Somalina Posted January 31, 2011 sniin, 31 Janaayo, 2011 (HOL) – Urur Gobolkeedka IGAD, ayaa go'aano ay kasoo saareen shir ay xalay ku yeesheen magaalada Addis Ababa ee dalka Itoobiy, waxay ku xuseen in marka uu dhammaado xilliga dowladda Soomaaliya oo dhammaanaya bisha Ogoosto ee sannadkan 2001, muddada loo kordhiyo baarlamaanka Soomaaliya, arrimaha kalena loo daayo shacabka Soomaaliyeed. Madaxweynaha Soomaaliya Sheekh Shariif Sheekh Axmed, oo shirka ka qaybgalay ayaa halkaas ka jeediyay hadal ku aadan xaaladda Soomaaliya, isagoo codsaday in gacan laga siiyo dowladda uu hoggaamiyo sidii ay u hanan lahayd ammaanka dalka. Shirka, ayaa waxaa goobjoog ka ahaa: madaxweynayaasha Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle, Suudaan Cumar Xasan Al-Bashiir, Kenya Mwai Kibaki, madaxweyne ku xigeenka Uganda Gilbert Bukenya, xoghayaha guud ee IGAD Maxbuur Macallin, ergayga Midowga Afrika ee Soomaaliya Jerry Rawlings iyo u qaybsanaha Midowga Afrika ee dib u heshiisiinta iyo nabadda Soomaaliya Kipruto Arap Kirwa. Urur goboleedka IGAD, wuxuu ku boorriyay xukuumadda Soomaaliya inay xoogga saarto sidii ay u meel-marin lahayd howsha hortaalla, kuwaasoo ay ka mid yihiin qorista iyo dhaqangelinta dastuurka, fidinta awoodda dowladda iyo qodobbo kale. Sidoo kale, hoggaanka dowladda Soomaaliya iyo kuwa Ahlusunna ayaa laga codsaday inay dib boorka uga jafaan heshiiskii ay bishii Maarso ee sannadkii hore ku kala saxiixdeen magaalada Addis Ababa ee dalka Itoobiya. Goluhu, wuxuu kaloo ugu baaqay dowladda Soomaaliya inay wanaajiso xiriirka kala dhexeeya maamul goboleedyada Somaliland iyo Puntland, si aanay deegaannadaas nabadda ah ugu fidin xooggaga hubeysan ee ka dagaalamaya qaybaha kale ee Soomaaliya. Sidoo kale, urur goboleedka IGAD wuxuu caalamka ka codsaday in kordhiyo tirada ciidammada AMISOM, sidoo kalena xayiraad la saaro garoommada iyo dekedaha ay gacanta ku hayso Xarrakatul Shabaab oo ah kooxda keliya ee dagaalka kula jirta dowladda Soomaaliya. Baaqa IGAD, ayaa waxaa sidoo kale ka mid ah in dhaqaale iyo qalab ciidan lagu taageero ciidammada dowlada DKMG ah iyo kuwa AMISOM, si ay ugu suurogasho inay sugaan ammaanka Muqdisho, ayna ilaaliyaan shacabka Soomaaliyeed. Shirka, go'aammadan laga soo saaray ayaa socday muddo 10-saacadood ka badan, iyadoo xubnaha kasoo qaybgalay ay isku afgaran waayeen qodobbadii ay uga hadlayeen shirka, kuwaasoo ku saabsanaa dowladda Soomaaliya. Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online maxuseen@hiiraan.com Muqdisho, Soomaaliya Quote Share this post Link to post Share on other sites
Somalina Posted January 31, 2011 Xoghayaha guud ee Qarammada Midoobay oo sheegay inay kordhinayaan taageerada ay siiyaan Soomaaliya Isniin, 31 Janaayo, 2011 (HOL) – Xoghayaha guud ee Qarammada Midoobay Ban Ki-Moon, ayaa ka sheegay Addis Ababa inay sii wadayaan taageerada ay siiyaan DKMG ah iyo ciidammada AMISOM ee ka socda Midowga Afrika. "Waxaan, sii wadaynaa taageerada aan siino dowladda Soomaaliya iyo howlgalka ciidamada AMISOM ee ay Qarammada Midoobay taageerto, kamana baaqsan doono taageeradaas inta uu xiliga dowlada ka dhamaanayo," ayuu yiri Ki-Moon. Xoghayaha guud ee Qarammada Midoobay, ayaa sheegay inuu maanta oo Isniin ah la kulmayo madaxweynaha Soomaaliya Sheekh Shariif Sheekh Axmed, oo ay ka qaybgeli doonaan shir gaar oo arrimaha dalka Soomaaliya looga hadlayo. "Maalmaha soo socda, waxaa la geyn doonaan Soomaaliya 4,000 askari oo qayb ka noqonaya ciidamada AMISOM, waxaana u adeegsan doonaa bilaha soo socda in bisha Ogoosto ee sanadkan ay sal u noqoto horumarka Soomaaliya," ayuu mar kale yiri xoghayaha guud ee Qarammada Midoobay. Mr. Ki-Moon, wuxuu beesha caalamka ka codsaday xili uu ka hadlayay shirkii Midowga Afrika ee shalay ka furmay xarunta Midowga Afrika ee Addis Ababa, inay kordhiyaan taageerada ay siiyaan dowlada Soomaaliya, si dalkaas nabad loogu soo celiyo. Ugu dambeyn, Ban Ki-Moon wuxuu ka hadlay burcadbadeeda Soomaaliya, isagoo sheegay inay socdaan qorshayaal lagu baabi'inayo burcadbadeeda, isagoo sheegay in la taliyihiisa dhinaca burcadbadeeda uu u soo gudbiyay qaabab sahlan oo looga hortegi karo. Shir gaar ah oo looga hadlayo arimaha Soomaaliya, ayaa waxaa ka qaybgeli doona xubno uu ka mid yihiin: Ban Ki-Moon, Jean Ping, Jacob Zuma iyo xubno kale oo caalmi ah, waxaana looga hadli doonaa arrimaha dalka Soomaaliya. Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online maxuseen@hiiraan.com Muqdisho, Soomaaliya Quote Share this post Link to post Share on other sites