Mooge Posted January 27, 2011 Madaxweynaha DFKMG Sheekh Shariif Sheekh Axmed ayaa habeenkii Arbacada saqdii dhex mar ahayd tahay waxaa la sheegay in uu si qarsoodi ah ka dhoofay garoonka Diyaaradaha ee Magaalada Muqdisho sida ay noo sheegey rag isaga ku dhow dhow isagoo ku sii jeeda Magaalada Nairobi ee dalka Kenya kadib markii ay u yeereen wakiilo ka socda beesha caalamka oo maalmahan ku suganaa Magaalada Nairobi iyadoo Safarka Madaxweynaha DFKMG Shiikh Shariif uu ku soo beegmey Xilli Magaalada Nairobi ay ka socdaan shirar ay leeyihiin qaar ka mid ah xildhibaanada Baarlamaanka iyo Siyaasiin Caan ah, waxaana Garwadeen ka ah shirarkaas Gudoomiyaha Baarlamaanka Shariif Xasan iyo Ra’isul Wasaarihii hore ee DFKMG Soomaaliya Cali Max’ed Geedi ayagoo oo ka arrisanaya sidii ay beesha caalamka uga dhaadhicin lahaayeen in Sheekh Shariif xilkiisa uu ku ekaado 31-ka Jaanaayo oo ah xiligii Jabuuti lagu doortay. Waxaana shir ka mid Shirarkaas lagu waramey in lagu kala dareerey ka dib rag aan lagu Casuumin ay ka soo qaybgaleen kuwaas oo la sheegey inay buuq iyo Dagaal halkaa ka sameeyeen. Warar aanu ka helnay qaar ka mid ah Xildhibaanada Baarlamaanka ayaa waxay sheegayaan in intii uusan Sheekh Shariif ka ambabixin Magaalada Muqdisho uu kullan la qaatay guddoomiye ku xigeenka baarlamaanka C/wali Sheekh Ibraahim Muudey isagoo ka codsaday in uu kullan isugu yeero xildhibaanada Baarlamaanka hase yeeshee arrinkaan waxaa maqlay Guddoomiyaha Baaralmaanka Shariif Xasan waxa uuna u sheegay in shir uusan la socon aan la qaban Karin. Sheekh Shariif ayaa rag sharci yaqaano ah kullan la qaatay isagoo kala hadlay arrimo la xiriira dowladda federaalka, waxaana lagu waramay in Madaxweynaha DFKMG Sheekh Shariif laga dhaadhiciyey in uu kala diro Golaha Baarlamaanka waana arrintaas mida keentay in la baajiyo kullankii uu Sheekh Shariif dalbaday, waxayna sharci yaqaanadu Sheekh Shariif ku booriyeen in isaga oo cuksanaya dastuurkii 1960-kii oo ah in Madaxweynuhu awood u leeyahay in uu kala diro Baarlamaanka. Hase yeeshee warar kale oo aanu ka helnay xildhibaano ayaa sheegaya in kullan ka dhacay Magaalada Nairobi oo ay isugu yimaadeen Guddoomiye Shariif Xasan iyo beesha caalamka looga hadlay qorshaha uu wato Sheikh Shariif ee ku aadan in uu kala diro baarlamaanka waxaana laga dhaadhiciyey dowladaha daneeya arrimaha Soomaaliya in xiligaan ay fududahay in uu xilka iska casilo Madaxweynaha DFKMG Sheekh Shariif halka haddii baarlamaanka la kala diro ay adkaan doonto in dib loo dhiso baarlamaanka cusub. Shariif Xasan ayaa waxa uu doonayaa in uu xilka madaxweyne sii hayo 8-da bilood ee ka harsan jiritaanka Baarlamaanka Soomaaliya, warar ayaa waxay sheegaan in Xildhibaan Cali Max’ed Geedi uu la soo xiriiray xildhibaano ay is xigaan oo Muqdisho ku sugan isagoo u sheegay in Sheekh Shariif looga adkaaday siyaasadda isla markaana uu is casilayo, waxaana muuqata is gaashaanbuureysi cusub oo u dhexeeya Shariif Xasan iyo Cali Max’ed Geeddi. Hase yeeshee rag ku dhow dhow Sheekh Shariif ayaa noo sheegay in arrimaha haatan socda ay yihiin kuwo lagu qalqalgelinayo Madaxweynaha, waxayna sababaha uu ugu duulay Nairobi ku sheegeen hawlaha dowladda la xiriira gaar ahaan dhanka ammaanka belse Xildhibaano aan taageersaneyn labada dhinaca ayaa noo sheegey in Haddi uu tago Shiilkh Shariif iyana meesha ay ka bixi doonaan Guddoomiya Baarlamaanka iyo Raiisul Wasaaraha waayo waxay qabteen ma jiraan weli Dagaaladii Bilowdey Xilligii Cabdulaahi Yuusu weli waa socdaan dadka weli waa Barakacayaan sidoo kale waxaa socda Madaafiicdii lagu laynayey Shacabka hase yeeshee waxaase saansaakeedii muuqda wadaddii uu maray Madaxweynahii DFKMG C/llaahi Yuusuf ay hadda beesha caalamku ugu yeereyso Sheekh Shariif. somalitalk Quote Share this post Link to post Share on other sites
Mooge Posted January 27, 2011 shariif is about to resign. we will know soon weather somalitalk is correct or not. Quote Share this post Link to post Share on other sites
Che -Guevara Posted January 27, 2011 I wonder what does Sharif literally do from sunrise to sunset? Quote Share this post Link to post Share on other sites
Mooge Posted January 27, 2011 shariif has 4 wifes. that is a lot of work. all of them live in villa somalia i read somewhere. Quote Share this post Link to post Share on other sites
Somalina Posted January 27, 2011 Islama joogaan hal meel! Quote Share this post Link to post Share on other sites
Jacaylbaro Posted January 27, 2011 how do u know ? Mise waxaad leedahay habeenba mid baa timaada the villa ilayn isagu uma bixi karee ?? Quote Share this post Link to post Share on other sites
caydarus Posted January 27, 2011 Mooge;690645 wrote: shariif has 4 wifes. that is a lot of work. all of them live in villa somalia i read somewhere. every thing is possible lol...awy dadkii iyo dalkii sugaayey...... my God! Quote Share this post Link to post Share on other sites
oba hiloowlow Posted January 27, 2011 Mooge;690645 wrote: shariif has 4 wifes. that is a lot of work. all of them live in villa somalia i read somewhere. 3 waaye Egypt iyo qadar ayna kala joogaan........ Quote Share this post Link to post Share on other sites