Sign in to follow this  
Somalina

Ku-simaha xeer-ilaaliyaha gobolka Bari ee Puntland oo ka bad-baaday qarax Boosaaso lagula eegtay

Recommended Posts

Somalina   

Isniin, 31 Janaayo, 2011 (HOL) – Qaraxan oo ahaa mid aad u xoog badan ayaysan jirin cid ku geeriyootay ,isla markaana ku dhaawacantay,waxaana lala eegtay gaariga ku simaha xeer-ilaaliyaha gobolka Bari Dhame Bashiir Ismaaciil Axmed oo loo yaqaan Hoobaleey.

 

Waxaa la sheegay in qaraxan uu ahaa nooca dhulka lagu aaso, waxaana uu ka dhacay agagaarka Xalwo Kismaayo oo ku taala bartamaha magaalada Bosaaso.

 

"Sida aan warbixinta ku hayno ma jirto cid ku geeriyootay qaraxan waan uu bad-baaday masuulka lala beegsaday "ayuu yiri taliyaha saldhiga bartamaha Bashiir Cabaase oo HOL u waramay.

 

Gaariga ayaa khasaaraha ugu badan ee qaraxu uu gaaray ,waxaana la sheegay in xiligaas ay wada socdeen taliayaha qaybta baarista danbiyada gobolka Bari Siciid Sheekh Maxamuud iyo ku simaha xeer-ilaaliyaha.

 

Qaar ka mid ah ciidamada amniga ee degmada ayaa gaaray goobta uu qaraxa ka dhacay ,iyaga oo rasaas ku kala cayriyay tiro dad ah oo kusoo xoomay goobta uu qaraxani ka dhacay.

 

"Baaritaan lagu daba joogo dadkii arintan dhigay ayaa soconaya, marka waa in laga qayb qaataa amniga gobolka "ayuu hadalkiisa ku daray taliyaha saldhiga bartamaha.

 

Ugu danbayntii, magaalada Bosaaso ayaa labadii bilood ee ugu danbeeyay aaney ka dhicin wax qarax ah ,waana qaraxii ugu horeeyay oo masuul dowlada ka tirsan lala beegsado tan iyo bilowga sanadkan cusub.

 

Faisel Maxamed Hassan,Hiiraan Online

Boston@hiiraan.com

Boosaaso, Somaaliya

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this