Sign in to follow this  
Jacaylbaro

Al Shabaab oo nin Muqdisho ku toogtay

Recommended Posts

Muqdisho:(Sh. M. Network) Maamulka Xarakada Mujaahidiinta Al Shabaab ee gobolka Baanaadir ayaa maanta xukun dil ah ku fuliyay nin ay ku eedeeyeen in uu ahaa sir doon u shaqaynayay dowladda wadanka Maraykanka.

 

Fagaaro ku yaala deegaanka Maslax ee duleedka magaalada Muqdisho oo ay ku suganaayeen Saraakiil iyo ciidamo kale oo ka tirsan Al Shabaab oo ay wahliyeen boqolaal dad wayne ah ayaa galabta Xukun qisaas ah waxaa ay ku fuliyeen nin ay ku eedeeyeen in uu ahaa basaas u shaqaynayay sirdoonka Maraykanka ee FPI-da.

 

Sheekh Cali Max’ed Xuseen oo ah Waaliga wilaayada gobolka Banaadir ee Xarakada Al Shabaab oo la hadlay warbaahinta xiligii uu dilkaasi dhacay kadib ayaa waxaa uu sheegay in Al Shabaab ay gacanta dhigeen Axmed Cali Xuseen oo ah 45-sano jir islamarkaana la shaqaynayay sirdoonka wadanka Maraykanka kaasi oo ka howlgalayay gudaha wadanka Soomaaliya gaar ahaan degmooyinka gobolka Banaadir oo ay gacanta ku hayaan Xarakada Al Shabaab.

 

Xukunka inta uu san dhicin ka hor, waxaa fagaaraha ka hadlay Sheekh Cumar oo ah qaadiga Maxkamadda gobolka Banaadir ee Al Shabab, waxaana uu sheegay in Al Shabaab ninka ay gacanta kusoo dhigeen dilkiisa ay u cugsanayaan Shareecada Islaamka sida uu Hadalka u dhigay.

 

Fagaaraha Maslaxa ee duleedka magaalada Muqdisho waxaa lagu tuugtay ninkaasi oo Shabaab ay ku eedeeyeen in uu shaqaynyay basaaska Maraykanka ee FPI-da, isagoo ay toogteen ciidamo in dhaha u xirnaa oo watay qoryahay Akey 47.

 

Wakiilka gobolka Banaadir Sheekh Cali Max’ed Xuseen waxaa uu sheegay in Xarakada Shabaab ay hayaan Dikumintiyo sir ah oo ninkaani ay ka duubeen gaar ahaan Filin uu sheegay in uu ku cadaysanayo in mudo 16-bilood ah uu la shaqaynayay sirdoonka Maraykanka, isagoo sheegay in maalmaha soo aadan ay u soo bandhigi doonaan shacabka Soomaaliyeed.

 

“Ninkaan la shaqaynayay Cadowga, goorta uu lashaqo bilaabay, shaqooyinka uu la qabtay iyo inta umad ah uu jaajuusay, Filim intaasi ka turjumaya oo cadaynaayo shaqadiisa iyo Mushaarka uu qaatay, waxaas oo dhan dadka ayaan u soo bandhigi donaan” ayuu yiri Sheekh Cali Max’ed Xuseen.

 

Maamulka Al Shabaab ee gobolka Banaadir ma’ahan markii ugu horeysay oo degmooyinka ay Shabaab gacanta ku hayaan ay xukun dil ah, Gacan goyn iyo Lug goyn ay ku fuliuyaan dhalinyaro Soomaaliyeed oo ay ku eedeeyaan inay xiriir la leeyihiin dowladda KMG Soomaaliya iyo waliba wadamada taageera, iyagoo markasta qofka ay xukunka ku fulinayaan sheega in uu cadaystay Dambigiisa.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this