Sign in to follow this  
oba hiloowlow

DOWLADA “Waqtiga inoo harsan Qaramada Midoobe waxba kama gelin, ee shacabka baa go’aan ka gaari kara

Recommended Posts

Kadib markii ay Qaramada Midoobe *****lka ka qaaday in xukuumadda madaxweyne Shariif ay u harsan tahay todobo bilood oo qura ayaa waxaa amuurtaasi ka hadashay dowladda kmg ee Soomaaliya.

 

Wasiirka Arrimaha Dibada ee dowladda Soomaaliya Maxamed C/Laahi Oomaar oo ku sugan magaaladda Addis Ababa ee dalka Itoobiya ayaa wuxuu ku qabtay shir jaraa’id, wuxuuna *****lka uu ka qaaday in waqtiga u harsan xukuumadda Soomaaliya ay taasi go’aan cad ka gaari karayaan shacabka Soomaaliya, isla-markaana ay taasi shaqo iyo shuqul toona laheyd Qaramada Midoobe.

 

Wasiirka ayaa ku nuux-nuux-saday in shacabka Soomaaliya ay go’aan cad ka gaari karaan xilliga u harsan dowladda uu madaxweynaha ka yahay Shariif Sheekh Axmed, isla-markaana shacabka waxaa looga fadhiyaa buu yiri go’aan ka gaarista xilliga madaxweynaha.

 

Sidoo kale Maxamed C/Laahi Oomaar ayaa sheegay in dowladda Soomaaliya ay ku mashquulsan tahay, qaabka ay uga tukha-lisi laheyd xoogaga Xarakada Al Shabaab oo dagaalo xoogan kala soo horjeeda xukuumadda kmg ee Soomaaliya.

 

Dhanka kale Wasiirka Arrimaha Dibada ee dowladda kmg ee Soomaaliya Maxamed C/Laahi Oomaar ayaa sheegay in Qaramada Midoobe ay go’aan ka gaari karto arrimaha dalka Somaliya, waa marka buu yiri ay shacabku Soomaaliyeed xukmin waayaan waqtiga u harsan xukuumadda Soomaaliya.

 

Hadalkaan kasoo yeeray Maxamed C/Laahi Omaar ayaa wuxuu kusoo aadaayaa, xilli Qaramada Midoobe ay *****lka ka qaaday in madaxweyne Shariif uu u harsan oo qura todobo bilood, isla-markaana dalka Soomaaliya loo-sameyn doono doorasho, lagu soo dooranaayo madaxweynihii hogaamin lahaa dalka.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this