Sign in to follow this  
Xaaji Xunjuf

UAE government invites Somaliland president for offical state visit.

Recommended Posts

Wadanka Imaaraadka Carabta oo la Sheegay inay Martiqaad u Fidiyeen Madaxweynaha Somaliland

Wasiirka Macdanta iyo Biyaha Somaliland oo ka Xogwaray Natiijadda Socdaal uu ku Joogo Dalka Imaaraadka Carabta

 

 

 

Dubai (Jam)- Wasiirka macdanta iyo biyaha Somaliland Md. Xuseen Cabdi Ducaale, ayaa ka xogwaray socdaal oo muddooyinkii u dambeeyey ku joogay dalka Isu-tagga Imaaraadka Carabta iyo kulamo kala duwan oo uu la yeeshay masuuliyiin ka tirsan Imaaraadka, iyada oo la sheegay in dalka Imaaraadku martiqaad u fidiyey madaxweyne Siilaanyo.

 

Wasiirka macdanta iyo biyaha oo 27 jsnusry 2011 magaaladda Dubai kulan kula yeeshay jaaliyada reer Somaliland ee ku dhaqan wadanka Imaaraatka Carabta, ayaa ka hadlay hawlihii uga qabsoomay intii u safarka ku joogay wadanka Imaaraadka, wuxuu warbixin kooban ka bixiyey wixii uga qabsoomay safarkiisii.

 

Md. Xuseen Cabdi Ducaale, ayaa sida lagu baahiyey shabakada wararka ee Ramaasnews, wuxuu sheegay in uu kulamo la yeeshay Shuyuukh iyo masuuliyiin badan oo ka tirsan Dawladda Isutaga Imaaraadka Carabta oo ay ka mid ahaayeen hay'adaha gargaarka sida: Bisha Cas ee Imaaraatka iyo Hay'adda Skeikh Khalifa ee Samafalka iyo kuwo kaleba.

 

Waxa uu wasiirku u sharxay masuuliyaanta Imaaraatka abaaraha iyo biyo la'aanta ka taagan Somaliland, isaga oo adeegsanaya warbixino cilmiyeysan oo qeexaya xaalada abaaraha.

 

Waxaa kale oo uu usoo bandhigay wasiirku masuuliintaas fursadaha ganacsiga iyo maalgashiga ee ka jira soomaaliland.

 

Xukuumada Imaaraadku waxa ay ka aqbashay wasiirka, in loo fidiyo marti qaad rasmi ah Madaxweynaha Somaliland Mudane Axmed Maxamed Siilaanyo, iyada oo sida la filayo wasiirka macdanta iyo biyuhu dalka dib ugu soo laaban doono maalinta Isniinta.

 

Booqashadan wasiirka ayaa ahayd mid ay Jaaliyada Reer Somaliland aad ugu diirsatay, marka la eego guulaha ka soo hoyday socdaalkiisa, iyada oo ay u arkaan guulweyn oo u soo hoyatay Somaliland. Marka la eego maqaamka sare ee lagu qaabilay wasiirka, taas oo muujinaysa sida ay dawlada Imaaraadku u danaynayso arimaha Somaliland iyo xidhiidh dhex mara labada wadan ee walaalaha ah.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this