaqaalaha iyo Ciidamada oo 100% Waxa kale oo ku jira Markii ugu Horaysay Mashaariic Horu-marineed, Sidaasana loogu Gudbinayaa Golaha Wakiilada oo ah Hay’ada Shirci ahaan Ansixinta Rasmiga ah leh.

 

ALLAA MAHAD LEH

 

Cabdillaahi Maxamed Daahir ( Cukuse )

 

Af-hayeenka Madaxtooyada JSL.

Share this post


Link to post
Share on other sites

War-Saxaafadeed: Fadhigii Ee Maanta Golaha Wasiiradda Oo Lagu Ansixiyey Miisaaniyadda Sanadka 2011.

 

Fadhigii maanta ee Golaha Wasiirada oo ka Qabsoomay Qasriga Madaxtooyada JSL Gudoominaayeyna Madaxweyanha JSL Mudane Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo), waxa lagu ansixiyey Miisaaniyad Sannadeedka 2011 oo Dhan 527,720,451,857 taas oo 70% ka badan tii sannadkii Hore ee 2010.

 

 

Miisaaniyadan Waxa ku jira Korordhsiimada Mushaharka Shaqaalaha iyo Ciidamada oo 100% Waxa kale oo ku jira Markii ugu Horaysay Mashaariic Horu-marineed, Sidaasana loogu Gudbinayaa Golaha Wakiilada oo ah Hay’ada Shirci ahaan Ansixinta Rasmiga ah leh.

 

 

 

 

 

 

 

Allaa Mahad Leh

 

 

 

 

 

 

Cabdillaahi Maxamed Daahir (Cukuse)

 

Af-hayeenka Madaxtooyada JSL.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Wasiirka Maaliyada Somaliland Oo Maanta U Soo Bandhigay Golaha Wakiilada Odoroska Miisaaniyada Qaranka Ee Sannadka 2011.

 

Hargeysa (Ramaas) Feb. 14, 2011- Wasiirka maaliyada Somaliland Eng Maxamed Xaashi Cilmi, ayaa maanta u soo bandhigay ku talagalka odoroska miisaaniyada qaranka ee sannadka 2011, taas oo ka badan miisaaniyadii sannadkii hore la ansixiyay.

 

Wasiirka oo maanta hortagay golaha wakiilada Somaliland, ayaa faahfaahin ka bixiyay habka kharashaadka miisaaniyada dawlada, isaga oo ballanqaaday in ay kharashgaraynta ay ka dhex muuqan doonto kordhsiimada mushaharooyinka ciidamada iyo shaqaalaha dawalada, oo ay hore xukumadu ugu kordhisay mushaharka, waxaana uu wasiirku sheegay in miisaaniyadu ay ka badan tahay ilaa toddobo boqol oo bilyan oo shilinka SL ah, isla markaasna ay bixiyeen dhammaanba daymihii ay ka dhaxleen maamulkii hore dadaalna ay ugu jiraan sidii loo kobcin lahaa dhaqaalaha wadanka.

 

Waxa uu wasiirku sheegay in xooga saareen cashuur ururinta oo ay ku guulaysteen in ay soo xareeyaan dhaqli badan muddadii ay xilka hayeen, waxaana uu ugu baaqay Md Xaashi shacabka in ay bixiyaan lacagta cashuurta ku waajibtay si looga gudbo duruufaha ay sababtay dhaqaale xumadu, waxaan uu yidhi wasiirku isaga oo ka waramaya xaalada dhaqaale ee wadanka’’ waxa aanu dhaxalnay xalaalda dhaqaale xumo oo aanu ka dhaxalnay dawladii naga horaysay waxa ay ahayd mid adag, waxa aanu meesha uga tagnay lacag la yidhi waa dayn, laakiin aan dayn ee ahaa mushaharooyinkii shaqaalaha oo aan la bixin afar bilood April ilaa Ausgust kuwii ciidamada oo aan la bixin bishii july raashinkii ciidamada, cisbitaalada iyo jeelasha oo aan wax la siin waxyaabo sidaasa ayaa lagu magacaabay dayn, waa tii lama magcaabay guddi ka kooban hantidhawrka, guddida dhaqaalaha ee wakiilada iyo wasaaradayada dhawr nin oo ka socday kolkay ka soo bilaabeen baadhitaankooda 2002-dii ilaa 2010-kii waxa ay ******** in aanay jirin wax khasaare ah ama ku baaqday dawlada muddadaas, waxa dhacay uun wax isdaba marin waxa soo saareen in ay jirtay 150 bilyan oo dheeraad ah, waxaan aanu bilownay sidii aanu u bixin lahayn mushaharkii shaqaalaha iyo ciidamada oo raashin dheer yahay dhibaatadii aanu la kulan ugu horayn taasaa ahayd, muddo saddex bilooda ah waxaanu iska bixinay mushaharadii, waxa aanu kordhinay dhaqligii 32%, dabadeed waxa aanu ku dhaqaaqnay sidii aanu samayn lahayn dhaqli ururis dhab ah.”

