Jacaylbaro Posted February 1, 2011 Hargeysa (Waaheen) waxa maanta Dalka ku soo fool leh wafti ka socda Dalka Koonfurta Africa oo la filayo inay Booqasho dhawar cisho ah ku joogaan Caasimada dalka ee Hargaysa. Waftigan oo ka socda Wasaarada Arrimaha Dibada ee Dalka Konfur Africa kana kooban 4 Xubnood, ma jirto wax war ah oo ay xukuumadu ka soo saaratay imaatinkooda, balse sida aanu ku helnay warar xogogaal ah waxay u jeedada socdaalkoodu tahay inay la kulmaan Masuuliyiinta Xukuumada iyo Qaybo ka mid ah Bulshada. Sida wararku sheegeen waxay Xukuumada kala dadli doonaan arrimaha Dib- u heshiisiinta iyo Nabadaynta Soomaaliya, ma se cada inay wadaan wax hindise ah oo la xidhiidha Dib-u heshiisiinta Soomaliya. Maaha markii u horaysay ee wafti ka socda Koonfurta Africa uu yimaado Dalka balse waa waftigii ugu miisaanka cuslaa ee ka yimaada Koonfur Africa oo ay Soomaliland leeyihiin Xidhiidh dheer oo dhinacyo badan taabanaya, iyadoo ka mid ah Dalalka faro ku tiriska ah ee Africa ee ay Soomaliland ku leedahay Safiirka joogtada ah . Dhinaca kale Koonfur Africa waxay ka mid tahay Dalalk ugu Quwada iyo Miisanka wayn Africa ee wax laga waydiiyo arrimaha ka Aloosan Qarada Africa, Aqoonsi ay soomaliland heshana kaalin wayn ka gaysan kara, ilaa hadana lama saadaalin karo waxay rasmiyan ula shir imanayaan waftigaasi iyo waxa uu noqonayo Mawqifka Quote Share this post Link to post Share on other sites