Sign in to follow this  
oba hiloowlow

Wasiirada dowladda oo booqday shacabkii maanta lagu laayay magaaladda Muqdisho

Recommended Posts

----------Wasiiro ka tirsan Xukuumada Federaalka KMG ah ee Soomaaliya oo uu hogaaminayay RA’iisul Wasaare kuxigeenkan ahna Wasiirka Gaashaandhigga Mudane C/xakiin Maxamed Fiqi ayaa galabta booqday dhaawacyada dadkii maanta ku waxyeeloobay mashaqadii ka dhacday isgoyska Banaadir ee magaalada Muqdisho iyagoo u balan qaaday in dadka dhaawacyada culus qaba loo sameyn doono gar gaar caafimaad oo dalka dibadiisa ah.

 

Wasiirada kale eek u wehliyay booqashadan ayaa waxay kala ahaayeen Wasiirka Arrimaha Gudaha Mudane Cabdishakuur Sheekh Xasan Faarax, Wasiirka Caafimaadka Dr. Aadan Xaaji Ibraahim, Wasiirka Garsoorka Cabdullaahi Ebyan Nuur, iyo wasiir kuxigeenka Dastuurka iyo Arrimaha Federaalka Siciid Maxamuud Jimcaale.

 

Agaasimaha Isbitaalka Madiino Dr. Maxamed Yuusuf ayaa uga waramay wefdiga dhaawacyada ka dhashay mashaqadii maanta isagoo sheegay in ku dhowaad 60 dhaawacyo ah la keenay Isbitaalka ayna u sameeyeen adeegyo kala duwan sida Qaliino kala duwan, gargaar deg deg ah iyo xanaaneyn, wuxuuna xusay in intii ay ku guda jireen howsha dhaawacyada iyo samatabixintooda ay ku geeriyoodeen Isbitaalka illaa 6 ruux, halka 5 ruux oo kalena ay ku dhinteen goobta mashaqadu ka dhacday ee isgoyska Baanadir waxayna tirada dhimashadu gaartay in ka badan 11 ruux.

 

Ra’iisul Wasaare kuxigeenka ahna Wasiirka Gaashaandhigga oo shir jaraa’id ugu qabtay gudaha Isbitaalka bahda saxaafada ayaa u tacsiyeeyey dhamaamba eheladii iyo qaraabadii ay ka geeriyoodeen dadka maanta geeriyooday kuwaasoo u badnaa Askarta Dowladda, wuxuuna xusay in cadaalada la hor keeni doono talaabona laga qaadi doono dadka falkan waxash-nimada ah geystay.

 

“Wax dhacay maanta waa musiibo, waana u tacsiyeyneynaa qoysaskii, qaraabadii iyo eheladii ay ka geeriyoodeen dadkii dhintay, inta dhaawacantayna ALLE caafimaad deg deg ah ha siiyo” ayuu yiri Mudane Fiqi oo u balan qaaday in dadka dhaawacyada culus qaba ay dowladdu ku dedaaleyso inay gargaar caafimaad oo dalka dibaddiisa ah u raadiso.

 

Mashaqada maanta ka dhacday igoyska Banaadir ee magaalada Muqdisho ayaa ka dambeysay kadib markii Askari ka tirsan ciidamada Dowladda ay ka fakatay Rasaas fara badan oo ka dhacday qoriga loo yaqaano Zuu-ga kadib markii cilad farsamo ay qabsatay.

 

 

wasr.JPG

 

wasr1.JPG

 

wasr2.JPG

 

wasr3.JPG

 

wasr4.JPG

 

wasr5.JPG

Share this post


Link to post
Share on other sites
Somalina   

AUN ha naxiisto intii dhimatey maanta. Kuwa dhaawacmeyna caafimaad ayaan u rajeynaayaa.

 

Good job Mr. Fiqi and Mr Farax! we have a long way to go in pacifying Xamar but we will get there inshaAllah.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this