Sign in to follow this  
oba hiloowlow

Axmed Godane “Walaalaha Shabaabka waxaan lee-yahay ummada Somaliyeed yeesan Diinta Alle nacsiin”

Recommended Posts

Amiirka Xarakada Al Shabaab oo looga bartay hadalo kul kulul ayaa waxaa maanta kasoo yeertay hadalkii ugu dabacsanaa ebid ee kasoo yeeray amiirka Xarakada Al Shabaab.

 

Amiirka Xarakada Al Shabaab Sheekh Mukhtaar C/Raxmaan “Abuu Zubeyr” oo ay Soomaalidu u taqaano Axmed Godane, ayaa wuxuu soo saaray fariin maqal ah oo lasoo gaarsiiyay bahda warbaahinta, wuxuuna kaga hadlay xaaladda guud ee dalka Soomaaliya.

 

Amiirka ayaa *****lka ka qaaday inaanan loo-baahneen in ummada Soomaaliyeed aan la-nacsiin Diinta Alle, xilli uu dalka aafeeyay buu yiri abaaro baahsan oo ku dhuftay qeybo kamid ah dalka Soomaaliya, isla-markaana wuxuu maamulka Xarakada Al Shabaab uu ugu baaqay, inaanan walaalaha Soomaaliyeed ee Muslimiinta ah, la-nacsiin Diinta Alle “SW”.

 

“Walaalaha Shabaabka waxaan lee-yahay ummada Soomaaliyeed yesan Diinta Alle nacsiin, maxaa yeellay waxaa loo-baahan in’ay Shabaabku muujiyaan naxariis, waayo dalka waxaa ka jira abaaro daran” ayuu yiri amiirka Xarakada Al Shabaab Sheekh Mukhtaar C/Raxmaan “Abuu Zubeyr”.

 

Sidoo kale Axmed Godane ayaa wuxuu sheegay in maamulada Shabaabka ee ku sugan gobolada ay ka taliyaan, in’ay shacabka ula dhaqmaan si wanaagsan oo ay ummada ku qanci kareyso, isla-markaana wuxuu dhawr jeer uu kusoo cel-celshay inaanan ummada la-nacsiin Diinta Islaamka.

 

Dhanka kale amiirka Xarakada Al Shabaab Sheekh Mukhtaar C/Raxmaan “Abuu Zubeyr” ayaa wuxuu *****lka ka qaaday in maamulka Xarakada Al Shabaab looga baahan yahay Cadaalad, waayo buu yiri Cadaaladda waa midda kaliya ee ugu wanaagsan, lagana doonaayo ruuxa Muslimka ah.

 

Hadalkaan kasoo yeeray amiirka Xarakada Al Shabaab Sheekh Mukhtaar C/Raxmaan “Abuu Zubeyr”, ayaa wuxuu noqonaayaa hadalkii ugu dabacsanaa ee kasoo yeeray Amiirka, iyadoo aan la-ogeyn waxa keenay xilligaan in amiirka uu ku hadlo hadalo damacsan.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Somalina   

Xaaji Xunjuf;691051 wrote:
Waleh Amiirki ba hadlay wa farin aad u wanaagsan bu so jeediyey dadka yaan diinta la nacsiin

Here comes the number1 fan. :D

Share this post


Link to post
Share on other sites
The Zack   

Both Godane and his Shabaab have had their time. They are about to depart from the Somali peninsula very soon. Momentum doesn't stay with one man/entity all the time. Odayga u sheega laakin, is giiji dhaha, waaxay calaacalka LOL. Same to his BFF(I mean his ex) Shangoole. Rag iska dhiga dhaha.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Somalina;691097 wrote:
Here comes the number1 fan.
:D

Somalina awoow amiirku wax xun ma sheegin dhegeyso wereysigisa wuxu yidhi dadka diinta yaan la nacsin oo xagjirnimadu koley ila ma fiicna aniga markad i weydisid.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this