 

Mar uu wasiirku ka hadlay korodhka miisaaniyada sannadkan, waxa uu sheegay in ay miisaaniyadii hore dheer tahay 70%, taas oo ay keentay dadaal xoog leh oo ay wasaadu u gashay sidii loo ururin lahaa dhaqli fara badan, waxa uu yidhi” waxaanu kordhinay miisaaniyada sannadkan 70% kolkaa waxaad arkaysaa muddadaa waxa aanu ku kordhinay oo anaan waliba sidii guda galin nidaamkeedii oo aanu iminkuun bilaabayno,waxaad garan kartaan in aynu wax badan kordhin karno, waxaan bilow in aan diwaan galino meherada oo dhan hadaan tusaale idiin siiyo Hargeysa oo kale waa shan xaafadood ama shan waaxood ayay Magaalada u qayb san tahay, waxa ay noqdeen laba labaatan xaafadood ayay u sii qaybsan yihiin xaafad walba waxa aanu ka furnay xasfiis, xafiiskaas waxa uu ka shaqaynayaa tirakoobka soo ururinta dhaqliga xafaadaas, waxa noo suurta gashay in aanu diwaan galino meheraha Hargeysa ama gobolka Maroodijeex, waxa kale oo aan hawshaas ka bilownay Magaalooyinka Berbera, Burco, Ceerigaabo, Boorama, Gabilay iyo Wajaale in aanu diwaagalino meheradaha Magaalooyinkaas ururiska lacagahaas waxaanu galinaynaa Server, si aanu ogaano halka ay cashuurtu ku baaqatay iyo halka ay ku dhimantay, cid kasta ha ahaado ganacsade ama shaqaale dawladeed cashuurta waa lagu leeyahay, waxa aanu hoose u dhignay tacriifadii si ay yaraato tuugado, waxa aanu filaynaa dhaqligii lix bilood ee hore in uu kabato, waxa la leeyahay waxaan kordhinay wali waxa inoo dihin wasaarada dhawr iyo tijaartii, wasaarada qaarkood kharashkooda ayaa ka badan wax soo saarkooda.“

 

Waxa kale oo isna halkaas ka hadlay wasiir ku xigeenka maaliyada Warsame Siciid, oo faahfaahin ka bixiyay odoroska miisaaniyada, waxaana uu sheegay in miisaanyadan ay tahay kor u kac dhaqaale marka loo eego wakhtigii hore, iyada oo miisaaniyadan ay ku jiraan lacagta loo kordhiyay shaqaalaha dawlada iyo ciidamada qalabka sida iyo, isla markaasn la suura galiyay in ilma kasta oo Somaliland ku nooli heli karo wax barasho bilaasha ah, ka dib markii lacagta laga dhaafay dhammaan dugsiyada hoos/dhexe ee wadanka, iyada oo kharasha shaqaalaha dugsiyada ay bixin doonto xukumadu.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Golaha Wakiilada Somaliland Oo Maanta Cod Aqlabiyad Leh Ku Meel-mariyay Miisaaniyada Qaranka Ee Sannadka 2011-ka.

 

 

 

 

 

 

Hargeysa(Ramaas) Mar.07, 2011 - Mudanayaasha aqalka wakiilada Somaliland, ayaa fadhigoodii maanta cod aqlabiyad leh ku ansixiyay miisaaniyada qaranka ee sannadka 2011-ka oo ay usoo gudbisay wasaarada maaliyadu golaha, taas oo 70.8% ka badan miisaaniyadii sanadkii hore.

