The Zack Posted January 28, 2011 Sheekh Shariif oo laga yaabo in uu Maro Wadadii uu xilka isaga Casiley Cabdulaahi Yuusuf Madaxweynaha DFKMG Sheekh Shariif Sheekh Axmed ayaa habeenkii Arbacada saqdii dhex mar ahayd tahay waxaa la sheegay in uu si qarsoodi ah ka dhoofay garoonka Diyaaradaha ee Magaalada Muqdisho sida ay noo sheegey rag isaga ku dhow dhow isagoo ku sii jeeda Magaalada Nairobi ee dalka Kenya kadib markii ay u yeereen wakiilo ka socda beesha caalamka oo maalmahan ku suganaa Magaalada Nairobi iyadoo Safarka Madaxweynaha DFKMG Shiikh Shariif uu ku soo beegmey Xilli Magaalada Nairobi ay ka socdaan shirar ay leeyihiin qaar ka mid ah xildhibaanada Baarlamaanka iyo Siyaasiin Caan ah, waxaana Garwadeen ka ah shirarkaas Gudoomiyaha Baarlamaanka Shariif Xasan iyo Ra’isul Wasaarihii hore ee DFKMG Soomaaliya Cali Max’ed Geedi ayagoo oo ka arrisanaya sidii ay beesha caalamka uga dhaadhicin lahaayeen in Sheekh Shariif xilkiisa uu ku ekaado 31-ka Jaanaayo oo ah xiligii Jabuuti lagu doortay. Waxaana shir ka mid Shirarkaas lagu waramey in lagu kala dareerey ka dib rag aan lagu Casuumin ay ka soo qaybgaleen kuwaas oo la sheegey inay buuq iyo Dagaal halkaa ka sameeyeen. Warar aanu ka helnay qaar ka mid ah Xildhibaanada Baarlamaanka ayaa waxay sheegayaan in intii uusan Sheekh Shariif ka ambabixin Magaalada Muqdisho uu kullan la qaatay guddoomiye ku xigeenka baarlamaanka C/wali Sheekh Ibraahim Muudey isagoo ka codsaday in uu kullan isugu yeero xildhibaanada Baarlamaanka hase yeeshee arrinkaan waxaa maqlay Guddoomiyaha Baaralmaanka Shariif Xasan waxa uuna u sheegay in shir uusan la socon aan la qaban Karin. Read the rest here.. Quote Share this post Link to post Share on other sites
Showqi Posted January 28, 2011 Zack, ma la hubaa warkan??? Quote Share this post Link to post Share on other sites
The Zack Posted January 28, 2011 Showqi, Somalitalk waa reliable, been cad ayagoo qora ma arkin wali sxb. UN-ta iyo intaranashnaaal kumuunity-ga baa geysatay odayga meesha, iney ka qaadaanna waa macquul. Quote Share this post Link to post Share on other sites
Somalina Posted January 28, 2011 Showqi lama hubo... Quote Share this post Link to post Share on other sites
Xaaji Xunjuf Posted January 28, 2011 ^^ ma vila somaliyad la hadashay Quote Share this post Link to post Share on other sites
Che -Guevara Posted January 28, 2011 It looks like he's going the way of Ina Yeey. Quote Share this post Link to post Share on other sites
Showqi Posted January 28, 2011 Zack, taasi waa macquul. Waa hadii ay balantu sidaas ahayd!!! Shariifka wali waxaa ku daba-dhagan Shariif Xasan ayaan u malaynayaa? Quote Share this post Link to post Share on other sites
The Zack Posted January 28, 2011 LOL Xaaji Xundhuf haddaa ma "Amiirka" bey la hadli laheyd. Quote Share this post Link to post Share on other sites
Somalina Posted January 28, 2011 Xaaji Xunjuf;691102 wrote: ^^ ma vila somaliyad la hadashay maya, ayaga ayaa ila soo hadla...lol lol@Zack. Quote Share this post Link to post Share on other sites
The Zack Posted January 28, 2011 Showqi;691106 wrote: Zack, taasi waa macquul. Waa hadii ay balantu sidaas ahayd!!! Shariifk wali waxaa ku daba-dhagan Shariif Xasan ayaan u malaynayaa? Shariif Xasan waa nin xagxagasho badan horta laakiin arintan waa wax isaga ka weyn. Quote Share this post Link to post Share on other sites
Showqi Posted January 28, 2011 Bal waynu ka war sugi siday noqotoba? Quote Share this post Link to post Share on other sites
General Duke Posted January 28, 2011 It does not matter. We need the game to be changed and not just the players.. Quote Share this post Link to post Share on other sites
Gheelle.T Posted January 28, 2011 AS long as the NGOs in Nairobi and the so called International Community are calling the shots, this game will never change. Somalis will keep squabbling on petty things and those men(in suits) in Nairobi will keep pocking on the poor Somalis. Sad, but the truth...Let it roll. Quote Share this post Link to post Share on other sites
oba hiloowlow Posted January 28, 2011 at least 7bilood ee uu harsan waalo dhameystira. Quote Share this post Link to post Share on other sites
The Zack Posted January 29, 2011 LOL@Oba.. taageera ahaa. If Sharif is not leading the country to where it belongs to then he needs to step aside..wuu sii soconaa sxb. Quote Share this post Link to post Share on other sites