Xaaji Xunjuf Posted January 31, 2011 Wasiirka Arrimaha Dibada Oo Kulan La Yeeshay Wasiirka Khaarajiga Finland January 30th, 2011 Comments Off Addisababa(Somaliland.Org)-Wasiirka arrimaha dibada Dr. Maxamed Cabdilaahi Cumar oo uu weheliyo wakiilka Somaliland ee dalka Itoobiya Mr Aaden Nuux Dhuule ayaa kulan la yeeshay wasiirka arrimaha dibada dalka Finland, waxaanu wasiirada uga xog-waramay xaaladaha Somaliland ee dhinacyada horumarka, dimuqraadiyadda, doorashooyinkii dalka dhacay sanadkii hore iyo horumarka ay Somaliland ka gaadhay nabadgalyada, isaga oo sharaxaad ka bixiyay dadaalka Somaliland ugu jirto inay beesha caalamka ka hesho aqoonsi caalami ah si ay uga mid noqoto wadamada la aqoonsan yahay ee dunida. Sidaasna waxa lagu sheegay war saxaafadeed ka soo baxay wasaarada Arrimaha dibada, kaasi oo u qornaa sidan:- “Wasiirka arrimaha dibada dalka Finland oo iyaddu shirka midowga Afrika uga soo qayb-gashay inay goob-joog uga ahaato midowga Yurub, ayaa dhinaceeda balan qaaday inay dalkeedu diyaar u yahay inuu la shaqeeyo Somaliland oo ay tilmaantay inay ka war-hayaan dhacdooyinka yaabka leh ee ay ku soo kordhisay qaarada Afrika, gaar ahaan gobolka Geeska Afrika. Sidoo kale, wasiirka khaariga Somaliland Dr Maxamed Cabdilaahi Cumar, waxa uu kulamo la qaatay wasiiro-arimo dibadeedyada Itoobiya iyo Koonfurta Suudaan, waxaanu kala hadlay arimo khuseeya qadiyadda madax-banaanida Somaliland, isaga oo wasiirku masuuliyiinta ku qanciyey in Somaliland marayso xili aan beesha caalamku indhaha ka qarsin Karin horumarka samaysay, sidaas daraadeedna loo baahan yahay in beesha caalamku il gaar ah ku eegto. Dr Maxamed Cabdilaahi Cumar, waxa uu sidoo kale la kulmay wakiilka xoghayaha qaramada midoobay u qaabilsan Somaliland iyo Somaliya Dr Augstine Mahiga, waxaana uu kala hadlay arimo door ah oo dan ah qadiyadda ictiraafka raadinta Somaliland, waxaanu u sheegay wakiilka xoghayaha qaramada midoobay ee Somaliland iyo Soomaliya in wakhtigan Somaliland mareyso meel mudan in beesha caalamku ku ictiraaftu, isaga oo ku hoga tusaaleeyay dalka koonfurta Suudaan ee hadda ka go’aya dal-waynaha Suudaan, taasina ay waddo u furayso wadamada niyadda ku haya inay Somaliland ictiraaf siiyaan. Ugu dambayn, wararka aanu ka helayno shir-waynaha midowga Afrika ee ka socda Magaalada Addis-ababa ayaa sheegaya in wasiirka khaarajiga Somaliland Md Maxamed Cabdilaahi Cumar uu warbixin dheer oo ka hadlaysa xaalada Somaliland iyo ujeedooyinka ay ictiraafka u doonaysa u gudbiyey shirka midowga Afrika, iyadda oo la sheegay in wargeysyada waaweyn ee ka soo baxa Addis-ababa-na ay si xeel dheer uga warameen war-bixinta wasiirku gudbiyey.” Quote Share this post Link to post Share on other sites