 

Fadhigan oo uu shir-gudoominayay guddoomiyaha golahaas Md Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi, waxa uu gudoomiyuhu ka hor intii aan codbixinta loo qaadin miisaaaniyada golaha ujeediyay khudbad la xidhiidha miisaaniyada, isaga oo sheegay in aanay miisaaniyadan ka dhex muuqan kharashaadka loogu talagalay doorashooyinka dawladaha hoose oo ay xukuumadu sheegtay in la qaban doono badhtamaha sannadkan, laakiin ay xidhiidh arrintaas kala sameeyeen wasiirka maaliyada oo damaanad qaaday in wasaaradiisu ay *****li doonto kharashka loo qoondeeyay doorashooyinkaas.

 

Guddoomiye Cirro waxa uu sheegay in uu Madaxweynaha u qoray warqad uu goluhu ka codsaday in uu Madaxweynuhu usoo gudbiyyo golaha sharciyeynta hay’adaha aanu goluhu ansixin ee ku jira miisaaniyada qaranka muddo shan iyo afartan cisho ah.

 

Waxa kale oo uu sheegay in mushaharka mudanyaasha wakiilada laga jari doono 20% oo lagu taageeri doono hawlaha gurmadka ah ee lagu caawinayo dadka ay saameeyeen abaaraha ku habsaday dalku.

 

Waxa ay xildhibaanada madasha ku sugnaa oo tira doodu dhamayd toddobo iyo konton mudane ay cod u qaadeen ansixinta miisaaniyada, waxaana ogolaaday konton mudane waxa ka aamusay lix mudane guddoomiyuhuna muu codayn, iyada oo miisaaniayadu ay sidaas ku ansaxday.

 

Miisaaniyada sannadkan ayaa ka badan miisaaniyadii hore sannadkii ee aynu soo dhaafnay 2010-kii, waxaana mushahar kordhin loo sameeyay shaqaalaha dawlada iyo ciidamada qabka sida oo laban laabay mushaharkii ay qaadan jireen markii ugu horaysay taariikhda wadanka.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Madaxweune Siilaanyo Oo Digreeto Ku Dhaqan Geliyay Miisaaniyadda 2011-ka

 

HWN) Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland ayaa dhaqan geliyay miisaaniyadii 2011-ka ee ay dhawaan golaha wakiiladu ansixiyeen, ka dib markii ay Wasaaradda Maaliyadu u soo gudbisay.

 

Hargeysa (HWN) Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland ayaa dhaqan geliyay miisaaniyadii 2011-ka ee ay dhawaan golaha wakiiladu ansixiyeen, ka dib markii ay Wasaaradda Maaliyadu u soo gudbisay.

Sidaasna waxa lagu sheegay war-saxaafadeed ka soo baxay xarunta Madaxtooyada Somaliland, kaas oo uu ku saxeexnaa Afhayeenka Madaxtooyadda Cabdilaahi Maxamed Daahir (Cukuse).

War-saxaafadeedkan oo uu nuqul ka mid ahi soo gaadhay xafiiska shabakada caalamiga ah ee Hadhwanaagnews, ee magaaladda Hargeysa ayaa waxa lagu sheegay in laga bilaabo maanta oo ay taariikhdu Tahay 10/3/2011 lagu dhaqmi doono.

 

Warsaxaafadeedkaas oo dhamaystiranina waxa uu u dhignaa sidan Madaxweynaha JSL Mudane. Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) waxa uu soo saaray Xeer Madaxweyne oo lagu Dhaqan gelinaayo Miisaaniyad Sannadeedka 2011-ka ka dib markii ay Golaha Wakiiladu Aqlabiyad ku ansixiyeen.

 

Maaxweynuhu :-

 

 

Markuu Arkay: Qodobka 90-aad ee Dastuurka Jamhuriyada Somaliland.

 

 

Markuu Arkay: Qodobka 75-aad ee Dastuurka Jamhuuriyada Somaliland.

 

 

Markuu Arkay : Goaanka Golaha Wakiilada, Goaan Lr. GW/Kf-14/509/2011 ee ku Suntan 07/03/2011 ee ay ku ansixiyeen Miisaaniyada 2011_ka ee Dawladda Dhexe, Dekedda Berbera, Dakhliga Haamaha iyo Lifaaqyada Miisaaniyadda Ku lammaa

 

Wuxuu Soo Saaray

 

Xeerkan oo lagu baahinayo dhaqan-galka Miisaaniyad Sanadeedka 2011-ka ee Dawladda iyo

Lifaaqyada Miisaaniyada Ku Lammaan.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this