Sign in to follow this  
Xaaji Xunjuf

Somaliland parliament session starts in the new parliament house Pics

Recommended Posts

Jawigii uu ku furmay Kalfadhigii 14aad ee Golaha Wakiilada iyo Guddomiyaha Golaha wakiilada oo ku dhawaaqay in uu xaal marin siinayo Xildhibanada golaha wakiilada.

 

Hargeysa(Waaheen) Guddomiyaha Golaha wakiilada Somaliland C/raxman Maxamed C/laahi (Cirro) ayaa maanta Qudbad Beerlaxawsi ah u jeediyey xildhibanada golaha wakiilada ah, Qudbadaas oo ahayd mid uu ku dajinayo Khilaafka ragaadiye Golaha wakiilada ee muddoyinkan danbe ka dhexe taagan labad qaybood ee golaha wakiiladu u kala qaybsamay, Balse waxaan Ajandaha Golaha wakiilada ee maanta loo qaybiyey Xildhibanada golaha wakiilada aan ku jirin Qodobkii kiciyey khilaafka wakhtigan ka jira golaha qodobkaas oo ahaa xeer hoosaadka Golaha wakiilada oo ay xildhibnada qaar mooshin hore ku soo dhigeen balse arintan ayaa noqonysa in uu khilaafkii sii jiitamo

 

Hadaba hadal qoraalkii Fadhgii maanta ayaa u qornaa sidan

 

Markaan dhegeystay dooda mudanyaasha ka soo jeediyey mooshinka wax ka bedelka iyo kaabista xeerhoosaadka Golaha Wakiilada

 

Markaan dhegeystay Gudoomiye Ku-Xigeenka 1aad iyo 2aad ee Golaha Wakiilada JSL

 

Markaan la tashaday lataliyayaasha sharci ee Golaha

 

Markaan arkay in nuxurka khilaafka Golaha uu yahay soo dhigida xeer hoosaadka golaha si kaabis iyo wax ka bedel loogu sameeyo

 

Markaan eegay qodobka 1aad, 9aad, 22aad iyo 37aad ee Xeerhoosaadka Golaha

 

Markaan eegay Qodobka 45aad iyo 46aad ee dastuurka

 

Markaan xogogaal u noqday in Gudida joogtada ah ee Golaha Wakiilada JSL qaateen aqoon korodhsiyo ( seminars) ku saabsan kaabista waxa ka bedelka xeerhoosaadka Golaha ( Standing Orders of the House) July 2009 , April 2010 iyo May 2010 kaas oo ay gacan ka siiyeen khubaro ka socotay baaralaamanada dalal aan saaxiib nahay iyo AWEPA si xeerhoosaadka Golaha looga dhigo mid la mid ah ka baaralamaanada kale .

 

Markaan ogaaday in uu jiro nuqul (Darfta) xeerhoosaad oo laga sameeyey doodihii seminars-kaas .

 

Markaan arkay in nuxurka mooshiinka mudanyaasha yahay kabiista iyo wax bedelka qodoboda xeerhoosaadka

 

Markaan garawsaday inay mudan tahay in tixgelin iyo mudnaan la siiyo soojeedinta ( motion) ee mudanayaasha

 

Markaan tixgeliyey in mudnaanta kowaad maanta leedahay xalinta jawharada khilaafka golaha oo ah in golaha la keeno dooda wax ka bedelka iyo kaabista Xeerhoosaadka Golaha

 

Waxaan go,aamiyey

 

1. In aan raali geli iyo xaalka ka siiyo mudanyasha jooga iyo kuwa maqanba wixii gef ah ee ay ka tirsadeen xubnaha shirgudoonka mudadii khilaafku Golaha ka jiray.

 

2. In Golaha la hor keeno drafta wax ka bedelka iyo kaabista xeer hoosaadka Golaha wakiilada ee ay soo diyaariyeen khubaro ka socda baarlamaanda dalal aan saaxib nahay, AWEPA iyo Gudida Joogtada ah ee Golaha Wakiilada oo muddo dheer diyaarintiisa la waday si goluhu uga dooda . Draft-kani waad mid dhexdhexaad ah ( neutral) oo ayna diyaarintiisa raad ku lahayn shirgudoonka iyo mudanyaashu marka la reebo Gudidda Joogtada ah oo xeerhoosaadku siiyey soo jeedinta wax ka bedelka xeerhoosaadka.

 

3. In Gudida Joogtada ah ee Goluhu kalfadhiga furmaya 25.1.2011 warbixin ka siiyaan Goleweynaha Stage-ka uu marayo drafta kaabista iyo wax bedelka xeer Hoosaadka Golaha ee kor ku xusani.

 

4. In mudanyaashu la sugaan soo jeedimahooda ku saabsan wax ka bedelka, kaabista iyo wax ku kordhinta qodobka xeerhoosaadka marka ay bilaabanto dooda xeerka hoosaadku.

 

5. In mudanyaashu xaq u leeyihiin wax kasta uu ay u jideeyeen dastuurka iyo xeerhoosaadka Goluhu

 

Waa Bilaahi Tawfiiq

 

Md Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi ( Cirro)

 

Gudoomiyaha Golaha Wakiilada

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this