Sign in to follow this  
Xaaji Xunjuf

TFG soldiers Kill random civilians in Mogadisho

Recommended Posts

Dad ka badan Toban qof oo ku dhintay rasaas ka fakatay mid gaadiidka dagaalka ee DKMG ah iyo xiisad taagan

 

Isniin, 31 Janaayo, 2011 (HOL) – Ugu yaraan 12-qof, oo isugu jira shacab iyo askar ayaa ku dhintay rasaas la sheegay inay ka fakatay mid ka mid ah gaadiidka dagaalka ee ciidanka DKMG ah, kaasoo taagnaa iridka hore ee isbitaalka Banaadir. Waxaana rasaastaas ku dhaawacmay 25-qof oo kalena.

 

Gaariga ay rasaastu ka fakatay, ayaa la sheegay inuu saarnaa gaandharigii, iyadoo tani ay timid kaddib markii ciidammo la socday mid ka mid ah wasiirrada DKMG ah ay toogteen nin xirnaa dharka shibilka oo ay bastoolad ku arkeen, kaasoo markii dambe la sheegay inuu ka tirsanaa askarta dowladda ee ku sugan ex-koontarool Afgooye.

 

"Rasaastu intii aysan dhicin, waxaa goobta ka taagnayd xiisad ka dhalatay askari si kama' ah loo dilay, waxaana mar qura la maqlay rasaas ka dhacaysa qoriga Zuu-ga loo yaqaan ee lidka diyaaradaha, dad badan ayaana goobta ku dhintay," ayuu yiri wariye ka tirsan idaacadda Codka Nabadda ee Muqdisho oo goobta tagay.

 

Wariye Ducaysae, oo la hadlay HOL ayaa sheegay in dadka dhintay ay ku jireen askartii gaariga rasaastu ka dhacday la socday, waxaa kaloo dadka dhintay ku jiray, askari waardiye ka ah isbitaalka iyo laba gabadhood oo kalkaaliyeyaal ka ahaa isbitaalka Banaadir iyo shacab halkaas ganacsi ku haystay.

 

"Xiisad ayaa taagan," ayuu yiri mid ka mid ah goobjoogayaal ay saxaafaddu kula kulantay isbitaalka hortiisa. "Maydadka qaarkood waa googo'een, dhaawacyadana waxaa la dhigay loo qaaday isbitaal, dhaawacyada qaarkood waa kuwo halis ah."

 

Illinka hore ee isbitaalka, ayaa waxaa yaalla cadad ka go'ay dadkii rasaasta ku dhintay, iyadoo dhiig badanna uu daadsan yahay, waxaana falkaan ay dadku ku tilmaameen mid naxdin ah.

 

Goobjoogayaal, ayaa sheegaya in baqdin laga qabo in xiisadda taagan, ay dhaliso gacan ka hadal dhexmara ciidammada DKMG ah ee Soomaaliya, kuwaasoo isku maandhaafsan dilka askarigii sida kama' ah loo dilay.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this